Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan doceedyo la yeeshay dhiggiisa Jabuuti iyo Aljeeriya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan-doceedyo miro-dhal ah la yeeshay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, xilli uu ku sugnaa magaalada Baqdaad si uu uga qeyb galo Shirka Heer Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta.

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay taageerada labada dal ay u hayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay Jabuuti in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Attaf, ayaa ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay labada Wasiir sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga, isaga oo xusay in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay sii amba-qaaddo wada-shaqeynta dhow ee kala dhexeysa labada dal.

Kulammadan ayaa ka tarjumaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta, si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa ku qaabilay Duqa Magaalada St. Louis Park ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo kulan la qaatay Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dawladda...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida AUN Weriye Maxamed Diiriye Dhakat

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdulfitax...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kula la qaatay Duqa Magaalada Seattle ee dalka Mareykanka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Amb. Maxamed Cali...