Home Blog Page 192

Maamulka Beledxaawo oo sheegay in dowladda ay ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya

0

-Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Beledxaawo Cabdifataax Nuur Mataan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay Dowlada Federaalka ku garab taagan yihiin in dalka laga difaaco cadowga Itoobiya.

Mudane Cabdifataax Nuur Mataan ayaa tilmaamay in dibadbaxyadii ka dhacay Gedo uu ahaa mid shacabka ay ku muujinayeen dareenkooda iyo in garab taaganyihiin dowladda soomaaliya kana soo horjedaan xadgudubka gurracan ee Itoobiya.

“Shacabka Beledxaawo waxa ay garab taaganyihin dowladnimadda,waxa ayna mujiyeen sida ay u diidanyihiin xadgudubka itoobiya, anigoo ah kusimaha guddoomiyaha dhammaan xubnaha maamulkana waan ku garb taaganahnay dowaldda difaaca madaxbannanida dalka” ayuu yiri Cabdifataax Nuur Mataan.

Guddoomiye Mataan ayaa sheegay in maamulka waqtigiisu dhammaaday ee jubbaland usan waxana ka qaban Arrimaha bulsahada,sida caafimaadka iyo waxabarashada,dowladana ay ka rajeynayaan in waxa ka qabato baahiyaha shacabka Degmada Beledxaawo.

Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

0

-Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray Shirka Madasha Banii’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xiriira arrimaha banii’aadannimada.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo shirka ka qeyb galay ayaa yiri “Shirka Madasha Arrimaha Banii’aadanimada waxa uu ku soo aaday iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad adag oo abaareed.”

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo shirka furay ayaa sheegay in raja weyn laga qabo in uu ka soo baxo shirkan qodobo waxa looga qabanayo xaaladaha Banii’aadannimo oo ay ugu horeyso abaaraha iyo Fatahaada.

“Shirkan indhaha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa kusoo jeeda, waxaana rajo ka qabnaa in ay ka soo baxaan qodobo dhaxalgal ah.”ayuu yiri Madaxwayne kuxigeShirkaan

Shirkaan waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, wasaaradaha Gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobolka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiir Al-cadaala: Ethiopia waxay hub sharci-darro ah ka dajisay Kismaayo

0

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo siday Hub sharci-darro ah.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo cambaareeyay Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya ka waddo xuduudaha ayaa sidoo kale sheegay in labadan diyaaradood ay sidoo kale magaalada Kismaayo ka qaadeen shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

“Ethiopia muddo dheer ayey mashquul ku aheyd dalkeena inay farogalin ku sameyso, waxay hub shirci darro ah soo galisay meelo kamid ah dalka, waxayna uruurisay maleeshiyaad calool u shaqeystayaal ah, si dalka u carqaladeeyso” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso talaabooyin dalka looga difaacayo taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, isagoo dhanka kale sheegay in kuwa daba-dhilifka u ah Ethiopia laga qaadi doono talaabooyin waafaqsan sharciga dalka.

“Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub” ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Taliska Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidan oo kale horay dhoor jeer hub si sharci-darro ah ugu soo galiyay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxa uu ku soo xadgudbay biyaha Soomaaliya, iyadoo heshiis beenaad la galay horaantii January Madaxweynahii hore ee Soomaliland ee Waqooyiga Soomaaliya, taas uu kula kulmay waji kabax dhan kasta ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo oo safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho

0

-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo Mudane Jaamac Yaasiin ayaa safar shaqo ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo ay kamid yihiin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Cabdullahi Xirsi Timacadde, Wasiirka Tamarta iyo khayraadka Biyaha XFS Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

 

 

Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo xiray

0

Shirkaan oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay Muhiimada Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, iyo sidii loo mideyn lahaa Fariimaha Dowladda iyo Maamulada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Shirkaan waxaa soo agaasintay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana Furintaankiisa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdirahmaan Yuusuf Al-Cadaala, isaga oo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda, iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Maalinkii koowaad ee Shirka waxaa aad loo faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Doodahaan waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dowladda, khubarro dhinaca Warbaahinta ah, Siyaasiyiin iyo xiriirka dadweynaha, xafiisyada Warfaafinta dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, wariyayaal iyo qeybaha kale ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tilmaamay in ay madashan tahay fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyi-galinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Maanta oo shirka lasoo xiray, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tiran Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Wakiilada Maamul goboleedyada, Maamulka G/Banaadir, Warbaahinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Caalamka, si loo xoojiyo iskaashiga Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.

Dadka maanta ka qeyb galay shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiillo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor ayaa shirka ka sheegay in Warbaahintu Door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta “Guulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir jaamac.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Mohamed Aadan Moalim, ayaa xusay in shirkaan oo muhiim u ahaa midaynta fariimaha Dowladda si isku mid loogu wajaho dagaalka Khawaarijta wuxuuna intaa ku daray ”Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta Waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada Khawaarijtu ku marin habaabinaysay Dadkeena”.

Sidoo kole Wasiirka Qorshaynta Xukuumada Maxamuud Cabdirahman Beenebeene oo Madasha ka hadlay yaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dowlad dhiska iyo horumarka dalka muhiim ugu yahay Qorshaha Horumarinta Qaranka oo mudooyinkii lasoo dhaafay ka socday Teendhada Afisyoone.

Masuu’liyiintii goobta ka hadashay waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka Mudane Bashiir Mohamed Jaamac Goobe. Waxaa uu xusay in warbaahintu door muhim ah ku leedahay Midnimada iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed “Qofka waxay masuuliyad ka saran tahay ilaalinta Xuquuqda, warbaahintana waxaan ku boorinaynaa inaysan waxyeelayn mideynta Bulshadeena”

Gunnaanadkii waxaa Madasha ka hadlay Wakiilada ka socday sida Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya wuxuu yiri “Horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta waxay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Khawaarijtu ay ku marin habaabinayaan bulshada”

Ari Gaitnis oo ka socday xafiiska Qaramada Midoobay ayaa isna sharaxamay muhiimda Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ” Istiraatiijiyadda xiriirka aad ayay muhiim inoogu tahay, ka UN ahaan maadaama dadka Soomaaliyeed aan ka taageerno dhinacyo badan, waana talaabo horumar horseedi karta” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dood ku saabsan la dagaalanka Xagjirnimada ayaa lagu soo xiray doodihii Madasha oo ahayd tii ugu horeysay ee Istiraatiyadda Xiriirka Warbaahinta.

Ku simaha Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan ayaa uga dambeyn xiritaanka u mahad celiyay qeybaha bulshada, madaxda hay’adaha dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Bahda saxaafadda iyo saaxiibadda Caalamka ee ka qeyb galay Madasha.

Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee shalay galinkii dambe lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena.

Somali Government Condemns Ethiopia’s Territorial Violations and Interference

0

The Somali Federal Government has condemned Ethiopia’s recent actions within Somali borders, asserting these activities constitute a severe breach of international law and a threat to Somalia’s sovereignty and stability.

Over the past year, Ethiopia has engaged in a series of provocative and illegal operations aimed at territorial expansion. These include the illegal importation of weapons and the training and deployment of militias within Somali regions such as Puntland and Galmudug.

The Somali Government reports that Ethiopia recently orchestrated the landing of two Ethiopian Airlines planes in Kismayo, which reportedly carried illegal arms. Additionally, these planes are said to have transported Mahmud Sayid Aden, the former Vice President of Jubaland, along with his entourage, to Ethiopia. The government claims these actions are part of Ethiopia’s efforts to destabilize the region and exert control over the Gedo region by supporting militia groups.

These actions, described as reckless and aggressive, allegedly include arming and organizing militias from Hirshabelle and deploying them into Somalia. These developments are seen as Ethiopia’s attempts to disrupt Somalia’s unity and sovereignty, posing a significant threat to the security of the entire Horn of Africa.

Somalia accuses Ethiopia of undermining the principles and objectives of the African transitional Mission in Somalia (ATMIS), which aims to support peace and stability in the region. The Somali Government argues that Ethiopia’s behavior not only breaches international norms but also jeopardizes ongoing diplomatic efforts to resolve bilateral issues peacefully.

In response to these incursions, the Somali Government has issued stern warnings to individuals collaborating with Ethiopian authorities in actions against Somalia’s statehood and independence, pledging that such acts will be met with severe consequences. The government reaffirmed its commitment to defend Somalia’s territorial integrity and warned Ethiopia against any further violations.

Despite the tensions, Somalia emphasized its dedication to peaceful coexistence and mutual respect between the two nations. However, it underscored that it would not tolerate any actions that compromise its independence, unity, and security.

Somalia remains open to dialogue and cooperation that respects its sovereignty and promotes regional stability. The government urges Ethiopia to cease all destabilizing activities and engage in constructive discussions to foster peace and collaboration in the Horn of Africa.

Dowladda Federaalka oo cambaareysay falalka gurracan ee Itoobiya ay ka waddo xuduudaha dalka

0

Dawladda Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaasna ay si weyn uga soo horjeeddaa xad-gudubyada Dawladda Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya oo ay ku carqaladaynayso Amniga iyo Xasiloonida, tallaabooyinkaas oo xad-gudub Ku ah shuruucda caalamka iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ay wadday tan iyo isku daygeedii dhul ballaarsiga ahaa ee horaantii sanadkaan.

Kadib markii Dawladda iyo Dadka Soomaaliyeed ay ka hor yimaadeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, Itoobiya waxa ay si isdaba-joog ah u qaadaysay talaabooyin ay Ku wiiqayso Amniga Dalka Sida, in ay Dalka kusoo daabusho hub Sharci-darro ah iyo in ay gudaha Dalkeeda Ku diyaariso maleeshiyaad Soomaali ah oo ayada ka amar qaata ka dibna ay usoo dirto gudaha Soomaaliya si ay colaad u huriyaan.

Sida lala socday, Itoobiya waxaa ay Hub si sharci-darro ah ugu soo galisay deegaanno ka tirsan dawlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sidoo kale waxaa ay gudaha Itoobiya Ku uruurisay Maleeshiyaad ay ka kaxaysay Hirshabelle.

Markale ayay maalintii shalay ahayd ka dajisay magaalada Kismaayo Labo Diyaaradood, oo Sida aan xogta Ku hayno, ay leedahay Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya kuwaas oo waday Hub sharci-darro ah. Diyaaradahaan ayaa Itoobiya ku qaaday Shaqsiyaad uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jubaland Maxamuud Sayid Aaden iyo xubno la socdo kuwaas oo ay doonayso in ay u kaashato abaabulka shirqoollo ka dhan ah umadda iyo Dawladnimada Soomaaliyeed, ayna u xalaaleeyaan dalka Maleeshiyaad Itoobiya ka amarqaata si ay Itoobiya u hoos-geeyaan talada Gobolka Gedo.

Ficiladaan waxeey si cad u muujinayaan Sida uu maamulka cadowtinnimada Dalka Soomaaliya ay ku fogaatey ee Itoobiya ugu mashquulsan yihiin kala dhantaalidda Midnimada dalka, damaca dhulballaarsiga iyo dib-u-hubaynta maleeshiyaad iyo dabadhilifyo cadow kalkaal ah oo ay ku banaysanayaan qabsashada qeybo kamid ah Dalka, iyo sidoo kale carqaladeynta Amniga Soomaaliya iyo guud ahaan Gobalka geeska Afrika.

Ficillada aan xilkaska ahayn ee Itoobiya waddo waxay u muuqdaan kuwa garabsiinaya kooxaha argagixisada ah, waxa ayna kasoo horjeedaan mabaadi’da ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay qeybta ka yihiin, taas oo meeshana ka saaraysa wadahadaladii labada dawladood u socday, isla markaana horseedaya xiisad cusub.

Dawladda Soomaaliya, waxay uga digaysaa shaqsiyaadka dalkooda kusoo hogaaminaya cadowga, ee qeybta ka ah shirqoolada looga soo horjeedo dawladnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya in ay dhaxli doonaan cawaaqib xumo, lana horkeeni doono sharciga, ayadoo looga digayo Dawladda Itoobiya ficiladeeda gurracan ayna dawladda Soomaaliya diyaar u tahay ka difaacidda dalkeeda cid kasta oo ku soo xad-gudubta.

Dawladda Soomaaliya, waxeey markasta diyaar u tahay nabad kuwada noolaasho ku dhisan is ixtiraam balse marna uma dulqaadanayso xad-gudub kasta oo waxyeelaya Madaxbanaanida, Midnimada, Amniga iyo xasiloonida Qaranka.

 

Halkan hoose ka akhirso warxaafadeedka Dowladda:-

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa oo laga sii daayay Suudaan

0

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22-Qof oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa qeyb weyn ka qaatay hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan, waxaa sidoo kale, weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah, kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in iyagana sida uga dhaqsiyaha badan looga loo soo sii deyn doono si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Xoghaya joogtada wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya

0

-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Aadan Xaadoow, ayaa kulan Muhiim ah la qaadatay Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay Socdaalka joogtada ahayn iyo saameyntiisa. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha tahriibka iyo yareynta dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ay sababaan tahriibka, iyo sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xaqiijinta waddooyinka socdaalka ee badbaadada leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii la isku waafajin lahaa dadaallada IOM iyo Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya, kaas oo ah istaraatiijiyad shanta sano ah oo lagu dhaqaajinayo horumarka dalka ee dhinacyada muhiimka ah, Mudane Xamza Xaadow ayaa ku nuux-nuux saday in Wasaaradda ay hormuud ka tahay kobcinta wadashaqeynta iyo horumarinta himilooyinka Soomaaliya, waxa uuna caddeeyay doorka ay ku leedahay horumarinta dadaallada lagu dhisayo Qaran horumarsan.

Mr. Marques Pereira ayaa bogaadiyay habka firfircoon ee Wasaaradda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo saaxiibada caalamiga ah inay diiradda saaraan fursadaha horumarineed ee Soomaaliya. Waxa uu ku celiyay taageerada IOM ee ajendaha isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay iska kaashadaan hindisayaasha kobcinaya horumar waara.

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

0

-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada wasaaradaha gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay wasiirka gargaarka Galmudug Cabdiraxmaan Makaawi,maamulka Gobolka Galgaduud Iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ku soo aadaya xilli magalaada Dhuusamareeb uu maalinta berri ah ka furmayo shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada oo sanadkiiba saddex jeer la qabto kaas oo sanadkaan lagu qabanayo Galmudug.