Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

Date:

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan Nabad Sugidda (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Maamulka Degmada Matabaan, ayaa si degdeg ah uga falceliyay colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tallaabadan ayaa ujeedadeedu tahay in la joojiyo dhiigga daadanaya, la kala dhexgalo beelaha is haya, isla markaana loo sameeyo hannaan nabadeed oo waara. Ciidamada ayaa gaaray goobaha ay xiisaddu ka taagan tahay, halkaas oo ay ka wadaan dadaallo nabadeed iyo kala dhexgalid beelaha walaalaha ah ee isku haya arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed iyo xoolo.

Maamulka degmada Matabaan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xasillinta deegaanka iyo in laga hortago in colaadahaasi ay sii fidaan. Waxaa sidoo kale la filayaa in odayaasha dhaqanka, culimada iyo qeybaha bulshada laga qayb geliyo dadaallada nabadeed ee socda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...