Home Blog Page 314

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo kulan kula qaatay dalka Japan Madaxda hay’adda (JICA )

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa dalka Japan kula kulmay madax sare oo ka tirsan hay’adda Iskaashiga caalamiga ah ee dalkaasi (JICA).

Agaasimaha hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Japan qeybta Africa Momita Yasuki ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay mashaariicda ay hay’addooda ka waddo dalalka Afrika,gaar ahaan Soomaaliya.

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday in laga caawiyo dhisidda xarumaha gurmadka degdega ah ee maamul goboleedyada, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adda maaraynta musiibooyinka.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xubno ka tirsan BFS oo sheegay in lagu dhibaateeyay Nairobi

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxa ay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale ay Dowladda Soomaaliya si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen oo ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirrigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Masaajid Cali Gadud kula hadleyn dadka degaanka ah

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed Xasan, ayaa kulan dhiirragalin ah la qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo laba sano kahor laga xireeyay kooxaha khawaarijta.

Afhayeenka oo la hadlay qeybaha bulshada, ayaa kula dardaarmay in ay u howlgalaan oo ay la shaqeyàan ciidanka dowladda iyo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha khawaarijta.

Sarkaalkaasi waxa uu ka codsaday dadka deegaanka in ay la yimaadaan dulqaad iyo iscafiyo,isla markaana ay ka qeybqaataan horumarinta adeegyada lagama maarmaaka u ah bulshada.

Khawaarijta, ayaa laga xurreeyay gooba farabadan,oo ay hadda ku sugan yihiin shacabkii iyo ciidamada kala duwan ee dowladda iyo kuwa degaanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiyo Soomaaliya 

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern, ayaa kala hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir, ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha khawaarijta iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Dankiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Bangiga Adduunka oo soo saaray Warbixinta sanadlaha ah ee Horumarka dhaqaalaha Soomaaliya 

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah,ayaa sanadkaan diirada lagu saaray wax ka qabashada dhibaatooyinkii iyo caqabadaha ay leedahay Isbeddelka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan ka saamasay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan lagu soo bandhigay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2024. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyadoo sidoo kalena guullo waa wayna ay ka samaysay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

“Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Warbixintiisa 9-aad taasi oo lagu soo bandhigay sidoo kalena lagu gorfeeyay halista isbeddelka cimilada iyo sida ay Soomaaliya samayn dhinacyo kale duwan ah ugu yeelatay.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo ka dhashay xiisadaha Gobolka gaar ahaan Badda Cas, dagaalka Ukrian iyo cimilada kulalanaysa”,ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbixinta la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka uu soo bandhigay ayaa lagu xusay in korarka dakhliga gudaha uu kordhay sanadkaan boqolkiiba 3.7% halla Warbixintu odorastay in sanadka 2025 uu kordhayo boqolkiiba 3.9%. Sanadkii hore 2023 ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbxinta inuu boqolkii 3.1% korar ah uu sameeyay dakhliga halka 2022 uu gaaray boqolkiiba 2.4%. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuucda kale ee muhiimka u ah Nidaamka Guud ee Maamulka Maaliyadda taasi oo keentay korar dakhliga gudaha.

Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qiimayo heerka xaalada horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo caqabadaha jira,sida loo dhaqangeliyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha kale ee muhiimla ah u ah Maaliyadda Guud.

Federal Government of Somalia Affirms Progress in Counterterrorism Efforts Amid VOA Disinformation Targeting Somalia

The Federal Government of Somalia has confirmed the ongoing success of military operations against Khawarij terrorists in various parts of the country. Since President Hassan Sheikh Mohamud declared war on terrorism two years ago, the collaborative efforts of the armed forces and civil defense units have been yielding positive results.

Significant strides have been achieved, with over 70 towns liberated in the Federal States of Galmudug, HirShabelle, and Jubbaland. Among these areas, which were once strongholds of terrorists but are now under government control, are Aden Yabal, Ruun-Nirgood, El Dheer, Harardhere, and Bulo Haji.

Additionally, government forces have successfully restored the movement of people within an approximately 800 km radius from Mogadishu, allowing for unrestricted travel. Active and effective military campaigns with the support of the international allies against the Kharijites Al Shabab are also ongoing in Lower Shabelle, Bay, Bakol, Gedo, and Lower Jubba regions.

Notably, government forces have successfully stabilized the capital and eradicated the threats of terrorist activities in Mogadishu. This achievement is attributed to the collective efforts of national security agencies and residents who have actively supported stability measures in the capital.

The residents of the liberated regions have also reaped the rewards of national stabilization initiatives, which encompass the provision of essential services like water, healthcare, and education. Additionally, local authorities and security outposts have been established to further enhance stability in these areas.

Despite these notable advancements and successes, the Federal Government of Somalia expresses concern over a recent report by VOA that misrepresents the progress of the Armed Forces. The government strongly refutes the erroneous report released on June 17, which undermines the hard-won achievements of the Armed Forces and the local populace in conflict zones.

The government asserts that such misleading reports, based on false and inaccurate information, will not deter the resolute determination of the army and the Somali people, who are actively seeking peace and stability.

The Federal Government of Somalia reiterates its unwavering commitment to combating terrorism, restoring peace, and securing the nation. It reassures the public that the progress achieved will continue uninterrupted, despite attempts to disseminate misinformation.

 

 

Wasiirka arrimaha Dibadda oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo Mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka,iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Kusimaha duqa Muqdisho oo daah furay tartanka kubadda Gacanta ee dagmooyinka

Kusimaha Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (yabooh) ayaa garoonka Stadium Wiish ee Degmada Cabdicasiis ku daah furay tartanka kubada gacanta ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Furitaanka tartankan, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxda Sports-ka Maamulada Degmooyinka, Saraakiisha Amniga iyo boqolaal dadweyna ah oo usoo daawasha tagay tartankan xiisaha badan.

Kusimaha Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (yabooh), ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dhiiragalinta Dhallinyarada iyo isdhaxgalka bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo kulan la qaatay safiirro ka socda dalalka Midowga Yurub 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka khawaarijta, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa sheegay in dowladdu guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo hawllgada wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta iyo sidoo kale dedaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxaha Khawaariijta ah.

Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo intaa ku daray inay dawladda Soomaaliya ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Khawaariijta.

Safiirrada kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay hoggaanada Ciidanka Booliiska 

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin, ayaa Maanta Shir Guddoomiyey shirka Hoggaanada iyo fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidan Boliiska Soomaliyeed

Sareeyo Guuto Sulub Ahmad Firin Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Ayaa Warbixin ku saabsan Xaalada Guud ee Amniga ka dhageystey Taliyaha Hoggaanka Howlaha Ciidan Boliiska iyo Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir.

Taliyaha, Ayaa dhammaan Saraakiisha Kula Dardaarmay in la kordhiyo ciidanka loogu talagalay sugida Amniga Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare iyo maalmaha xuriyada .Madaxda Fadhi kastana ay si joogta ah u kormeeraan Ciidanka shaqada ku jira.

Ciidanka Booliska ayay bulshada Soomaaliyeed ku ammaneeyn,howlo wanaagsan iyo u dhimrinta Shacabka.Sugida barkontroolada laga soo galaa caasimadda.