Home Blog Page 295

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

0

Muqdisho-Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo bandhigay, maamulayaasha, jilaayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee taxanaha, iyagoo lagu abaal mariyay laguna dhiirigaliyay tayadooda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi ayaa bogaadisay hindisahan lagu soo bandhigaya aflaamta ka tarjumaya danaha bulshada, waxanaya fartay in lagu soo daro wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka.

“Waxaa codsanaa in fanaaniinta ay Filimadda  kusoo daraan wacyigalinta deegaanka, maadama ay dhibaato naga haysato ilaalinta deegaanka dalkeena.”

Mareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in muqdisho ay soo martay xaalado badan oo mugdi iyo murugo leh haatanna ay dhinaca kale isu rogtay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Filimka ay soo bandhigeen dhallinyada Soomaaliyeed oo ka tarjumaya bilicda iyo soo kabashada dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska oo ay ka mid tahay quruxda xeebteenna.

“Filimkan ay dhallinyada soo bandhigeen waxaa ka muuqda quruxda magaalada Muqdisho, bilicda Xeebteena dhallinyadana aad ayaan ugu mahad celinayaa .”

Agaasimaha Wakaalada Filimadda Soomaaliyeed Cali Cabdulqaadir Cali “Maykal” ayaa sheegay in Wakaaladdu ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso Shirkadaha filimada, ayna qayb ka noqdaan ilaalinta dhaqankeenna suubban.

Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa haatan wadda qorshe baaxad leh oo lagu dhiirri gelinayo Aflaamta maxalliga ah ee lagu wacyi gelinaya dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda kale.

Wasiirka Qorsheynta oo furay shirka Wadatashiga Qorshaha ee Isbeddelka Qaran 2025-2029

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah furay shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee Dowlad Goboleedka Galmudug. Shirka, oo socon doona afar maalmood, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Agaasimayaal Guud oo ka tirsan Galmudug iyo maamulada magaalooyinka waaweyn ee kala ah: Dhuusamareeb, Cadaado, Caabud-Waaq iyoGaalkacyo ee Dowladda Galmudug.

Wadatashiga waxaa diiradda lagu saarayaa afar tiir oo muhiim ah oo kala ah: Maamul-wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha, Bulshada iyo Karaanka Aadanaha, iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Ujeeddadu waxay tahay in la falanqeeyo fursadaha iyo caqabadaha ka jira Galmudug, lagana doodo xalalka iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Maxamed Cali Cantoobo, oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay baahida loo qabo qorshe cad iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah, si loo gaaro horumar waara. Natiijooyinka shirka ayaa gacan ka geysan doona diyaarinta khariidad cad oo Galmudug ku horumarinaysa shanta sano ee soo socota.

Shirkan wuxuu bilow u yahay wadatashiyo kale oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada kale, iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.

Duqa Muqdisho oo furay Madasha la tashiga Bulshada ee Maqaamka Caasimadda  

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa daah-furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Muqdisho iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Hormuudka Ururada Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo furitaanka Madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in uu dhageysto qeybaha kala gedisan ee Bulshada, isla markaana uu La-tashi kala sameeyo hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho.

Qeybaha kala gedisan ee bulshada oo madasha ka hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qabto madal nuucaan ah oo lagu dhageysanaayo taladooda si loogu qeyb geliyo xulashada loo maraayo nuuca ugu haboon ee loo xulaayo hanaanka Maqaamka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa sheegay in madashaan ay bilaw u tahay sidii bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen xuquuqdooda matalaad, isla markaana ay iyagu go’aan ugu gaari lahaayeen nuuca uu noqonaayo Maqaamka Muqdisho.

Madashaan ayaa ah mid qeybaha kala gedisan ee bulshada Gobolka Banaadir ay doodo ka yeelan doonaan hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho iyo xuquuqda bulshada Gobolka Banaadir, si talooyinka kasoo baxa madashaan loogu gudbiyo guddiyada kala gedisan ee Dastuurka maadaama Baarlaamka uu dhawaan guda geli doonno doodaha ku aada wax ka badalka cutubka 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka JFS.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaallamaya qaar ka mid ah gobollada dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar ka mid ah gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad dhagax dhig ah oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa beelaha u jeediyay in ay colaadda nabad ku beddalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo kan dibedda.

Faahfaahinno ku saabsan howlgalka cusub AUSSOM (WARBIXIN

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ah ee bedeli doona ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga Soomaaliya ee loo yaqaan ATMIS marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada dhammaadka sanadkan. 1-dii Agoosto, Midowga Afrika waxa ay qaateen fikrad istiraatijiyadeed oo ku saabsan howlgallada loogu talagalay Taageerada iyo Xasilinta Howlgalka Soomaaliya (AUSSOM) waxayna u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo oggolaaday 12-kii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

“Howlgalka dabagalka ah wuxuu yeelan doonaa ilaa 11,911 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 85 rayid ah iyo 680 booliis ah, oo la geyn doono afar qeybood oo juquraafi ahaan ah,” sida laga soo xigtay mareegaha wararka ee madaxa banaan ee Warbixinta Golaha Ammaanka. “Howlgalka waxa uu howlgeli doonaa laga bilaabo bisha Janaayo 1-deeda, 2025-ka, waxaana si tartiib tartiib ah uu u wareejin doonaa mas’uuliyadaha amniga ee ciidamada amniga Soomaaliya, shaqaalahoodana ay kala bixi doonaan dhammaadka 2028-ka.”

Hadafka cusub ee amniga ayaa ka dhigan sii wadidda waajibaadka ATMIS. AUSSOM waxay mudnaan siin doontaa howlgallada ka dhanka ah Argagixisada ee Al-Shabaab, Tayeynta ciidamada amniga Soomaaliya, iyo horumarinta wada-hadallada siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiinta. Howlgalka ayaa ujeedadiisu tahay in diiradda la saaro tallaabooyinka lagu dhisayo nabadda, taasoo ka dhigeysa in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso dhismaha dowladnimada iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.

Dowladaha Masar iyo Jabuuti ayaa ciidamadooda u ballan qaaday AUSSOM, iyadoo ciidamada Masar laga yaabo inay ku beddelaan 3,000 oo ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya oo ATMIS ka mid ahaa. Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay dalkeeda ka saarayso Askarta Itoobiyaanka ah, sababtuna waxay tahay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya qorshaha gelitaanka Badda Cas ee Itoobiya, kaasi oo ay wada galeen Is-afgarad beenaadka dhex maray Abiy iyo Muuse Biixi, sida ay qortay Africa Defense Forum (ADF) ee Taliska Gaashaandhigga Maraykanka.

“Haddii Itoobiya ay ka bixi waydo heshiiskii [Heshiiskii Is-afgaradka] ee ay la gashay maamulka Somaliland, ciidamadeedu kama qeyb ka noqon doonaan howlgalka soo socda,” Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay shir ka dhacay Muqdisho 22-kii Agoosto. “Haddii ay sii jiraan, ma hoos imaan doonto waajibaadka Midowga Afrika.” Masar ayaa la sheegay in ay ciidamo u soo diraysa Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, kaasi oo beddelaya howlgalkii ATMIS ee Soomaaliya, sidaasi waxaa shaaciyay Midowga Afrika, iyadoo ay War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan howlgalkan, waxaana dalalka kale ee Qaaradda ah loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Dadka dhaliila sida Suleymaan Walhad oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in Midowga Afrika aysan abbaarin xalka Soomaaliya, “Ma ahan run in Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo shisheeye, si ay isu xaqiijiyaan nabadda iyo xasilloonida,” ayuu ku qoray qoraal 9-kii Agoosto ee bogga wararka ee Eurasia Review. “Waxay u baahan tahay hannaan dib-u-heshiisiin qaran iyo in qabaa’ilkeedu ay nabad ku wada gaaraan.” Geesta kale, Fauziya Ali, oo ah aasaasaha iyo guddoomiyaha ururka u dooda haweenka ee ammaanka caalamiga ah ee Geeska Afrika, ayaa aaminsan in habka Midowga Afrika uu u horumarayo uu yahay mid hab wanaagsan.

“Howlgalkan cusub wuxuu ballan-qaadayaa hab isku-dhafan oo dhammaystiran oo ku aaddan nabad-ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya,” ayay ku qortay maqaal 27-kii bishii Agoosto ee shabakadda gobolka DiploBrief. “Waxaa looga gol leeyahay in lagu dhiso guulihii ay gaareen AMISOM iyo ATMIS, iyadoo la xalinayo khaladaadkii la ogaaday intii lagu jiray marxaladda kala guurka ee hadda la soo gabagabeeyay. “Daneeyayaasha Soomaaliyeed waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan qaabeynta istiraatiijiyadda howlgalka, hubinta in ay la jaan-qaado waxyaabaha mudnaanta u ah qaranka iyo in ay kobciso xasilloonida muddada fog ee Qaranka dhibaataysan,” ayay sii raacisay.

“Hamiga siyaasadeed ee ku xeeran kala-guurka si joogto ah isuma barbar dhigin xaqiiqooyinka dhabta ah, ka dibna sababa dib u dhac,” Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo Bariga Afrika ah oo ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ah, ayaa u sheegay wargeyska The East African bartamihii bishii Luulyo. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa 22-xarumood kala wareegay ATMIS, waxaana dib u soo ceshaday dhulalka qaar, balse Maxamuud ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in loo baahan yahay waqti dheeri ah, si loo sii horumariyo laamaha amniga Soomaaliya.

“Waxay u badan tahay in Soomaaliya ay wali u baahan doonto kaalmo ciidamo shisheeye ah ugu yaraan labada sano ee soo socota, si looga fogaado khalkhal amni,” ayuu ku daray Mahamuod. Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in kadib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka, iyadoo Midowga Afrika uu bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dawladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada Xoogga Dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday Beesha Caalamka in kor loo qaado taageeridda dowladda Soomaaliya.

Wasaaradaha Awqaafta XFS iyo Hirshabeelle oo wacyi gelin ka wada Shabeellada dhexe

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka Xagjirka ka billowday degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellada dhexe.

Muxaadarooyinkan wacyigelinta ayaa waxaa qabanaya qaar kamid ah culimada, iyagoo bulshada ku nool deegaanada laga saaray Khawaarijta ka wacyigelinta khataraha ay leeyihiin afkaarta Xagjirnimada.

Waxaana sidoo kale culimada ay kulamo dhiiragelin iyo wacyigelin ah u sameysay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukunno kala duwan ku riday Todobo ruux oo loo heestay Dil

0

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii Augost ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.

“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”.

Waxa uu sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda.

Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo kulan la qaadatay xubno ka socda WHO

0

Wasiiur Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS Drs; Maryama Maxamed Xuseen ayaa xafiiskeeda ku qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

Wafdiga oo ka koobnaa Dr. Marina La-taliyaha Siyaasaddaha ee Caymiska Caafimaadka Dhammaystiran, Dr. Supriya La-taliyaha gobolka ee NTD-EMRO iyo Dr. Jamal Amaran ayaa kulankan diiradda lagu saaray horumarka caafimaadka Soomaaliya iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xiriira cudurada aan la daryeelin (NTD).

Kulankan ayay ujeedadisu ahayd mid diirada lagu saarayay xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada aan la daryeelin intii lagu guda jiray kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda caafimaadka ee gobolka iyagoo tusaale u soo qaatay guulaha la gaadhay iyo caqabadaha horyaalla sidoo kale muhiimada ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka caafimaad ee dalka.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku amaantay Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO dadaalada ay la garab taagan yihiin xilli kasta bulshada soomaaliyeed oo kujirta xaalad soo kabasho ee dhinaca horumarka caafimaadka.

Ugu Dambayn Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku adkeysay in ay muhiim tahay in la helo qorsheyaal waxtar leh oo lagu xakameynayo cudurada aan la daryeelin si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh Waxay kaloo xustay in wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta caafimaadka dalka.

Italian Ambassador to Somalia Highlights Strong Bilateral Ties and Future Collaborations

0

In an exclusive interview with Somali National TV, Italian Ambassador to Somalia, H.E. Pier Mario Daccò Coppi, underscored the enduring strength of the bilateral relationship between Italy and Somalia.

The discussion delved into the extensive history of cooperation and future collaboration opportunities aimed at bolstering Somalia’s economic and security sectors.

Ambassador Daccò Coppi emphasized Italy’s ongoing commitment to Somalia, noting significant support in various sectors, including infrastructure, energy, the blue economy, and mining.

He highlighted that while these areas hold immense growth potential, security remains crucial for driving sustainable development.

The Ambassador revealed that Italy, in partnership with the United Nations Industrial Development Organization (UNIDO) and funded by the Italian Agency for Cooperation, has launched initiatives to establish support centers for small and medium-sized enterprises in Mogadishu, Kismayo, and Baidoa.

These centers are designed to foster entrepreneurship and economic growth. Additionally, Italy is facilitating Somali entrepreneurs’ participation in international trade fairs through dedicated funding, further strengthening private sector ties between the two nations.

On security, Ambassador Daccò Coppi outlined Italy’s substantial contributions, including military support through the European Training Mission for Somali Armed Forces, leadership of the EUCAP mission to enhance police and maritime security, and scholarships for Somali cadets at Italian academies. Italian forces have also been actively involved in training Somali police in Djibouti.

He highlighted Italy’s recent donation of four Bell 412EPX helicopters to Somalia to support security and peace efforts against terrorism.

The Ambassador also stated the imminent finalization of a memorandum of understanding between Somali school management and Italy’s National School of Administration, aimed at boosting educational collaboration.

Furthermore, 22 Somali students have been awarded scholarships to study in Italy, and the restoration of Casa d’Italia is underway to celebrate cultural heritage.

Ambassador Daccò Coppi revealed Italy’s support for the TPSS project, committing €4 million for the initial phase and a second phase of €20 million to enhance infrastructure, capacity building, public services, and economic growth in Somalia.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim

Loyalyare12@gmail.com