𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Safarka midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.

Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...