Home Blog Page 199

Shacabka Degmada Dayniile oo si weyn ugu dareeray saakay Is-Diiwaangelinta Doorashada

Shacabka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa saaka si weyn ugu dareeray goobaha is-diiwaangelinta doorashada, taasoo muujineysa wacyi iyo ka go’naansho ay u leeyihiin ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiga ah ee dalka. Dadweynaha is-diiwaangelinaya ayaa isugu jira dhallinyaro, haween iyo odayaal, kuwaas oo dhammaantood muujiyay rabitaan ay u qabaan inay codkooda dhiibtaan marka la gaaro waqtiga doorashada.

Is-diiwaangelinta doorashada ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo ka qeybgalka shacabka ee hannaanka doorashooyinka dalka. Mas’uuliyiinta degmada Dayniile ayaa ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga qeyb qaataan is-diiwaangelinta, si ay u helaan fursad ay codkooda ku dhiibtaan doorashada soo socota.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in is-diiwaangelinta ay si habsami leh u socoto, iyadoo la filayo in tirada dadka is-diiwaangelinaya ay sii kordhayso maalmaha soo socda.

Is-diiwaangelinta doorashada ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in shacabka ay si toos ah uga qeyb qaataan go’aaminta mustaqbalka dalkooda.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 shaqada 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐨𝐪𝐨𝐫𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐜𝐮𝐮𝐝𝐢𝐠𝐚

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan oo safar shaqo ku jooga magaalada Riyadh ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.

Kulanka labada wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga, horumarinta bulshada iyo shaqo abuurka, iyadoo labada dhinac ay isla gaareen in la dedejiyo is-afgaradkii dhowaan dhexmaray labada dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudiga kaas oo ku saabsanaa shaqo-siinta debadda oo hadda meel fiican maraysa.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay abuurto jawi shaqo oo waxsoo saar leh iyadoo u kuur gashay in ay dowladaha caalamka ay la gasho heshiishyo labo geesood ah (Bilateral labour agreements).

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqasho ugu tagay Madaxweynaha Galmudug

0

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Dawlad Goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Booqashada ayaa ahayd salaan iyo is xogwaraysi, wuxuuna Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ugu mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena ku amaanay doorka Galmudug ay ka qaadanayso dowlad-dhiska Soomaaliya.

Kulankaan waxaa labada masuul ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha-u-naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Cabdullaahi oo intii uu noolaa ku suntanaa nabad jacayl iyo sidii ay ummadda Soomaaliyeed dib ugu soo kaban lahayd burburkii gaaray qaranka.

“Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, waxa uu ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatay nabaddeynta iyo arrimaha dhaqanka, waxaana lagu xasuusan doonaa dadaalkiisii raadinta nabadda iyo xallinta khilaafaadka bulshada soo kala dhexgala”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdows, ehelka, bulshadii uu ugaaska u ahaa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Taliye kuxigeenka Boliiska oo ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka urur-goboleedka EAPCCO

0

Wafdiga uu hoggaaminayay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), una wehliyo Taliyaha Hoggaanka Interpol, Sareeye Guuto Maxamed Cabdulle Dhore, ayaa ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo maanta ku soo dhammaaday magaalada Addis Ababa.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta amniga dalalka EAPCCO iyo la dagaallanka argagixisada. Sidoo kale, waxaa looga hadlay in sannadkan la sii xoojiyo la dagaallanka gaangiyada ku lug leh lacag dhaqista sharci darrada ah.

Markii uu shirku soo dhammaaday, Taliye Ku-xigeenku wuxuu kulammo gaar-gaar ah la qaatay taliyeyaasha booliiska dalalka ku bahoobay EAPCCO. Waxay isku afgarteen in ay iskaashi ka yeeshaan la dagaallanka argagixisada.

 

Wasiirka Shaqada oo ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada

0

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada, oo ka socda magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkan ayaa diiradda saaraya horumarinta deegaanka shaqo ee badbaado leh, kana madax bannaan shilal iyo cudurro shaqo.

Wasiir Yuusuf wuxuu xusay dadaalka ay Wasaaraddu ku bixineyso xoojinta arrimaha badqabka shaqada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la aasaaso Machadka Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada si kor loogu qaado wacyigelinta iyo ilaalinta shaqaalaha Soomaaliyeed

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka

0

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/G Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka ayaa daarnaa isxogwaraysi iyo sidii Taliska Xoogga Dalka iyo Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo isaga kaashan lahaayeen arrimaha hortebinta u leh qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah JFS, Mudane Axmed Xasan Aadan, oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdi Diirshe, ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta hay’adda iyo wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo sidii kalluumeysatada loogu heli lahaa mashaariicyo wax ka tara sidii loogu faa’ideysan lahaa kheyraadka badda.

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo ka furmay Muqdisho

0

Shirwaynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha ayaa si rasmi ah uga furmaya maanta magaalada Muqdisho,iyadoo lagu qabtay Hotel Jazeera. Munaasabaddan muhiimka ah ayaa isu keentay masuuliyiin sare, khubaro, ganacsato iyo daneeyayaasha kala duwan ee ku hawlan horumarinta cuntada iyo wax-soosaarka beeraha dalka