Home Blog Page 198

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka qeybgalay shirweynaha 4aad ee heer Wasiireed ah oo ay qabatay Hay’adda RIMES, kaas oo ka dhacay magaalada Colombo ee dalka Siri Lanka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Asad ayaa shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Siri Lanka, Marwo Harini Nireka Amarasuriya, isagoo si kooban uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga beeraha ee labada dal ay ka wada shaqayn karaan.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Dr. Cabdalla Axmed Almanduus, Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Saadaasha Hawada, si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira saadaasha cimilada iyo iskaashiga dhinaca saadaasha hawada.

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan Nabad Sugidda (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Maamulka Degmada Matabaan, ayaa si degdeg ah uga falceliyay colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in la joojiyo dhiigga daadanaya, la kala dhexgalo beelaha is haya, isla markaana loo sameeyo hannaan nabadeed oo waara. Ciidamada ayaa gaaray goobaha ay xiisaddu ka taagan tahay, halkaas oo ay ka wadaan dadaallo nabadeed iyo kala dhexgalid beelaha walaalaha ah ee isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed iyo xoolo.

Maamulka degmada Matabaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xasillinta deegaanka iyo in laga hortago in colaadahaasi ay sii fidaan. Waxaa sidoo kale la filayaa in odayaasha dhaqanka, culimada iyo qeybaha bulshada laga qayb geliyo dadaallada nabadeed ee socda.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineyso madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Afrika iyo America.

Kulanka labada dhinac oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo saraakiil kale,waxaa diiradda lagu saaray hawlgallada socda ee ka dhanka ah khawaarijta, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)  iyo  qorshaha kala-guurka.

Kulankaasi dhexmaray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo wafdiga ay hoggaamineysay madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo Americ,a waxaa kaloo looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada iyo doorka xukuumadda Ingiriisku ka qaadato taageerada Soomaaliya ee xagga amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Fiqi ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay kaalinta firfircoon iyo taageerada joogtada ah oo ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.

Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo la kulmay Wefdi ka socda Midowga Yurub

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta kulan isbarasho iyo soo dhaweyn ah ku qaabilay magaalada Muqdisho wefdi ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayay Agaasimaha cusub ee Mashruuca Kaalmada Farsamo ee Horumarinta Isla-xisaabtanka Maaliyadeed (EU SFA), Menno Jan van der Ven.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta istiraatiijiyadeed ee u dhaxaysa Xafiiska Hantidhowraha Guud iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada la xiriira isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo horumarinta dowlad wanaagga.

Abukaate Guutaale ayaa wefdiga la wadaagay dedaallada Xafiiska ee ku aaddan horumarinta hay’adnimada iyo guulaha laga gaaray iyadoo la kaashanayo Mashruuca EU SFA. Wefdigu waxa ay sidoo kale kormeereen qaybo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowraha Guud, si ay u fahmaan hannaanka shaqo iyo mudnaanta qorsheyaasha hortebinta leh.

R/W ku-xigeenka labaad “Helitaanka aqoonsiga Qaranka waa xaq dastuuri ah oo muwaadinka leeyahay.”

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi,oo sheegay in helitaanka aqoonsiga Qaranka uu yahay xaq dastuuri ah oo muwaadinka u fududeynaya shaqooyinka iyo adeegyada uu u baahan yahay.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa daah-furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), isagoo xusay in hannaankani uu yahay mid sugan, oo u fududeynaya muwaadinka in uu si fudud ku helo aqoonsiga Qaranka.

Adeeggan cusub ee dhijitaalka ah ee ay soo bandhigtay Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa la filayaa inuu si weyn u fududeeyo helitaanka aqoonsiga Qaranka, isagoo sidoo kale xoojinaya kalsoonida muwaadiniinta ee adeegyada dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa hoosta ka xariiqay in adeeggan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo xuquuqda muwaadiniinta, loogana golleeyahay in la helo nidaam aqoonsi oo sugan, casri ah, isla markaana la jaanqaadaya horumarka dhijitaalka ee caalamka.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada, iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah si loo gaaro muwaadiniinta meel kasta oo ay joogaan.

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Cali bin Samikh Al-Marri.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee ku aaddan arrimaha shaqada, oo ay ka mid yihiin horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta barnaamijyada tababarka, iyo kor u qaadista fursadaha shaqo.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo kobaca dhaqaale ee waara iyo horumarinta bulshada. Waxaa si gaar ah loo dul istaagay dib u eegista heshiis iskaashi oo labada dal wada saxiixdeen sannadkii 1983-kii, kaas oo quseeya shaqo wadaag iyo horumarinta bulshada.

Kulanka wasiirka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar, Danjire Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), iyo qaar ka mid ah hawlwadeennada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya.

Maxamuud Macallin oo Kenya ka daah-furay Mashruuc ay ku baxayso lacag $40 Milyan ah

Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA ) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar.

Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo waddamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.

Gudoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aadayay wakhtigii aadka loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada mashruucan u leedahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaba-gabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamud Macalin ayaa wuxuu shir doceed la yeeshay madaxdii mataleeysay hay’adda “FCDO” oo ah deeq bixiyaha mashruuca, gudoomiyuhu wuxuu uga Mahad celiyay taageetada ay had iyo jeer la garabtaaganyihiin wadamada gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaalya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, oo booqasho sharafeed ku yimid.

Intii uu socday kulanka, labada mas’uul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waxaa sidoo kale diiradda la saaray sidii loo sii horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada badan leh, iyadoo la isla gartay in la dardar geliyo wadashaqeynta ku dhisan danaha labada shacab.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Qatar 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ku yimid.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka wada hadlay sidii looga miro dhalin lahaa danaha ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa fursado hor leh oo iskaashi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dadaallada nabadeynta dalka.

Dhankiisa, Safiir Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Qatar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Qatar ay sii wadi doonto ka qeybqaadashada dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday heshiisyo la xariira dhijitaalka iyo Amni Internet

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.

Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.

Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah isla markaana uu door weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.

Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya.

Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Dato’ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.