Maxamuud Macallin oo Kenya ka daah-furay Mashruuc ay ku baxayso lacag $40 Milyan ah

Date:

Gudoomiyaha Hayโ€™adda Maareeynta Masiibooyinka ( SoDMA ) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa magaalada Naivasha ee Dalka Kenya si rasmi ah uga daah-furay Mashruuc ay ku kacayso lacag qiyaastii kor u dhaafaysa 40,000000 afartan milyan oo doolar.

Mashruuca (WISER Action First – Eastern Africa) oo waddamada bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa awooda u adkeeysiga aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee gobolka bariga Africa oo ay Soomaaliyana qeeyb ka tahay, iyadoo ay mashruucan fulin doonaan Hayโ€™addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan wadamada bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo afar sano ah, waxaana maalgelinaya dowladda UK hayโ€™addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO.

Gudoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu mashruucu ku soo aadayay wakhtigii aadka loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faaโ€™iidada mashruucan u leedahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha halis-wadareedka dalalka gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaaliya.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Hayโ€™adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gaba-gabadii munaasabadda wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mashruucan laga faaโ€™iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan bah-wadaagta mashruuca fulinaysa in ay si hufan oo daahfurnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faaโ€™iidaysato.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Maxamud Macalin ayaa wuxuu shir doceed la yeeshay madaxdii mataleeysay hayโ€™adda โ€œFCDOโ€ oo ah deeq bixiyaha mashruuca, gudoomiyuhu wuxuu uga Mahad celiyay taageetada ay had iyo jeer la garabtaaganyihiin wadamada gobolka gaar ahaan dalkeena Soomaalya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale