Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka qeybgalay shirweynaha 4aad ee heer Wasiireed ah oo ay qabatay Hay’adda RIMES, kaas oo ka dhacay magaalada Colombo ee dalka Siri Lanka.

Intii uu shirku socday, Wasiir Asad ayaa shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Siri Lanka, Marwo Harini Nireka Amarasuriya, isagoo si kooban uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga beeraha ee labada dal ay ka wada shaqayn karaan.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Dr. Cabdalla Axmed Almanduus, Guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Saadaasha Hawada, si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira saadaasha cimilada iyo iskaashiga dhinaca saadaasha hawada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...