Home Blog Page 211

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Masuuliyiin kale oo howlgallo lagu dardargalinayo dagaalka khawaarijta kawada Gobolka Hiiraan

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Janeraal Sahal Cabdullaahi Cumar oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhiirigelin ugu tagay boqolaal ka tirsan Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ee ku sugan deegaanka Xalfooleey oo dhacda xadka kala qeybiya goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhaxe.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Ciidamada xaq u dirirka deegaanka ku boggaadiyay doorka ay ku leeyihiin Dagaalka Dalka looga saarayo Khawaarijta, isagoona sheegay in dowladdu ay laba jibaarayso dadaalkeeda garab istaagga Ciidamada deegaanka.

Madaxwene ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo dhankiisa la hadlay ciidanka ayaa sheegay in Maamulla Hirsheeblle ay ka goโ€™antahy in laga saaro dhamman dhulka uu ka taliyo khawaarijta arxanka daran ee dhibaatada muddada dheer ku hayay shacbka soomaaliyeed.

โ€œDagaal kasta oo dhaca waxa uu ku dhamaan karaa wadahadal balse kan Khawaarijta nagala dhaxeeya uma heyno waxaan aheyn inaan dalka ka suulino.โ€ Yuusuf Axmed Hagar Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

 

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Rwanda iyo Uganda Mr.Qimiao Fan, oo booqasho ku yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo taageerada Bangiga Adduunka ee ku aaddan dhinacyada dowlad-dhiska, maamul wanaagga iyo sii wadista mashaariicda horumarineed.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Bangiga Adduunka uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo taageerada kala duwan ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda gargaarka.

Hayโ€™adda SoDMA oo deeq raashin ah gaariisay Aadan-Yabaal

0

Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, ayaa maanta 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan oo gargaar ah geysay deegaanno hoostaga degmooyinka Aadan yabaal iyo Al-kowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe, dhawaana lagu jabiyay kooxda khawaarijta, si loo gaarsiiyo shacabkii dhibaatada ka soo gaartay colaadii halkaas ka dhacday.

Gaadiidkaan ayaa wada qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawoyin, Teendhooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxana gargaarkaan ka mahad-celiyay shacabka ku nool deegaanadaan, kuwaas oo iskugu darsoomeen abaaro iyo colaada khawaarijta.

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 3-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Waaberi iyo Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Waaberi

Tartameyaasha Degmada Waaberi ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Hal suโ€™aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Lix suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteen Labo suโ€™aal oo soo hareermartay dhigooda Dhahar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Waaberi ay heleen waxay noqotay Lix (06) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeen Afar suโ€™aal, halka ay iska qaldeen Saddex suโ€™aal, Waxa ay ka faaโ€™iideysteen Afar suโ€™aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Waaberi, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay Lix iyo Toban (16) dhibcood.

Hadaba kulankii 3-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 4-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud yo Benaadir.

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay wasiirka Qorsheynta iyo Hormarinta Dhaqaalaha

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa u magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Xayle wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo hormarinta dhaqaalaha.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hayโ€™adaha kala duwan, inay la shaqeeyaan Wasiirka la magacaabay, si uu waajibkiisa u guto.

Wasiirka Qoyska XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee ku soo dhaawacmay Hawlgallada

0

Wasiirka Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Deeqo kala duwan gaarsiisay Ciidammada Xoogga ee kusoo dhaawacmay Hawlgallada

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa deeq kala duwan gaarsiisay caawa ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusoo dhaawacmay furimaha dagaalka ee ku jira Isbitaalka Xoogga Dalka ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan oo u badneyd dhar ka kooban Macawiisyo, goโ€™yaal Iyo bustayaal ayey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka wada gaadhsiisay dhammaan dhaawacyada Ciidammada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira Isbitaalka Xoogga waxaana Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo la hadashay ciidammada ay sheegtay in geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee naftooda u huray difaaca dalkooda iyo diintooda ay wax walba mudan yihiin ayadoo caafimaad Alle uga rajeysay.

Tallaabadan ay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi deeqaha ugu qeybisay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay qeyb ka tahay ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed oo ay Wasaaraddu deeqo kala duwan ku gaarsiineyso qeybaha kala duwan ee bulshada ayadoo caawa socodka ay ku wehliyeen Wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo guddiga ololaha Guddoomiye u ah.

 

Qabashada doorashada kuraasta ka bannaan golaha Shacabka oo la iclaamiyay

0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa iclaamiyey doorashada kuraasta GSH#248 iyo GSH#049, oo ka tirsan Golaha Shacabka, taasi oo 6-da ilaa 8-da bishaan ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.

Tartamayaasha Marka oo caawa u gudbay wareegga 2aad ee tartanka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Marka iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Marka iyo Xamarweyne ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Marka

Tartameyaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa la weydiiyey todobo Suโ€™aal, todobadii suโ€™aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Shan suโ€™aal, halka ay iska qaldeen Labo suโ€™aal, waxa ay ka faaโ€™iideysteen Hal suโ€™aal oo soo hareermartay dhigooda Xamarweyne, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Marka ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamarweyne

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโ€™aal, waxa ay ka jawaabeen Afar suโ€™aal, halka ay iska qaldeen Saddex suโ€™aal, ma jirin wax ka faaโ€™iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamarweyne waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga ee labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Waaberi iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag.

Wasaaradda Warfaafinta oo soo xirtay aqoon isweydaarsi ku saabsanaa fududeynta xaqa xog helista dadweynaha

0

Aqoon isweydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS waxaa ka qeyb galaya 35-xubnood oo ka kala socda Hayโ€™addaha Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka ah, inta uu socday waxaa ka qeyb galayaashu is dhaafsadeen xog iyo aqoon wadaag ku saabsan fududeynta ee Fududeynta xog helista Dadweynaha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaalle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo xiray tababarka ayaa uga mahceliyay ka qeyb galayaasha sida ay isula falgaleen intii uu socday aqoon isweydaarsiga, isagoo oo sheegay in Wasaaraddu xoojin doonto kulamada iyo aqoon isweydaarsiyada ku aaddan iskaashida Dowladda, Warbaahinta iyo Bulshada Rayidka siโ€™ kor loogu qaado fududeynta xog helista iyo wacyigalinta dadweynaha.

Burhaan Diini Faarax Agaasimaah Idaacadda Kulmiye ahna madaxa Warbaahinta Daladda Warbaahinta SOMA iyo Eng. Nuur Sh Cali oo ku hadlay Afka xubnihii Warbaahinta ee ka qeyb galay Aqoon Isweydaarsiga ayaa uga mahadceliyeey Wasaaradda Warfaafinta qabashada aqoon isweydaarsigaa oo muhiim u ah fududeyn xog helista Warbaahinta iyo Bulshada.

Gabagabada Aqoon Isweydaarsiga oo uu xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS ) ka taageeray Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Ka qeyb galayaashii tababarka ka faaโ€™iidaystay labadii maalmood ee uu socday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dedaaladda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dowladda, warbaahinta iyo Bulshada si kor loogu qaado wacyigalinta iyo dowlad wanaagga.

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฌ๐š๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐š๐ฒ ๐›๐š๐š๐ซ๐ข๐ญ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐€๐Ÿ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐š ๐Ÿ๐š๐šโ€™๐ข๐๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ฒ๐ž๐ฒ ๐€๐ซ๐๐ž๐ฒ๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐š๐๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ง๐š๐š๐๐ข๐ซ

0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Olole Balaaran oo lagu baarayo xaalada Caafimaad qabka Afka iyo Ilkaha Ardayda Dhigata Dugsiga Sare ee Howlwadaag ugu Sameysay magaalada Muqdisho.

Waxaana Baaritaan kan Caafimaad loo sameeyay Arday Gaareysa 160 Arday ku waa oo isagu jiray Gabdho iyo Wiilal, waxayna Ardaydan 60 ka mid ah qabeen xanuunada Ilkaha, waxaa 27 kalena laga helay xanuunada ciridka iyagoo ay jiraan ku dhowaad 10 kale oo qaba isku jir labadaas xanuun.

Olalahan ayaa horudhac u ah Wacyi-gelinta Bulshada si ay uga hortagaan xanuunada ku dhaca Afka iyo Ilkaha kuna baraarug sanaadaan dhibaatooyinka ka dhalan kara Caafimaad darada iyo Daryeel laโ€™aanta Afka iyo Ilkaha ku waa oo sababi kara xanuuno badan.