Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday heshiisyo la xariira dhijitaalka iyo Amni Internet

Date:

Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hayโ€™adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hayโ€™adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hayโ€™adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hayโ€™adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hayโ€™adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.

Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah isla markaana uu door weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hayโ€™adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.

Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hayโ€™adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hayโ€™adda, Datoโ€™ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya.

Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Datoโ€™ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hayโ€™adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka uga goโ€™an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale