Home Blog Page 213

Somalia and Ethiopia’s Joint Commitment to Regional Cooperation

0

H.E. President Hassan Sheikh Mohamud, President of the Federal Republic of Somalia, warmly welcomed H.E. Prime Minister Abiy Ahmed, Prime Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, during his official working visit to Somalia. This visit follows a series of engagements over recent months and marks a significant step toward the normalization of bilateral relations between the two nations.

The two leaders reaffirmed their commitment to strengthening cooperation for mutual benefit. Acknowledging the deep historical ties between their peoples and the shared border that connects them, they stressed the importance of fostering trust through enhanced diplomatic, economic, and social cooperation.

Ethiopia and Somalia, being interdependent nations with a common destiny, share a vision for regional stability and prosperity. In this regard, both leaders committed to implementing strategic infrastructure projects aimed at ensuring sustainable development, economic integration, and strengthening people-to-people ties.

Additionally, the two leaders welcomed the commencement of technical talks in Ankara, as outlined in the Ankara Declaration. They emphasized their commitment to constructive dialogue and collaboration. They also acknowledged the progress made through the understanding reached between the Somali National Army (SNA) and the Ethiopian National Defense Forces (ENDF) commanders, recognizing this as a crucial step toward enhancing security cooperation and fostering regional stability.

Both sides reiterated their determination to work together in advancing common interests, promoting peace and security, and deepening bilateral relations for the benefit of their citizens and the broader Horn of Africa region.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo la hadlay Ciidamado ku sugan Degmada Aadan Yabaal

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya,General Sahal Cabdullahi Cumar, ayaa maanta kulankii ugu horreeyay la qaatay ciidamada ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Aadan Yabaal. Kulanka ayaa looga hadlay sii amba-qaadista howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha ayaa geesiyaasha ciidamada Xoogga Dalka kula dardaarmay in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda qaran, wuxuuna sheegay in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay ka filayaan geesiyaashan dadaal iyo guulo wanaagsan. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada looga baahan yahay inay casharo culus u dhigaan cadowga goobaha dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ay muhiim tahay inay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ku nool deegaanada iyo degmooyinka ay tagi doonaan marka ay cadowga ka dulqaadaan, isagoo xusay in shacabka ay tahay in si buuxda loo dhowro isla markaana la xaqiijiyo ammaankooda.

Madaxweynaha JFS oo soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya.

Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen.

Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal la xiriira xoojinta iyo iskaashiga labada dal.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka warbixiyay imaanshaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed Cali, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho. Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah isku soo dhawaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka iskaashiga, is-qaddarinta, iyo sidii gobolka looga hirgelin lahaa xasilooni, kadib sanadkii hore oo xiriirka labada dal uu caqabado hareeyay.

Bishii December, Itoobiya waxay si rasmi ah uga noqotay heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhawaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey, taasoo ku dhisan iskaashi iyo xiriir xooggan oo lagu horumarinayo dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in labada hoggaamiye ay yeelan doonaan wadahadal ku saabsan xoojinta iyo iskaashiga labada dal.

Wasiir Fartaag oo kormeer ku maray waddooyinka Muqdisho 

0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaciil (Fartaag) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay kormeer socod ah oo ay ugu kuur galayeen amniga iyo bilicda caasimadda ku maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay booqdeen goobaha ay bulshada isugu yimaaddaan, iyaga oo ka wareystay xaaladda amniga magaalada iyo horumarrada isdaba joogga ah ee caasimadda kusoo siyaadaya.

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheikh Ismail (Fartaag) ayaa ku bogaadiyay saraakiisha hey’addaha amniga sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugidda amniga, isaga oo kula dardaarmay in si dabacsan loogu adeego bulshada.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Amiir ayaa faray waaxaha dowladda hoose Xamar ee ku shaqada leh kor u qaadista bilicda iyo nadaafada in ay dardargeliyaan howlaha kor loogu qaadayo horumarinta Magaalada.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Guddoomiyay shir ku saabsan saameynta Isbeddelka Cimilada

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka ugu horeeyay ee ay yeeshaan shabakadda Isbeddalka Cimilada iyo Colaadaha. Shirkan heer-Wasiir ah oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa ka soo qeybgalay dowlado dhowr ah oo ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo colaadaha ka dhacay meelo kala duwan.

Shirkan oo ka dhacay kadib shirkii weynaa ee Isbeddalka Cimilada COP29 oo lagu qabtay dalka Azarbaijaan, ayaa looga hadlay sidii dalalka nugul ee weli ka soo kabanaya saameynta colaadaha iyo isbeddelka cimilada ay u heli lahaayeen taageero gaar ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa khudbad uu jeediyay ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero dalalka sida Soomaaliya ee ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, iyo saameynta guud ee isbeddelka cimilada adduunka. Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal weyn galisay si ay u caawiso dadka ku dhibaataysan colaadaha iyo isbeddelka cimilada, isla markaana loo baahan yahay in madashani ay soo saarto xalal wax ku ool ah oo wadajir ah.

Wasiirka Awqaafta XFS iyo Safiirka Norway oo ka wada hadlay Dagaalka Afkaaraha ee Xagjirnimada

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ibraahim Aadan Ibraahim (Nadaara), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay ergeyga gaarka ee dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Mr. Einar Rystad, iyo Safiirka Norway u fadhiya Muqdisho, Mr. Carsten Carlsen.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee dardar-gelinta howlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaaraha xagjirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la xoojinayo wacyigelinta bulshada iyo ciidamada si looga badbaadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee soo koraya.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu bogaadiyay horumarka ay dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka seddex-geesoodka ah ee ay kula jirto Khawaarijta, oo ay ka mid yihiin dhinacyada militariga, dhaqaalaha, iyo tiirka fikirka (Ideological Pillar), oo ay hoggaamiso Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Aaddan Madoobe ” Waxa aan gacanta ku heynaa mooshin,iyo Ajandayaal kale”.

0

Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku guuldareystay in ay furaan kulankoodii, kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaanadii loo baahnaa si ay kooram ugu helaan kulanka. Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in ay magaalada joogaan, hase yeeshee, waxaa la arkaa in aysan kulanka ka qaybgalin.

Gudoonka Baarlamanka ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin ka dhan ah tilaabadii qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwaas oo sheegay in loo diiday safar ay ugu socdeen magaalada Kismaayo. Mooshinkan ayaa noqday mid xiiso badan dhalisay, iyadoo arrintan ay keentay in Baarlamanka uu maanta ka waantoobo kulankiisii.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga sugayaa mooshinkan, iyadoo baarlamaanka ay soo bandhigi doonaan go’aamo dheeraad ah sida ay u maareyn doonaan xaaladdan iyo tallaabooyinka kale ee laga qaadi doono. Horumarka arrintan ayaa la socon doona xaaladaha siyaasadeed ee dalka.

Maxkamadda G/Banaadir oo bilaawday dhageysiga Eedeysanayaal loo heesto Tahriibiniyay Dadka

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ciqaab ah oo loo heysto toddobo qof, kuwaasoo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu kusoo eedeeyay inay galeen dambiyo la xiriira tahriibinta, ka ganacsiga dadka, iyo dembiyo kale.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay xaafado kala duwan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib markii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu helay xogta ku saabsan shabakaddaan.

Eedeysanayaasha ayaa loo haystaa inay ku lug leeyihiin tahriibinta dhallinyaradii dhammaadkii sannadkii hore ku geeriyootay badweynta Hindiya, kuwaasoo gaarayay 28 qof, kadib markii magafayaashii loo gacan galiyay ee badweynta kaga tageen doontii la saaray.

Dowladda Soomaaliya ayaa dalkoodii dib ugu soo celisay dhallinyaradii ka badbaaday dhacdadaas, iyadoo sidoo kale soo celisay dhallinyaro badan oo ku xirnaa xabsiyada waddamo kala duwan.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u qeybisay qoysas ku dhaqan gobolka Shabeellada hoose 

0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa si guul leh ugu gudbisay deeq isugu jirta raashin iyo dhar 6,000 qoys oo ku nool deegaanka Tawakal, oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Deeqdan waxaa loogu tala galay in lagu caawiyo qoysaska danyarta ah iyo naafada ee ku sugan xaalado adag.

Qoysaskani oo si gaar ah ugu baahan gargaarka ayaa muujiyay mahadnaq weyn oo ay u soo jeediyeen Hay’adda SoDMA. Waxay ka codsadeen in gargaarka la sii labo jibaarto, gaar ahaan iyadoo la eegayo in bisha barakaysan ee Ramadaan ay soo dhowdahay, taasoo ka dhigeysa baahida gargaarka mid aad u sii kordhaysa.

Hay’adda SoDMA ayaa ku howlan in ay sii wadato taageerada dadka dhibaateysan ee ku nool deegaanada ay musiibooyinka saameeyeen, iyadoo la tixgelinayo baahida sare ee gargaarka bisha Ramadaan. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda iyo hay’adaha gargaarka si loo yareeyo saameynta abaarta iyo dhibaatooyinka ka dhashay xaaladaha cimilada ee dalka.