Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineyso madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Afrika iyo America.

Kulanka labada dhinac oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Danjiraha Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis iyo saraakiil kale,waxaa diiradda lagu saaray hawlgallada socda ee ka dhanka ah khawaarijta, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM)  iyo  qorshaha kala-guurka.

Kulankaasi dhexmaray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo wafdiga ay hoggaamineysay madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo Americ,a waxaa kaloo looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo la-dagaallanka argagixisada iyo doorka xukuumadda Ingiriisku ka qaadato taageerada Soomaaliya ee xagga amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Fiqi ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay kaalinta firfircoon iyo taageerada joogtada ah oo ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowliga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...