Soomaaliya iyo Malaysia oo kala saxiixday heshiisyo la xariira dhijitaalka iyo Amni Internet

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).

Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, wadashaqeynta farsamo iyo kobcinta amniga internetka.

Heshiiska ugu horreeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo qaab-dhismeedka farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga waayo-aragnimada maamulka isgaarsiinta iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca amniga internetka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarrada internetka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internetka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo barnaamijka caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE.

Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia, YBhg. Tan Sri Maxamed Salim bin Faatix Din, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee dhanka horumarinta xeernidaamiyeyaasha, isagoo ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay madal lagu dardargelin karo isweydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga farsamo.

Dhanka kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay in heshiiskan uu ku soo beegmay xilli muhiim ah isla markaana uu door weyn ka ciyaari doono kobcinta xirfadaha howlwadeennada Hay’adda iyo dardargelinta isbeddelka dhijitaalka ee dalka.

Sidoo kale, intii ay socotay munaasabadda saxiixa heshiiska la galay Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, Madaxa Fulinta ee hay’adda, Dato’ Ts. Dr. Haji Amirudiin Bin Cabdul Wahab, ayaa ku tilmaamay iskaashigan fursad muhiim u ah in la xoojiyo adkeysiga wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha cusub ee internet ka. Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa uga mahadceliyay doorkooda aqooneed iyo diyaar garowgooda wadashaqeyn, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu udub dhexaad u yahay dhisidda awoodda amniga internetka ee Soomaaliya.

Heshiisyada waxaa u kala saxiixday Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh, iyo YBhg. Tan Sri Maxamed Saalim bin Faatix Diin, Guddoomiyaha Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia. Halka Dato’ Ts. Dr. Xaaji Amiirudiin Bin Cabdul Wahaab, Madaxa Fulinta ee Hay’adda Amniga Internet ka Malaysia, uu saxiixay heshiiska dhinaca amniga internetka.

Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo horumarka teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sarreeya ee caalamka.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KGS oo Madaxtooyada ku qaabilay musharax Madaxweyne Cabdicasiis Maxamed

HOGAAMIYE JIBRIIL CABDIRASHIID Xaaji Baydhabo Abriil, 28, 2026: Hoggaamiyaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo Xafiiska ku qaabilay hay’adda UN Women

Muqdisho,Talaado, 28 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Cumaan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...