Home Blog Page 314

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED CABDALLA XASAN FOODCADE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan qoyska, ehelada iyo ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool Marxuum Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcade).

Guddoomiyaha ayaa xusay in marxuumka uu kaalin muhiim ah ka soo qaatay dowladnimada, nabadda iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed asagoo ugu soo shaqeeyay daruufo aad u adag. Waxaana uu Allah uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed na uu samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo Baydhabo ka furay shirka arrimaha bani aadanimada Soomaaliya {SAWIRRO}

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG Ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.
Shirkaan waxaa ka qeybgalay,Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey khawaarijta iyo Xaalada El-Niño ee wadankeena ku soo wajahan,waxaana daahfurkiisa Ra’isulwasaare saalax ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal lagu cirib tirayo khawaarijta ka wada koofurta Mudug

0

Howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee beelaha Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka tuulada Shabeelloow ee Koofurta gobolka Mudug.

Howlgalka oo Khawaarij halkaas ku dhuumaalaysanaysay looga qaaday dhawr jiho ayaa ah mid xooggan oo looga sifeynayo deegaanka.

Dagaal u dhaxeeya geesiyaasha halkaas ka wada howlgalka iyo malleeshiyada Khawaarijta ayaa hadda socda, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in khasaare xooggan la gaarsiiyey cadowga.

Hawlgalkaan ayaa imaanaya xilli inta badan Gobalka Mudug laga sifeeyay Khawaarijta.

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo xarigga ka jaray Waddada Taleex oo dib loo dhisay {SAWIRRO}

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Degmada Hodan oo dib-u-dhis uu ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay soo nooleynta bilicdii iyo horumarkii Muqdisho ay ku suntanayd.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir oo gacanta ku haya dib u dhiska jidadka caasimadda.
Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh isu-socodka bulshada caasimada, ayaa lagu dhisay barmaamijka hal doolar dalkaaga ku dhiso oo qeyb ka ah qorshe ay bulshadu uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho.

wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha hormarinta wax soo saarka oo Baydhabo ka furmay {SAWIRRO}

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka furey wajiga 2aaad ee shirka isku duwidda howlaha hormarinta wax soo saarka xoolaha ee Mashruuca RAAISE.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Xanaanada xoolaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Koongareeska Mareykanka oo markii ugu horeysay xilka ka xayuubiyay Afhayeenkoodi

Xubnaha aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in xilka ka qadista afhayeenkoodi, Kevin McCarthy, tallaabadaas oo noqonaysa tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee soo marta taariikhda Koongareeska Mareykanka.

Aqalka wakiillada Mareykanka McCarthy oo ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa waxaa xil ka qaadistiisa u codeysay 216 cod, halka 210 ay ka soo horjeesteen.

Siddeed xubnood oo ka mid ah xisbiga Jamhuuriga, ayaa u codeeyay in xilka laga qaado afhayeenka aqalka Koongareeska Mareykanka, taasi oo micno kale u sameyneyso xilka ka qaadistisa.

 

Soomaaliya oo Masar kaga qayb galaysa shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu uga qeyb galo shirka wada tashiga ee horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi  Ibraahim oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay  Mudane Alexio Musindo Agaasimaha Xafiiska ILO ee dalalka Somalia, Ethiopia, Djibouti,  Sudan iyo South Sudan, ahna wakiilka gaarka ah ee AU iyo ECA ee dhanka Shaqada.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac oo uu ka mid ahaa Mudane Mahdi Maxamuud Cali oo ah La-taliyaha Sare ee MOLSA, Marwo Sucaad Cabdullaahi Macallin Agaasimaha Waaxda Sharciyada iyo Xiriirka Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Fatuxa Cabdullaahi Ciise La-taliye  Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda, ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya ILO iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac, wuxuuna sidoo sheegay in hay’adda ILO uu ka helay ballan qaad la xiriira  dhammaan dhinacyada u baahan in Soomaaliya laga taageero sida dhanka ilaalinta Bulshada iyo horumarinta shaqo hufan (Decent Work) iyo tayenyta horumarka shaqaalaha hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Booqashada Wasiirka iyo wafdigiisa ay ku tageen dalka Masar ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska (ILO Cairo) ee Dalka Masar si ay uga wada hadlaan arrimaha iskaashiga.

Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo gaaro danaha horumarineed ee Bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay degaanno hoos taga Qoryooleey

0

Ciidamada qalabka sida ee DFS ayaa Khawaarijta kala wareegay degaanno hoos taga degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed ee degmada Qoryooley Laba xiddigle, Cali Maxamed Aaden ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh gaarsiiyeen khawaarijta.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadau burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku lahaayeen tuulada Gaay warroow, firxadkoodana ay ku daba jiraan iyagoo kaashanaya dadka shacabka ah.

 

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika

0

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative).

Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.

Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka.

Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane, Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.

NISA oo gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida iyo Dowladnimada Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Khawaarijta.

Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.