Home Blog Page 193

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa oo laga sii daayay Suudaan

0

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22-Qof oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa qeyb weyn ka qaatay hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan, waxaa sidoo kale, weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in iyagana sida uga dhaqsiyaha badan looga loo soo sii deyn doono si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Xoghaya joogtada wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya

0

-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha horumarineed ee Soomaaliya. Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

0

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada wasaaradaha gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay wasiirka gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi,maamulka Gobolka Galgaduud Iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ku soo aadaya xilli magalaada Dhuusamareeb uu maalinta berri ah ka furmayo shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada oo sanadkiiba saddex jeer la qabto kaas oo sanadkaan lagu qabanayo Galmudug.

 

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo 2 bilood laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka BJFS

0

Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka, sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

Inta badan Ciidanka Jubbaland oo ku biiray howlgallada dowladda ee ka socda Jubbooyinka

0

Boqolaal ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa maanta ku biiray Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan degmada Beledxaawo ee gobolka Gado.

Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee ciidanaka xooggaa dalka Gaashaanle dhexe Aadan Siyaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada oo ciidanka kusoo dhaweeyay degmada Beledxaawo,ayaa kula dardaarmey inay si buuxda uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihin kusoo biirida ciidanka xoogga diyaarna u yihiin ay ka qeyb qaadashada dagaalada dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Ciidanka Qalabka sida ee ku sugan degaanada jubbaland ayaa la wareegi doona fariisimaha ay ka baxayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo dhanka kale sii wadi doona howlgalka Dalka looga xoraynayo Khawaarijta.

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐚𝐫𝐚𝐚𝐤𝐢𝐢𝐬𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐛𝐚𝐜𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐨𝐨𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚.

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Said Mohamed ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha xafiiska daabacaadda baasaboorrada si loo dardargaliyo hawlaha socda iyo horumarka laga gaaray howlaha adeeg bixinta baasaboorrada.

Intii uu socday kulanka, saraakiisha daabacaadda baasaboorrada ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan habsami u socodka shaqada xafiiska, caqabadaha haysta iyo guulaha la gaaray bilihii la soo dhaafay. Xafiiska daabacaadda ayaa soo bandhigay sida ay ugu heellan yihiin in ay si waqtiyeysan oo hufan u daboolaan baahiyaha baasaboorrada ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda.

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay dadaallada Xafiiska iyo shaqaalaha ka shaqeeya iyo sida ay ugu go’an tahay in ay bulshada ugu adeegaan. Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardar-gelinta hawlaha maalinlaha ah si loo daboolo baahida sii kordheysa ee baasaboorrada loona hagaajiyo adeegyada.

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo Maalintii labaad ka socdo Muqdisho

0

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo galay maalintii Labaad,waxaa hoolka shirka kusoo biiray Wasiirro ka tirsan Xukuumada fadaraalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Cabdirahmaan Yusuf Al-Cadaala Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS, Mohamud Beenebeene,Wasiirka Isgaarsiinta Mohamed Soomaali, Wasiirka Qayska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Madax ka tirsan Dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, SSC Khaatuma, Wakiilo ka socda Beesha caalamka iyo Marti kale.

Wasiir ku xigeenka Warfaafint Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo maalintii labaad ka qeyb galayo shirka ayaa sheegay in dowladda aya dadaal badan ku bixisay sidii loo mideyn lahaaa fariimaha dowladda.

“Sanad iyo barkii lasoo dhaafay XFS waxa ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa farriimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed” Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya.

Madashaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay khubarro, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada oo wasaaraddu ay ku casuumtay Madashaan ayaa falanqeyn, doodo iyo hadal-jeedinba ka yeela doona kaalinta wax ku oolka ah ee isku xirka iyo hagaajinta Xiriirka Warbaahinta iyo dadweynaha, caqabadaha ku gadaaman iyo fursadaha jira.

 

 

Mucaaradka Syria oo ku dhawaaqay in Dimishiq ay ka xorowday Bashaar Al-Assad

0

Mucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq,isla markaana madaxweyne Bashaar Al-Asadna uu u baxsaday meel aan la garaneyn.

Taliyaha Hayat Tahrir al-Sham, Abu Mohammed al-Julani, ayaa sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta hay’adaha dawliga ah ay sii shaqeyn doonaan ilaa inta si rasmi ah looga wareejinaayo xilalkaasi.

hadaladaan ayaa imaanaya saacado kadib markii kooxaha mucaaradka ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ay weerar culus ku qaadeen,waxaana warku intaa ku daray in ciidamada mucaaradka amar lagu siiyay in ay ilaalaiyaan xarumaha muhiimka ah ee laga fuliyo adeegga dadweynaha iyo kuwa dowladda.

Xaaladda Magaalada caasimadda ah waxay ku soo noqotay sidii caadiga aheyd,waxaana jira dad badan oo mucaaradka ay ka sii daayeen xabsida.

Qatar, Saudi Arabia, Jordan, Masar, Iraq, Iran, Turkey iyo Russia ayaa goor hore oo xalay ah soo saaray bayaan wadajir ah, iyagoo ku tilmaamay xiisadda Suuriya inay tahay horumar halis ah ,waxayna ku baaqeen in xal siyaasadeed la gaaro.

Wasaaradda Gaashaandhigga oo tababar heerkiisu sareyo Turkiga ugu soo xirtay Askar katirsan ciidanka X.D.S

0

Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.

Guddoomiyaha BFS oo kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda ee Golaha Shacabka

0

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka oo xal ka gaaray dhacdo 27-kii Bishii November ka dhacday Golaha Shacabka ka dib markii Xildhibaan Xasan Yare oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka uu gacan u qaaday askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

 

Xildhibaanka oo askariga ka raali geliyay falkii gacan qaadka ahaa oo uu kula kacay ayaa dhankiisa aqbalay raali gelinta Xildhibaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay dadaalka uu ku bixiyay soo afjerida dhacdadaasi iyo in ugu dambeyn xal laga gaaro.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cajiib oo ay wehliyaan xubnaha Guddiga , Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo sidoo kale Senataro ka tirsan Golaha Aqalka Sare.