Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Date:

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga,Mudane Omar Cali Cabdi, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka soo dhoweynta ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-xigeenka Safiirka, Mudane Dahir Salaad Xasan, iyo Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Suldaan Faarax Axmed,oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii la socotay Wasiiru Dowlaha.

Danjire Farabadan ayaa Wasiiru Dowlaha uga warbixiyay adeegyada ay safaaraddu u hayso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka, isagoo xusay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo taageerada ay safaaraddu siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka socota safaaradda, isagoo ku amaanay sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada iyo ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha ayaa magaalada Berlin uga qeybgalay shir ay Qaramada Midoobay soo qabanqaabisay, kaas oo socday 13–14 May 2025, laguna falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Danjire Farabadan iyo Ku-xigeenkiisa, Mudane Dahir Salaad Xasan, ayaa uga mahadceliyay Wasiiru Dowlaha iyo wafdigiisa booqashada ay ku tageen xarunta safaaradda, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee dibadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...