Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli lagu guda jiro xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana Madaxweynaha ku wehliyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha cusub uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada la xiriira dhallinyarada iyo isboortiga, si loo xoojiyo ka qeybgalka dhallinyarada ee horumarka dalka.

Dhagax-dhiggan ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso horumarinta dhallinyarada, iyadoo la tixgelinayo doorkooda muhiimka ah ee dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

Munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa sanadkan lagu xusayaa iyadoo la xusuusanayo halgankii ururkii SYL ee horseeday xornimada dalka, waxaana la adkeynayaa muhiimadda ay dhallinyaradu u leeyihiin horumarka iyo midnimada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...