Ra’iisul Wasaare Xamse oo dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.

“Waa muhiim in aan ku shaqeyno xarumo dowladeed oo tayo leh, kuwaas oo bixiya adeegyo hufan oo dadka Soomaaliyeed ka faa’iidaystaan. Dib-u-dhiska xaruntaan waa qayb ka mid ah qorshaha ballaaran ee dib-u-dhiska xarumahandowladda, si aan u hubinno in dowladdu ay si hufan u shaqeyso oo shacabku ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”.

Waxa uu sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya qaar kamid ah gobollada dalka, isaga u jeediyey in ay colaadda nabad ku badalaan, xiligaanna aan la joogin waqtigii la daadin lahaa dhiigga dad ehel ah, maadaama ay dadka Soomaaliyeed halgan ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga gudaha iyo dibedda.

Dib-u-dhiska Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-habaynta xarumaha dowladnimada, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo tayo leh oo si toos ah looga fuliyo xarumaha dowladda, iyadoo ay qayb ka tahay dadaallada sare loogu qaadayo hey’adaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...