Home Blog Page 194

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax dhigay Taallada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xuska munasaabadda halgankii gobanimodoonka ee SYL awgeed ubax dhigay taallada SYL ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada, wadajirkooda iyo dowladnimada taasi oo ahayd mabaadi’dii saldhigga u ahaa halganka SYL.

Madaxda Hay’adda SoDMA oo Nairobi uga qeybgaleen Kulan looga hadlayay arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalay daahfurka kulan la xiriiray uruurinta, falanqaynta iyo faafinta macluumaadka ku saabsan dadka ku barakacay gudaha iyo dibadda.

Kulankaasi oo ay  isugu yimaadeen khubarro, xubno ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya,sameeyayaasha siyaasadda , maamulka sare ee SoDMA iyo wakiillo kale waxaa Kulankaasi looga hadlay  qodobbo ay kamid yihiin wada tashi laga yeesho xoojinta nidaamyada digniinta hore ee halis-wadareedka, dhiirigelinta tallaabooyinka degdegga ah iyo kor u qaadidda adkeysiga bulshada .

Xubnaha  ka qeybgalay kulankaasi waxa ay xaqiijiyeen  in bulshooyinka nugul la ilaaliyo kahor, inta lagu jiro iyo kadib dhacdooyinka Isbadalka-Cimilada ee ay sababaan.

Nidaamka IOM ee saadaasha Socdaalka dadka barkaco (DTM) wuxuu bixiyaa xog muhiim ah oo lagu hago qorsheynta iyo wax-ka-qabashada arrimaha muhiimka ah ee barakacayaasha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta Safaaradda Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Baqdaad ee caasimadd dalka Ciraaq.

Booqashada wasiirka ayaa qeyb ka ah la socodka dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo howlaha muhiimka ah oo ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Wasiirka waxaa xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhoweeyay Siihayaha Safaaradda, Mudane Cabdifataax Sheekh Axmed, oo warbixin kooban ka siiyay xaaladda guud ee safaaradda iyo adeegyada ay bixiso.

Wasiir Abdisalaan oo hoggaaminaya wafdi ayaa lagu wadaa inuu magaaladaasi kaga qeybgalo Shirka heer Wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka Carbeed ee ay martigelinayso Jamhuuriyadda Ciraaq, kaas oo la qorsheeyay inuu furmo 17 May.

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha oo heshiis la saxiixatay dhiggeeda Naigeria

Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha ilaalinta xogta iyo asturnaanta dijitaalka ah.

Heshiiskan oo lagu saxiixay magaalada Abuja, waxa uu xoogga saarayaa wadashaqeyn rasmi ah oo u dhexeeya labada hay’adood, si ay isaga kaashadaan horumarinta nidaamka dhowrista xogta, kor u qaadidda wacyigelinta, iyo tayeynta awoodda hay’adaha u xilsaaran arrimaha xogta ee labada dal.

Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali iyo Agaasimaha Guddiga Ilaalinta Xogta Nigeria (NDPC), Dr. Vincent Olatunji ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiiska is afgaradka ah oo sare u qaadaya iskaashiga gobolka iyo sidii loo heli lahaa hab-raacyo wadajir ah oo wax looga qaban karo caqabadaha la xiriira xog-ilaalinta iyo asturnaanta.

Wadashaqaynta laba dhinac ayaa sidoo kale dhiiragalinaya in la furo waddooyin rasmi ah oo lagu qaban doono tababaro iyo aqoon-isweydaarsi si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo horumarinayo dadaalada wadajirka ah ee la dagaalanka xadgudubyada xogta, korna loogu qaadayo ilaalinta xogta gaarka ah ee muwaadiniinta.

Maareeyaha Guud ee DPA, Mudane Maxamed Nuur Cali, oo ka hadlay madasha saxiixa is-afgaradka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha ilaalinta xogta ee Afrika ay yeeshaan wada shaqayn muuqata, si loo xoojiyo nidaamyada sharci, farsamo iyo wacyigelin ee ilaalinta xogta.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya (TPSS), oo ay hirgelintiisa Soomaaliya ka taageereyso Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barnaamijkani uu yahay mid horumarineed, kuna saleysan qorshaha Qaran ee dowladda, isla markaana uu wax weyn ka tari doono tayeynta adeegyada aasaasiga ah iyo horumarinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Khawaarijta.

Kulanka intii uu socday, guddigu waxa uu ansixiyay saddex mashruuc oo ugu horreeyay barnaamijka TPSS, kuwaas oo diiradda saaraya xoojinta nidaamka caafimaadka aasaasiga ah, waxaana lagu hirgelin doonaa Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle.

Barnaamijka TPSS waxaa maalgelinaya Dowladda Talyaaniga, waxaana hirgelinaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, H.E. Pier Mario Daccò Coppi.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo dheer mid horseedday dib-u-dhac ku yimaadda nidaamka dowladnimada, kalsoonida shacabka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee lagu dhiso hay’adaha qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay mar uu ka hadlayay marxaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso nidaam doorasho oo si toos ah loogu wakiisho shacabka.

“Muddo dheer dalka wuxuu ku jiray hubanti la’aan siyaasadeed, waxaana kaga bixi karnaa in aan talada dib ugu celinno shacabka si ay iyagu u doortaan cidda matalaysa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Waxa uu xusay in halkaan laga sii wado dadaallada xukuumaddu ugu jirto sidii dalka looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasoo ah dariiqa ugu habboon ee lagu kasban karo kalsoonida shacabka, loogana gudbi karo habraacyadii hore ee aan xasilloonayn.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay In la xoojiyo dowladnimada.

In la dhiso hay’ado sharciyad ku yimid rabitaanka shacabka In bulshada loo abuuro rajo siyaasadeed oo hufan.

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu ka gudbo nidaamka doorashada dadban, ayna go’aan ku gaareen in shacabka si toos ah loo siiyo talada dalka.

“Annaga ayaa soo aragnay dhibaatada ay leedahay doorashadii dadbanayd, waxaana dooranay in aan xirno albaabkaas oo aan shacabka u furno talada, si loo gaaro doorasho dadweyne,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu dalka Soomaaliya u socdo hannaan doorasho oo cusub, loogana gudbayo hab-raacyadii hore ee aan si buuxda uga tarjumin rabitaanka shacabka.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, si loo xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga ku aaddan maareynta kalluumeysiga waara, horumarinta kalluunka beerashada, dhisidda awoodda shaqaalaha, iyo maalgashiga khayraadka badda ee Soomaaliya. Labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda isdhaafsiga farsamada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga la dagaalanka kalluumeysiga sharci darrada ah.

Wasiir Axmed Aadan ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiye ay siiso qeybta kalluumeysiga Soomaaliya, isagoo sidoo kale tilmaamay fursadaha ay maalgashadayaasha Turkiye ku heli karaan warshadeynta kalluunka iyo horumarinta xeebaha. Safiir Aktaş ayaa dib u xaqiijiyay diyaar garowga dowladda Turkiye ee ku aaddan xoojinta iskaashiga, ka faa’iidaysiga khibradda, iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya ee dhinaca dhaqaalaha buluugga ah.

Kulanku wuxuu kusoo gabagaboobay heshiis wadajir ah oo lagu xoojinayo mashaariic la taaban karo oo labada dal ka faa’iidi doonaan, si loo hubiyo isticmaalka khayraadka iyo horumar dhaqaale oo muddo dheer socon doona.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗞𝘂 𝗦𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗼𝘄𝗴𝗮 𝗔𝗳𝗿𝗶𝗸𝗮

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku Simaha Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Kareem Adebayo, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo doorka Midowga Afrika uga aaddan amniga iyo xasillinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ugu hambalyeeyay Mr. Kareem magacaabistiisa, isagoo oo muujiyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u qadarinayso iskaashiga taariikhiga ah ee kala dhexeeya Midowga Afrika iyo kaalinta Midowga Afrika uu kaga jiro taageerada geeddi-socodka nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dowladnimada.

Dhankiisa, Mudane Adebayo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diiranna isaga oo ballanqaaday in wadashaqeyn dhow uu la yeelan doono hey’adaha dowladda, isla markaana ku celiyay sida Midowga Afrika ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u gaarto himiladeeda.

 

 

Qoysas danyar ah oo ku Nool degmada Dayniile oo la gaarsiiyay deeq gargaar ah

0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan ayaa gargaar degdeg ah oo isugu jira raashin, dhar iyo hoy gaarsiisay 564 qoys oo ku dhaqan degmada Dayniile, kuwaas oo ay dhibaato ka soo gaartay daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay gobolka Banaadir.

Deeqdan oo ka timid Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa qeybisay hay’adda wadaniga ah ee Tadamun, oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo maamulka degmada Dayniile.

Maxamed Sh. Cabdi, oo ka tirsan hay’adda Tadamun, ayaa sheegay in deeqdan maalmaha soo socda si degdeg ah loo gaarsiin doono 21,090 qoys oo ku dhaqan 9 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Xasan Maxamuud Mahadalle, agaasime ku xigeenka waaxda samafalka ee degmada Dayniile, oo goob joog ka ahaa halka lagu qeybiyay gargaarka, ayaa sheegay in deeqdan ay ku soo beegantay xilli ay baahi weyn jirtay, isla markaana ay si weyn uga caawin doonto dadka deegaanka ee ay musiibadu saameysay.

Qaar ka mid ah dadka ka faa’iideystay gargaarkan ayaa u mahadceliyay hay’adda Tadamun iyo dowladda Sucuudiga, iyagoo xusay in gargaarku ahaa mid si hufan loo soo diyaariyay oo ku yimid xilli loogu baahi qabay.