Maamulka Gobalka Banaadir oo kulan Qur’aan akhris ah u sameeyay Shuhadadii Xeebta Liido

Date:

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Duco iyo Qur’aanka Aqris ah ugu sameeyay Shuhadadii Todobaadkii hore ay Kooxaha Khawaarijta ku xasuuqeeen xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Boqolaal ka tirsan Howlwadeenada Gobalka Banaadir iyo Bulshada Caasimadda ayaa Salaada Jimco ku tukaday barxada Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Waxaana Khudbada Salaada Jimco lagu soo qaatay sida ay Diinteena suuban u xaaran-tameesay in Naf bini-aadam ah la gooyo iyo in falalka guracan ay kooxaha Khawaarijta marnaba aysan ka turjumeynin Diinta Islaamka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa salaada kadib markale si kulul ugu hadlay falalka guracan oo ay Kooxaha Khawaarijta ku beegsato shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxa uuna halkaasi ugu duceeyay Dalka, Dadka, Shuhadada, Inta dhaawaca ah iyo guud ahaan muslimiinta dunida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...