Home Blog Page 294

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlah Guud XFS oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Howlah Guud XFS Mohamed Cali Maxamuud,oo ay qeyb ka yihiin Wasiirada Howlaha Guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxaana Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey xubnno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ,Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedada Baydhabo ay u gareen ayaa ah ka qeybgalka Shir weynaha Qorshaha Horumarinta Kaabiyaasha dhaqalaha Dalka iyo xoojinta wada shaqeynta  Wasaaradaha howlaha guud heer Fedaraal iyo heer Dowlad goboleed Kaasi oo beri ka furmi doono Magaalada Baydhabo.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta kawada degaanno dhaca koonfurta Gobolka Mudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Darawiishta Galmudug  ayàa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada degaanno katirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidamada xoogga ayaa saaka kusoo waramaya inay kaabiga ku haayaan Deegaanka Caad oo wali khawaarijtu ku dhuumaalaysanayaan.

Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay la wareegay gacan ku haynta Deegaanada Shabeeloow iyo Cimaamad oo dhammaan hoos taga Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka mudug

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagayey guulaha Shirkadda Hormuud

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa ka qeyb galay xafladda dabbaaldegga shirkadda Hormuud oo guulo badan ka gaartay caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Mudane Salaax Axmed Jaamac, qaar ka mid ah Ra’isul Wasaariyaal hore, Wasiiro, Xidhibaanno, ganacsato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Ujeedada munaasabada ayaa waxa ay aheyd dhiiragelinta Guddoomiyaha Shirkadda Hormuud Mudane Axmed Maxamuud Yuusuf, oo ku guuleystay guddoomiyaha ugu wanagsan ee shirkadaha telefoonada Afrika iyo caalamka, isgoona ku guleystay abaalmarino kala duwan oo ku saabsan waxqabadka shirkadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka xafladda soo xiray ayaa ammaanay doorka shariifka ah ee dalka ka soo qaadatay shirka Hormuud, oo ay ugu horreyso u adeegida shacabka Soomaaliyeed, oo soo maray marxalado kala duwan ee dalka soo maray.

Guddoomiye Sheekh Aadan waxaa uu dul istaagay in shirkaddu kaalin muhiim ah ay ka qaadatay caawinta dadka shacabka, kuwaas oo ka mid ah dhismaha iyo taakuleynta Isbitaalo ku yaala dalka gudihiisa, ka qeyb qaadashda daryeelka caruurta, sida waxbarashada, iyo xiliyada ay jiraan musiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca dalka.

Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Portugal ee dalka Ethiopia.

0
Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Warfaa ayaa Xafiiskiisa safaaradda ku Qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Portugal ee dalka Ethiopia.
Danjire Warfaa ayaa qaabilay Mudane H.E Ervin Massinga danjiraha Mareykanka ee Ethiopia waxaana labada danjire kulankooda ku wehliyay Wakiilka Dawladda Marayanka ee Midowga Africa Ambassador Mikail Cleverley, iyagoo dood miro dhal ah ay ka yeesheen guushii taariikhiga ahayd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhowaan ka gaartay qaadista cunaqabatayntii hubka ee sanado badan saarnayd Soomaaliya iyo sidoo kale shirka amniga Soomaaliya ee ka socda Washington.
Dhanka kale Danjire Warfaa ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Boortaqiiska ee Ethiopia Luisa Fragoso, oo ay ka wada hadleen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha cuna-qabataynta hubka iyo dayncafinta, iyagoo isla gartay xoojinta xiriirka labada dal.
Safiirka ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka socotay hay’adda caalamiga ah ee SOAWR oo ka mid ah hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha gaar ahaan xuquuqda haweenka, iyagoo bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

NISA oo soo bandhigtay Maleyshiyaadka safka Khawaarijta ka soo baxay {SAWIRRO}

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Koofur galbeed ayaa maanta soo bandhigay afar xubnood oo ka tirsanaa Khawaariijta kuwaas oo isi soo dhiibay ciidanka.
Xubnahaan ka mid ahaan jiray khawaarijta ee la soo bandhigay ayaa ka koobnaa Afar ruux muuqaal ahaan laga dareemayey dhibaatada ay ku jireen nolol ahaan inta ay ka tirsanaayeen safka Khawaarijta .
Dhalinyarada maanta isku soo dhiibay ciidanka ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inay ka soo qayb qaateen dagaalo khawaarijtu ay ku gashay gobolada Shabeelooyinka, Hiiraan iyo Gedo madaama ay ku jireen waxay ugu yeeraan jabhadaha.
Tan iyo markii uu bilowday howlgalka dalka looga xoraynayo khawaarijta waxaa sii xoogaysanayey maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha naftooda kala soo baxsanayey deegaanada ay dhuumaalaysanayaan kooxda khawarijta ah.

Ciidanka xoogga dalka oo Khawaarijta ka sifeeyey deegaano ka tirsan Shabeellada dhexe iyo Galgaduud.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Guutada 24aad ee khalid binu waliid ayaa maanta Howlgalo kasameysay Hoowdka u dhaxeeya Cali heele iyo Daarunimco halkaas oo ay ka ceyriyeen Maleyshiyaad Khawaarij ah oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay.

Taliyaha Guutada Khaalid Binuwaliid Maxamed Dhagaweyne ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidamada Maleyshiyaadka Khawaarijta ka sifeeyeen tuulooyonka Buurmuqle, Labi oow Xasan iyo deegaano kale kuwaas oo ahaa Dhul howd ah oo khawaarijta gabaad ka dhiganaysay.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023.

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa tartanka Pan African Schools championship 2023, kaasi oo sanadkan lagu qabanayo dalka Kenya.

Waxaa maanta dalka ka amba baxay cayaartoyda BU school oo sanadkan Soomaaliya ku matali doona tartanka Pan African Schools championship oo markii ugu horeysay ay Soomaaliya ka qeyb galeyso.

Is reeb reebka tartankan ee gobalka CECAFA ayaa ka furmi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya 11- ka bishan waxaana la rajeynayaa in cayaartoyda Banadir United school oo mudo diyaar garow ku jiray ay guulo la taaban karo kasoo hooyaan.

Wafdiga ciyaartooyda waxaa hogaaminayey Maxamed ciro oo ka mid ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaana garoonka diyaaradaha kasagootiyey gudoomiye ku xigeynka seddexaad ee xiriirka Soomaaliyeed Kubadda cagta mudane Yuusuf Xuseen Muumin.

 

Pan African Schools championship 2023
Pan African Schools championship 2023

IGAD oo Madaxweynihii hore ee Hirshabeele u magacawday Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa Madaxweynihii hore ee Hirshabeele Mudane Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD.

Waxaa la filayaa in arrintaan ay wax badan ka badali doonto mugga iyo miisaanka Dowladnimada Soomaaliya, waana markii ugu horeeyay oo Soomaaliya Qabato Jagadaan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys oo xaqiijiyay Magacaabistaan ayaa yiri “waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey Dowladda Federaalka Soomaaliya. Magacaabistiisa Mudane Waare waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Sidoo kole Safiirka Soomalaiye ee dalka jabuuti oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta qaranka ayaa dhankiisa xaqiijiyay Magacaabistaan isagoona sheegay in tani ay tahay tilaabo kale oo dowladdu muddo kooban ay qaaday

Dhamaadka sanadkaan dowladda soomaaliya ayaa gaartay guulo waaweyn oo taarikhi ah sidoo kale inta uusan dhamaan sanadkaan ayaa la filayaa in dalku gaaro gaaro guulo ay ka mid yihiin Arinta dayn cafinta.

Maxamed Abdi Waare
Maxamed Abdi Waare

Ergayga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Macawisleyda oo la hadlay Boqolaal ka tirsan ciidanka deegaanka

0

-Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali jeyte Cismaan oo Boqolaal ciidanka degaanka kula hadlayay deegaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ayaa ciidamada faray in la dar-dargaliyo howlgallada ka dhanka ah khawaarijta

Cali jeyte ayaa ciidanka u sheegay in ay ku filnaadaan oo cadawga ka difacaan degaannada katirsan gobolka Hiiraan,halka meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan khawaarijta ay tahay in laga sifeeyo si bulshada gobolka u hesho amin buuxo

“Waxaan rabaa in aad Hiiraan ku filnaataan oo khawaarijta la dagaalantaan si bulshadu u hesho xornimmo ay ku noolaadaan”sidaa ayuu yiri Cali jeyte.

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Macawisleyda ayaa sidoo kale ciidanka u sheegay in ay u diyaar garowaan howlgal ka duwan kuwii hore oo cadawga looga xoreynayo degaannada iyo guud ahaan dalka, isagoo faray in meel walba ay ku baacsdaan khawaarijta,si bulshada looga dulqaado dhibaatada ay muddada dheer ku hayeen.

“Meel kasta oo ay galaan argagixsada.waa in aad uga daba tagtaan si aan uga guleeysanno, haddii kale anageey nagu soo laabanayaan”ayuu markale yiri Cali Jeyte Cusmaan

Dhanka kale Taliyaha ururka 8aad guutada 18aad ee Gorgor Maxamed Cali Hilowle oo isna la hadlay ciidanka ayaa yiri:-waxaan rabaa guusha aad ku fadhisaan in aad difaacataan saakay barriga Hiiraan waa xor waxaan rabaa in aad caqiidada adkeeysanno oo aan  khawarij ka adkaano

Waxaa uu sidoo kale ciidnka ku dardaarmayaa in ay qabtaan kuwa cadawga taleefannada u diraaya ee wax u jaa juusaaya

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa howlgallo lagu baacsanayo khawaarijta kawada deegaanno badan oo katirsan gobollada Hirshabeelle Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland halkaas oo cadawga khasaara xooggan lagu gaarsiiyay.

Madaxweynaha JFS oo gaaray dalka Jabuuti

0

adaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Jabuuti kaga qeyb-gali doono kulanka 41-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur goboleedka IGAD.