Home Blog Page 294

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo qeyb galay xuska 11-sano guurada dib u hawlgelinta Erdogan Hospital

0

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo wasiirka Caafimaadka dowladda FS Dr. Cali Xaaji, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabada xuska 11-sano guuradii ka soo wareegtay markii dib loo hawlgeliyay isbitaalka Recep Dayib Erdogan Ex Digfeer.

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadlay munaasabadda ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay iney burburkii dalka ka dib in Soomaaliya ay ka taageertay dib u soo celinta iyo howlgelinta isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo baahi weyn loo qabay.

Wasiirka ayaa sidoo kale uga mahadceliyey maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka sida naxariista iyo wanaagga leh ay uga shaqeeyaan bukaanada isbitaalka soo booqda isaga oo ku booriyay iney shaqadooda sii laba jibaaraan.

Waxaa sidookale halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Moobleen oo si guud uga mahadceliyay maamulka Isbitaalka iyo shaqaalaha isaga oo xusay Isbitaalka uu yahay mid wax badan u qabtay shacabka Soomaaliyeed ee la taala dhacaya xanuunada kala duwan waxaana uu u mahadceliyay dowladda Turkiga oo isbitaalka taageerta.

Gudoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed Dr Luul Maxamed Maxamud ayaa dhankeeda xustay in Isbitaalka Erdogan ka hor ineysan jirin adeegyo badan oo caafimaad oo dalka u baahnaa balse hadda uu soo kordhiyay, waxaana maamulka Isbitaalka ay ku amaantay soo kordhinta adeegyo caafimaad oo dadka ay u baahan yihiin kuwaa oo kamid ah qaliimada furan ee wadnaha.

Intaas kadib maamulaha Guud ee isbitaalka Dr Ertan Kayacan oo u dhashay dalka Turkiga ayaa xusay in marwalba uu Isbitaalka u taagan yahay sidii uu u dabooli lahaa baahiyaha caafimaad ee dadka Soomaaliyeed isaga oo xusay iney sii kordhin doonaan.

Ugu dambeyntii agaasimaha Isbitaalka Racep Dayib Erdogan Maxmed Xuseen (Ashraf) ayaa u mahadceliyay wasaaradaha caafimaadka Soomaaliya iyo Turkiga ee sida hagar la’aanta ah ula shaqeeya Isbitaalka kana taageera dhinacyada qalabka, daawada iyo caafimaadka iyo waliba Tababarrada.

Agaasime Maxamed Asharaf ayaa ka hadlay qaar kamid ah waxqabadyada ugu waaweyn ee Isbitaalka iyo adeegyada uu soo kordhiyay “ Wax weyn ayey nooga dhigantahay u qidmeynta shacabka Soomaaliyeed iyadoo Isbitaalka uu ku talllaabsaday horumaro kala duwan inagoo soo kordhinay qaabilaadda Bukaanada ee Habeenki (Bukaan socodka) qaliimo casri ah oo horay loogu aadi jiray dalka Dibadiisa iyo waliba qaliinka wadnaha furan oo markii ugu horeysay aan dalka ka hergelinay”

Agaasimaha Isbitaalka ayaa sidoo kale sheegay in dad kala duwan oo xaalado caafimaad oo aad u liita qabay in dalka Dibadiisa gaar ahaan dalka Turkiga in loo qaaday si bilaash ah islamarkaana hadda xaaladooda caafimaad ay soo hagaageyso isaga oo xusay iney sii laba jibaari doonaan shaqadan waxaana uu u mahadceliyay Dhakhatiirta, kalkaalisoyinka iyo waliba shaqaalaha kala duwan ee Isbitaalka Recep Dayib Ordogan.

Gabagaadii munaasabadda xuska 11-sano guuradii kasoo wareegatay markii dib loo howlgeliyay isbitaalka Digfeer waxaa la abaalmarinay qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka oo isugu jira waaxyahiisa kala duwan kuwaa oo lagu dhiirogelinayay shaqo wanaag ay la imaadeen.

Ciidanka Xoogga oo 8 dhagar qabe ku dilay Masagaway

0

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan gaarsiiyey kooxda khawaarijta oo maanta isku dayday in ay weerar ka geysato Masagaway,Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga XFS Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta waranka ayaa yiri”Ciidanka Xoogga Dalka waxay Masagawaa ku dileen 8 dhaqar qabe oo ka tirsan Khawaarijta.”

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer khawaarijta ku jabiyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii soo qaaday weerarrada naf lacaariga ah.

Golaha Wasiirada oo Taliyaha Ciidanka Xoogga u magacaabay sarreeye Gaas Odowaa

0

Muqdisho(SONNA):-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhinaca kale looga hadlay xaaladda amni ee dalka iyo dardargalinta howlaha Xukuumadda iyadoo goluhu uu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Diiwaangalinta Mulkiilaha shirkadaha iyo Heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo ku saabsan horumarinta arrimaha dhallinyarada iyo isboortiga.

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalaya shir madaxeedka dalalka Islaamka

0

Riyaad(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay kaga qeyb-galayaan shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta.

Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.

Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.

0

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, oo ka qeybgashay furitaanka shirka #COP29.

Wasiirka ayaa hoggaamineysa wafdi ballaaran oo Soomaaliya uga qeybgalaya shirka #COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan.

Wafdiga waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga iyo Azerbijaan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo xubno kale oo muhiim ah.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in ay rajeyneyso in guulo waaweyn ay ka soo hoyaan shirkaas, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga caalamiga ah iyo helitaanka maalgelin ku filan oo lagu xalliyo caqabadaha cimilada.

Wasiir Khadiija ayaa la kulantay madaxda ka soo qeybgashay shirka, si ay uga wada hadlaan arrimaha muhiimka ah ee la xiriira cimilada.

Soomaaliya waxay rajeyneysaa in ay ka faa’iideysato fursadaha shirka #COP29, si ay u hesho taageero caalami ah oo ku aaddan qorshayaasheeda wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo in ay soo bandhigto dadaallada ay ku bixineyso la tacaalida caqabadaha cimilada ee saameynaya dalkeenna.

Kulanka la tashiga dadweynaha ee wax-kabedelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka oo ka socda Laascaanood

0

𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝(SONNA):-Kulanakaan oo ay sida wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Khaatumo ayaa shalay si wadajir magaalada Laascaanood uga qabtay kulanka La-tashiga Odayaasha dhaqanka iyo Culimada SSC ee waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha degamada Laas caanood ayaa ugu horayn kulanka ka hadlay asiga oo culimada iyo Odayaasha kula dardaarmay in ay taladooda iyo fikradahooda u dhiibtaan.

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka maamulka kumeel gaarka ah ee SSC-Khaatumo, Gen. Cabdi xassan Xijaar ayaa sheegay in culimada iyo Odayaasha reer Khaatumo looga baahanyahay in ay ka qayb qaataan wax ka bedelka Dastuurka Cutubyada 5aad ilaa 9aad.

Wasiir ku-igeenka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo la hadlay Odayaasha dhaqanka iyo Culimada reer Khaatumo ku booriyay in ay si wayn qayb uga qaataan wax ka bedelka Dastuurka.

Hey’adaha u xil-saaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa kulamada La-tashiga waxkabedelka soo jeedinta cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka waxey horay ugu soo qabteen gobalka Banaadir, iyo magaalooyin badan oo kamid ah Gal-mudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay

0

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta KGS ee degmada Qasaxdheere ayaa howlgal ay ka fuliyeen tuulada Weel-manaas oo 15km u jirta degmada Qansaxdheere ku diley 6 maleeshiyo uu kamid yahay horjooge sare.

Horjoogaha la khaarajiyay ayaa Khawaariijta u qaabilsanaa cunaqabateyna shacabka Qansaxdheere iyo deegaannada hoostaga Nuur Keerow Xaydar iyo Sheegow Aadan Macalin oo Khawaariijta u qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah iyo xoolaha.

Howlgalkan ayaa sidoo kale Khawaarijta waxaa loogu furtay saanad ciidan iyo 3 mooto kuwa Faykonta loo yaqaanno oo Khawaariijta dhaxda ugu gali jireen dadka shacabka ah.

Dhanka kale Geesiyaasha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgallo lagu Burburiyey goobo ay ku dhuumanayeen Khawaarijta waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaan howlgalkaan hoggaaminayey Taliye ku xiggeenka Guutada 7-aad, G/dhexe Maxamed Cabdullaahi Caraaye “Foo Foo”.

Ciidanka inta ay wadeen howlgalka ayaa qarxiyey Miinooyin Khawaarijta ay u dhigeen dadka Shacabka ah, iyadoo wali halkaas wali ka socdaan baacsiga Khawaarijta halkaas ku sugan.

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan.

0

Riyadh(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan laba-geesood ah kula yeeshay Riyadh Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Safiir Cali Yuusuf Al Shariif, si ay u adkeeyaan xiriirka walaaltinimo ee joogtada ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan. Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray xushmadda iyo qiimaha ay Soomaaliya u hayso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Suudaan, iyadoo la aqoonsaday taageerada Suudaan ay u fidisay Soomaaliya xilliyadii ay wajahday xaaladaha adag.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa muujiyay taageerada aan gambashada lahayn ee Soomaaliya ay la garab taagan tahay shacabka Suudaan, isaga oo ballan qaaday inay taageerayaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xal nabadeed oo waara. Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo barwaaqada gobolka, iyagoo ku ballamay u taagnaanshaha mabaadi’da nabadda, midnimada, iyo ixtiraamka labada dhinac.

Soomaaliya iyo Suudaan waxa ay rajeynayaan mustaqbal xoog badan oo ku dhisan iskaashi, wadajir iyo dadaal joogto ah oo ay ku doonayaan in lagu xasiliyo gobolka.

Wasiir Fiqi oo Qaabbilay Agaasime ku-xigeenka UNDP ee wadamada Carabta

0

Muqdisho-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Marwo Marina Walter, oo ah Ku-xigeenka Agaasima Goboleedka Dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Labada dhinac waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo isuduwidda wadajirka ah ee u dhexeeya UNDP iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa uga mahadceliyay Marwo Walter doorka muhiimka ah ee UNDP ay ka qaadato horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta dhinacyada kala duwan.

Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay arrimo badan oo dan guud ah, muhiimadda isku-duwidda dedaallada horumarineed si looga faa’iidaysto khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya sida beeraha iyo kalluumeysiga.

Kulanka ayaa sidoo kale waxay kaga wada hadleen caqabadaha jira iyo hababka ugu habboon ee looga gudbi karo si loo gaaro yoolalka horumarineed ee dalka.

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka sii socda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah si kor loogu qaado horumar waara oo Soomaaliya ay ka gaarto dhinacyada horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed oo abaalmarisay jilayaasha Taxanaha Dabin

0

Muqdisho-Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed ayaa xalay abaalmarin guddoonsiisay jilayaasha Taxanaha Dabin, shirkadda Asal oo maalgelisay iyo App-ka Nasiye oo lagu soo bandhigay, maamulayaasha, jilaayaasha iyo shaqaalaha farsamada ee taxanaha, iyagoo lagu abaal mariyay laguna dhiirigaliyay tayadooda.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Marwo Khadiijo Maxamed Almakhzoumi ayaa bogaadisay hindisahan lagu soo bandhigaya aflaamta ka tarjumaya danaha bulshada, waxanaya fartay in lagu soo daro wacyi gelin ku saabsan ilaalinta deegaanka.

“Waxaa codsanaa in fanaaniinta ay Filimadda  kusoo daraan wacyigalinta deegaanka, maadama ay dhibaato naga haysato ilaalinta deegaanka dalkeena.”

Mareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyigalinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in muqdisho ay soo martay xaalado badan oo mugdi iyo murugo leh haatanna ay dhinaca kale isu rogtay, wuxuuna tusaale usoo qaatay Filimka ay soo bandhigeen dhallinyada Soomaaliyeed oo ka tarjumaya bilicda iyo soo kabashada dalka gaar ahaan goobaha dalxiiska oo ay ka mid tahay quruxda xeebteenna.

“Filimkan ay dhallinyada soo bandhigeen waxaa ka muuqda quruxda magaalada Muqdisho, bilicda Xeebteena dhallinyadana aad ayaan ugu mahad celinayaa .”

Agaasimaha Wakaalada Filimadda Soomaaliyeed Cali Cabdulqaadir Cali “Maykal” ayaa sheegay in Wakaaladdu ay diyaar u tahay in ay dhiirrigeliso Shirkadaha filimada, ayna qayb ka noqdaan ilaalinta dhaqankeenna suubban.

Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa haatan wadda qorshe baaxad leh oo lagu dhiirri gelinayo Aflaamta maxalliga ah ee lagu wacyi gelinaya dhallinyarada iyo bulshada qaybaheeda kale.