Home Blog Page 212

La-taliyaha Amniga Qaranka: Dowladdu waxay dejisay qorsheyaal lagu wiiqayo khawaarijta

0

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin ayaa ka warbixiyay tallaabooyinkii guulaystay ee dowladdu ku wiiqday dhagartii Khawaarijta,la-taliyaha oo waraysi gaar ah siiyey Warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Dowladda dejisay qorshayaal isugu jira kuwo muuqda iyo kuwa qarsoon oo looga hor tegayo laguna wiiqayo Khawaarijta.

Ugu horayn la-taliyaha ayaa xusay in Dowladdu hadafka koowaad ka dhigatay in furimaha dagaalka lagu jabiyo khawaarijta taas oo si weyn loogu guulaystay lagana saaray dhamaan meelihii khawaarijtu ku gaban jirtay kana soo abaabuli jireen dhagaraha ay ku waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale La-taliyaha ayaa xusay in si weyn loo wiiqay lana soo af jaray illihii dhaqaalaha ee khawaarijta,iyadoo loo sameeyey habraacyo sugan oo lagula dagaalamo loogana hor tegayo farsamo walba oo khawaarintu isku daydo in ay dhaqaale ku helaan.

Dhinaca kale Mudane Xuseen Macallin la-taliyaha Amniga Qaranka waxa uu sheegay in dowladdu gaarsiisay adeegyadii dowladda ee ay u baahnaayeen Shacabka ku nool goobihii laga xorreeyey khawaarijta,adeegyadaas oo ka mid yihiin caafimaadka,Waxbarashadda iyo in dib loo hawlgeliyo ceelashii biyaha oo ay hore u dumiyeen kooxaha Khawaarijtu.

Ugu dambayn wuxuu la taliyaha Amniga Qaranku caddeeyey in dhamaan la xiray barihii Warbaahinta ee khawaarijtu ku faafin jireen been abuurka iyo afkaarta gurracan ee ku dhagraan Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Shacabka Soomaaliyeed waa in ay garab istaagaan Dowladda si aan uga guulaysano Khawaarijta

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda bisha barakaysan ee Ramadaan,

Madaxweynaha ayaa hambalyo gaar ah u diray geesiyaasha Ciidanka qaranka ee guusha weyn ka soo hooyey dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Dowladda si dalka looga xorreeyo khawaarijta gabaadka ka dhigatay meelaha koob kooban “Walaalayaal waxaa la idinka rabaa in aad dowladda ku garab siisaan dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ku habsatay 18-kii sano ee lasoo dhaafay.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is cafiyaan sidoo kalena caawiyaan kuwooda tabaalaysan ee u baahan garab istaaga oo gacmaha is qabsadaan si loo gaaro Soomaaliya Barwaaqo ah dunidana la tartanta.

Wasiirka Warfaafinta oo furay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka

0

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay tartanka bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay ka qeyb galayaan tartamayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa Gobolada Dalka,munaasabada furitaanka ayaa waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir,Wasiir Dowlaha wasaaradda Waxbarashadda XFS,ganacsato iyo masuuliyiin kala duwan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir oo goobta furitaanka ka hadlay ayaa yiri“Tartamayaasha Degmooyinka Gobolka Baandir waxaa looga fadhiyaa sanadkaan inay ka guulaystaan kuwa kale ee Gobolada dalka ka soo tartamaya.”

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada XFS Marwo Nuura Mustafe ayaa sheegtay in ka wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin furitaanka tartankan”ka wasaarad ahaan waxaa farxad inoo ah inaan goob joog ka ahaano furitaanka tartankaan oo ku salaysan aqoonta iyo xifaaltanka tartamayaasha degmooyinka Dalka.”

Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood

0

Natiijada kulanka xalay ee Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo u dhexeeyey degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir iyo Degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa tartanka badisay degmada Heliwaa.

Degmada Heliwaa waxay ku guuleystay 14 dhibcood oo ay kaga badisay dhiggeeda degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo la timid 6 dhibcood.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geerida Dr Maxamed Yuusuf 

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada, bahda caafimaadka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf Xasan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Maxamed uu door weyn ka soo qaatay samatabixinta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay in Dr Maxamed uu ka mid ahaa tiirarka ugu muhiimsan ee bahda caafimaadka, waxa uuna waqtigiisa si mutadawacnima ah ugu bixin jiray badqabka caafimaad ee bulshada iyo soo saaridda jiilal u leylisay xirfadda Caafimaadka oo khibrad iyo aqoon wanaagsan u leh, si ay dadka iyo dalka ugu adeegaan.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Dr Maxamed Yuusuf oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee NHPC ayaa xilliyo adag u soo adeegay dadkiisa, ilaa maantana waxa uu u taagnaa sidii uu dalkiisa u gaarsiin lahaa horumar Caafimaad oo waara, isaga oo ku xeeldheera culuumta caafimaadka, hagidda xirfadleyaasha iyo hoggaamintooda”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey marxuumka in hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa, bahda xirfadleyaasha caafimaadka, dhaqaatiirta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Xafiiska Adeegga Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka oo si rasmi ah looga Furay Dhuusamareeb

0

Xaflad lagu maamuusay daahfurka xafiiska bixinta adeegga diiwaangalinta iyo aqoonsiga qaranka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xafladda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Qoorqoor, Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka, Cabdiweli Cali Cabdulle, iyo xubno ka socday labada gole ee maamulka dowlad goboleedkaasi.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay maamulaha magaalada Dhuusamareeb, ururada bulshada, iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay xafladdaasi.

Madaxa Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka u qaabilsan dowladda, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, Garaad Cabdi Nuur Xasan ayaa ka warbixiyay hawlgallada hay’adda iyo dadaalka ay ugu jiraan in adeegyadaasi loo gaarsiiyo dhammaan dalka.

Wasiir dowlaha Cadaaladda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Cadaaladda Masar 

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Danjire Ilyaas Sheekh, ayaa maanta kulan la qaatey Wasiirka Cadaaladda ee Masar, Mudane Cadnaan Fanjari. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa xiriirka dhinaca caddaaladda, gaar ahaan tababarka garsoorayaasha, xoojinta nidaamka sharciga, iyo wadaagista waayo-aragnimada labada dal ee dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka.

Wasiirrada ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada si loo horumariyo adeegyada garsoorka iyo tayaynta hay’adaha cadaaladda ee labada dal. Qorshahan iskaashiga ah ayaa laga sugayaa in uu fududeeyo wada shaqeyn ballaaran oo labada dal u horseedi doonta in ay xoojiyaan nidaamyada garsoor ee dalka Soomaaliya iyo Masar.

Africom iyo Dowladda Soomaaliya oo sii wadi doonaann howlgalka lagu Ciribtirayo Khawaarijta

0

Taliska Africom ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada iskaashiga la leh dowladda Soomaaliya ee lagu ciribtirayo khawaarijta, kuwaas oo khatar weyn ku ah amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Africom ayaa lagu faahfaahiyay howlgalkii ka dhacay 25-kii bishan deegaanka Alkowser ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare weyn oo loogu geystay khawaarijta. Howlgalkaan ayaa yimid xilli kooxaha khawaarijta ay isku dayeen inay weerar naflacarri ah fuliyaan, balse ciidanka qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka hortagay.

Africom ayaa sheegtay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaadka khawaarijta ee falal aar-gusheeg ah ka waday Shabeellaha Dhexe, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah ama dhibaato soo gaartay shacabka deegaanka inta uu socday howlgalka.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa lagu soo gabagabeeyay in howlgalada ka dhanka ah khawaarijta ay sii socon doonaan ilaa inta laga ciribtirayo kooxahaasi, si loo xaqiijiyo xasiloonida gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Dr. Maxamed Yuusuf Xasan 

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geeridda naxdinta leh ee ku timid Dr. Maxamed Yuusuf Xasan, oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

“Innaa-lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, ehelkiisa iyo bahda caafimaadka geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Maxamed Yuusuf, oo muddo badan ahaa Agaasimaha Isbitaalka Madiina, bare iyo badbaadiye soo saaray arday Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh caafimaadka, marxuumku wuxuu waqtigiisa u huray u adeegidda bulshada Soomaaliyeed, isaga oo hormuud ka ahaa gurmadkii caafimaad ee la gaarsiiyay dadkii ku waxyeelloobay masiibooyinkii kala duwanaa ee ka dhacay dalkeenna”, Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Janatul Fardowsa ka waraabiyo qoyskiisa, qaraabadiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya 

0

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay Mudane Abiy Ahmed, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, intii uu ku sugnaa booqashadiisa shaqo ee Soomaaliya.

Booqashadan oo daba socota kulamo xiriir ah oo labada dhinac ay yeesheen bilihii la soo dhaafay waxay xoojinaysaa dib u hagaajinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxay markale caddeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay wadaagaan si ay uga faa’iidaystaan labada shacab. Iyagoo garwaaqsan xiriirka qotoda dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shucuubtooda iyo xadka ay wadaagaan, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso kalsooni, iyada oo loo marayo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo bulsho.

Ethiopia iyo Soomaaliya waa dalal isku tiirsan oo leh mustaqbal iyo himilo wadajir ah oo ku aaddan xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. Iyaga oo taas ka duulaya, labada hoggaamiye waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay hirgelinta mashaariicda muhiimka ah ee dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, si loo xaqiijiyo horumar waara, is-dhexgal dhaqaale, iyo xoojinta xiriirka shacabka.

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara, sida lagu heshiiyay Bayaanadii Ankara, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay wadahadal wax dhisaya iyo iskaashi.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay sidoo kale soo dhaweeyeen is-afgaradka ay gaareen taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo Ciidanka Difaaca Qaranka Ethiopia (ENDF), iyada oo loo arko tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo xasilloonida gobolka.

Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha guud, horumarinta nabadda iyo amniga, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah si loo wanaajiyo nolasha muwaadiniintooda iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.