Home Blog Page 296

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo kulan la qaadatay xubno ka socda WHO

0

Wasiiur Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS Drs; Maryama Maxamed Xuseen ayaa xafiiskeeda ku qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

Wafdiga oo ka koobnaa Dr. Marina La-taliyaha Siyaasaddaha ee Caymiska Caafimaadka Dhammaystiran, Dr. Supriya La-taliyaha gobolka ee NTD-EMRO iyo Dr. Jamal Amaran ayaa kulankan diiradda lagu saaray horumarka caafimaadka Soomaaliya iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xiriira cudurada aan la daryeelin (NTD).

Kulankan ayay ujeedadisu ahayd mid diirada lagu saarayay xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada aan la daryeelin intii lagu guda jiray kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda caafimaadka ee gobolka iyagoo tusaale u soo qaatay guulaha la gaadhay iyo caqabadaha horyaalla sidoo kale muhiimada ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka caafimaad ee dalka.

Wasiir Dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku amaantay Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO dadaalada ay la garab taagan yihiin xilli kasta bulshada soomaaliyeed oo kujirta xaalad soo kabasho ee dhinaca horumarka caafimaadka.

Ugu Dambayn Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa ku adkeysay in ay muhiim tahay in la helo qorsheyaal waxtar leh oo lagu xakameynayo cudurada aan la daryeelin si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh Waxay kaloo xustay in wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta caafimaadka dalka.

Italian Ambassador to Somalia Highlights Strong Bilateral Ties and Future Collaborations

0

In an exclusive interview with Somali National TV, Italian Ambassador to Somalia, H.E. Pier Mario Daccò Coppi, underscored the enduring strength of the bilateral relationship between Italy and Somalia.

The discussion delved into the extensive history of cooperation and future collaboration opportunities aimed at bolstering Somalia’s economic and security sectors.

Ambassador Daccò Coppi emphasized Italy’s ongoing commitment to Somalia, noting significant support in various sectors, including infrastructure, energy, the blue economy, and mining.

He highlighted that while these areas hold immense growth potential, security remains crucial for driving sustainable development.

The Ambassador revealed that Italy, in partnership with the United Nations Industrial Development Organization (UNIDO) and funded by the Italian Agency for Cooperation, has launched initiatives to establish support centers for small and medium-sized enterprises in Mogadishu, Kismayo, and Baidoa.

These centers are designed to foster entrepreneurship and economic growth. Additionally, Italy is facilitating Somali entrepreneurs’ participation in international trade fairs through dedicated funding, further strengthening private sector ties between the two nations.

On security, Ambassador Daccò Coppi outlined Italy’s substantial contributions, including military support through the European Training Mission for Somali Armed Forces, leadership of the EUCAP mission to enhance police and maritime security, and scholarships for Somali cadets at Italian academies. Italian forces have also been actively involved in training Somali police in Djibouti.

He highlighted Italy’s recent donation of four Bell 412EPX helicopters to Somalia to support security and peace efforts against terrorism.

The Ambassador also stated the imminent finalization of a memorandum of understanding between Somali school management and Italy’s National School of Administration, aimed at boosting educational collaboration.

Furthermore, 22 Somali students have been awarded scholarships to study in Italy, and the restoration of Casa d’Italia is underway to celebrate cultural heritage.

Ambassador Daccò Coppi revealed Italy’s support for the TPSS project, committing €4 million for the initial phase and a second phase of €20 million to enhance infrastructure, capacity building, public services, and economic growth in Somalia.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim

Loyalyare12@gmail.com 

Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib u heshiisinta BFS oo la kulmay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0

-Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib U Heshiisinta Iyo Hanti Isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib U Heshiisinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa Barnaamijka dhab U heshiisiinta iyo Istaraatijiyadiisa ayaa waxa ay xubnahan ka socday wasaaradda warbixin kooban ka siisay Guddiga Nidaamka Istaraatijiyadda iyo dhab u U heshiinta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka uyo Dib U Heshiisinta ayaa Guddiga usoo jeedisay Qorshaha Istaraatijiyadda Qaran ee Hirgelinta Hanaanka Dhab-U-Heshiisinta Qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta, Dib U heshiisiinta iyo Hanti isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Axmed Aadan Axmed oo kulanka soo xiray usheegay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib U Heshiisiinta in ay sii wadi doonaan kulamada u dhaxeeya Guddiga iyo Wasaaradda.

Guddiga Awqaafta Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Diinta XFS

0

Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan su’aalo waydiin iyo la xisaabtan ah xafiiskiisa Villa Hargeysa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo sidoo kale qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada wWasaaradda, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diiinta ayaa marka hore xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha ay Wasaaradda dadka iyo dalka u heyso iyo sidoo kale qorshayaasha Wasaaradda u degsan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay howlaha ay Wasaaradda heyso gaar ahaan arrimaha xajka iyo guud ahaan shaqooyinka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta, waxaana Wasiirka iyo xubnihii la socday ay ka jawaabeen dhamaan su’aalihii xubnaha guddiga ay weydiiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Wasaaradda oo uu Wasiirka ugu horeeyo uga mahadceliyay ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga, waxaana labada dhinac ay isku raaceen dhamaystirka sharciga xajka.

Jaamacadda Qaramada Midoobey oo soo bandhigtay fursado Waxbarasho.

0

📋 Codso Hadda: https://bit.ly/upeace-cohort8-admission

Ku biir Cohort-ka 8aad ee UPEACE! – Jaamacada Qaramada Midoobey 🌟 Ha seegin fursaddan cajiibka ah ee aad ku hormarin karto waxbarashadaada iyadoo aad heli kartid koorsooyin kala duwan ee heerarka Certificates, Masters, iyo PhD!

Wakhtiga kama dambaysta ah ee codsiyada la gudbinayo waa Oktoobar 10-keeda—hubi inaad waqtigeeda soo gudbiso codsigaaga si aad u xaqiijiso booskaaga Cohort-ka xiga.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka maanta oo ahaa is-xogwaraysi guud ayaa guddoomiyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku ammaanay xubnaha guddiga joogtada ah isku xirka wada shaqaynta dhexdooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda ayna dardar geliyaan waajibaadka loo xilsaaray.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid,ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Labada Masul ayaa kawada hadlay dardargalinta Mashaaricda Qatar ay ka waddo Galmudug gaar ahaan arrimaha Waxbarashada,Caafimadka ,biyaha iyo Korontada iyo Tayaynta Lamaha Amniga Galmudug.

 

Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

0

Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta ka qeyb galay Odoyaasha dhaqan ka, Haweenka, Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aalo la xariira hanaanka miisaniyadda Qaranka ee 2025 ka.

Shirka oo furmay shalay waxaa maanta kusoo biiray Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Biixi Iiman Cige iyo wasiiru Dowlaha Wasaaradda

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden oo ka horyimid damaca gurracan ee itoobiya

0

-Xildhibaan Qaali Cali Shire oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Sweden.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa damaca gurracan ee Itoobiya ku dooneyso qeyb kamid ah ddhulkeenna,iyadoo ay goob joog ahayeen xubnaha jaaliyaada soomaaliyeed ee ku nool dalka

Sweden.

Qaar kamid ah jaaliyadda soomaaliyeed ayaa sheegay in ay u taaganyihiin difaaca qarnimada ummadda soomaaliyeed,madaxda dowladda ayay ku bogaadiyeen go’aanada ay adag ay ka qaateen damac iyo xadgudubka itoobiya ee madax bannaanida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.

Xildhibaan Qaali Cali shire ayaa sheegtay in dhammaan dadka soomaaliyeed meel walba ay jogaan looga baahanyahay in ay u midoobaan sida ay isaga difaaci la hayeen cadawga meel walba uu joogo.

 

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka xoogga oo gaaray Sh/Dhexe

0

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin, oo uu wehliyo Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell ayaa gaaray gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo sarakiisha la socday ayaa kulama la qaatay Saraakiil ka tirsan xoogga Dalka ee ku sugan Sh/dhexe,waxana Kulanka looga hadlay sidii Khawaarijta looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin dalka, waxaana Taliyaha Ciidanka XDS uu amray saraakiishaan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Argagixisada iyadoo la kaashanyo dadka Deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxaha naf la caariga ah ee khawaarijta