Home Blog Page 190

Gollaha Wasiirrada oo Agaasimaha Guud ee HSJ u magacaabey Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow

0

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdirxamaan Yuusuf (Al-caddaala), ayaa ka warbixiyey qodobada ay goluhu soo saareen.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedin ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha oo ku saabsan magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xilka Agaasimaha Guud ayaa loo magacaabay Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.Go’aankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda ku xoojinayso hay’adaha amniga iyo socodsiinta shaqooyinka muhiimka ah ee waajibaadka qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, falkii uu ku weeraray deegaanka Raaskambooni oo ay ka dhalan doonto isla-xisaabtan iyo ciqaab ah.

Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay soo Afjaridda khilaafkii ka dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya 

0

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleysatay soo afjaridda isku day halis ku ahaa qaranka, kadib hal sano oo shaqo adag ah.

“Hal sano oo shaqo adag ah ka dib, waxaan iska xirnay isku day halis ku ahaa qaranka. Waxay ahayd xil-gudasho adag oo miro-dhal noqotay. Waxaa mudan mahad oo dhan Alle weyn, ka dib madaxda qaranka iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee midnimada iyo mowqifka adag ku difaacay dalkooda. Insha’Allah, qarankeennu wuu guuleysanayaa wuuna ka gudbi doonaa caqabadaha,” ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkan ayaa yimid xilli magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay shir muhiim ah oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, una dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Shirka, oo saacado badan socday, ayaa labada dhinac ku heshiiyeen in labada dal ay ku dhaqmaan is-qaddarin, dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Wasiir ku-xigeenka Beeraha XFS oo ka qeyb gashay ansixinta Nafaqada Cuntada ee Waddamada IGAD 

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sahra Yuusuf Cige iyo wafdi ay hoggaaminayso, ayaa wadanka Djibouti kaga qaybgalay shirka Wasiirada Wadamada Midowga Urur Goboleedka IGAD, kuwaas oo ansixinayeen Strategyada Sugnaanta iyo Nafaqada Cuntada 2025-2034.

Soomaaliya, ayaa door muhiim ah ka qaadatay Intii uu socday shirkan oo galay maalinkiisa labaad, waxaana lagu ansixiyey qorshayaal muhiim ah oo lagu meel mariyay qorshe-hawleedka Sugnaanta iyo Nafaqada Cunnada ee Ururka Gobolleedka IGAD sannadka 2025-2034.

Kulankaan ayaa sii adkeeyndoono iskaashiga wadamada xubnaha ka ah ururka si loo xoojiyo dadaalada loogu jiro Sugnaanta iyo Nafaqada Cuntada.

Shirkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay Ankara 

0

Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankan oo saacado badan socday,ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen, iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee shirka ka soo baxay in dhammaan arrimahii la isku haystey sida heshiiskii kihilaafka dhaliyay meesha laga saaro, oo ayna tahay taariikh tagtey, labada dalna ay u bilaabaneyso bog cusub oo ku saleysan is qaddarin iyo dhowrista qaranimada, madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

War Murtiyeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in heshiis kasta oo dhacaya ay khasab tahay in loo soo maro Dowladda Federaalka ee Soomaliya.

Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga waxaa labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si mug leh ugu mahadnaqeysaa Madaxweyne Erdogan, shacabka iyo dowladda Turkiga, martigelinta kulankan iyo dadaalkii ay muddada 8-da bilood ku bixiyeen ka mira dhalinta xasaraddan ka aloosneyd Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la qaadanayo dhiggiisa dalka Turkiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan muhiim ah haatan uga socdaa xarunta Madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara.

Kulankan ayaa ah hordhac loogu sii gogol-xaarayo wada-hadallo uu madaxweynaha Turkiga garwadeen ka yahay ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka kooban Wasiirro, Taliyaha Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka, iyo La-taliyayaal ayaa muujinaya sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta midnimada, gobonnimada, iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo gaaray dalka Ciraaq

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Adan, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Baghdad ee Dalka Ciraaq Halkaas oo uu u joogo Howlo Shaqo.

Wafdiga wasiirka oo gaaray Magaalada Baghdad ayaa waxaa garoonka caalamiga aha ee Bagdhad kusoo dhaweeyay Dhiggiisa Ciraaq isagoo maalmaha soo aadan ka gayb galaya Meertada 61-aad ee Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamacada Carabta, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay Xubin muhiim oo ka tirsan Golahan.

Wasiirka, ayaa inta uu ku suganyahay Dalka Ciraaq waxa uu kulan doceedyo loogu qareemayo horumarinta caafimaadka la yeelan doonaa dhiggiisa dalalka ku bahoobay jaamacada Carabta.

Agaasimaha guud ee Socdaalka oo faray Saraakiisha inay fududeeyaan bixinta Baasaboorada 

0

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Ahmed Said Mohamed oo manta kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha ka howlgasha xafiiska Baasaboor bixinta ee xarunta shaqaalaha, ayaa faray saraakiisha in la dar dargeliyo howlaha Baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga Baasaboor bixinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa faray saraakiisha in la ilaaliyo habraacyadda shaqada xooggana la saaro hufnaanta iyo isla xisaabtanka howlaha shaqo. Waxa uuna sidoo kale ku booriyay in la ilaaliyo kala dambaynta, anshaxa iyo shaqo wanaaga.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa ka go’an in ay bixiso adeeg bulsho oo wax ku ool ah iyadoo la isticmaalayo tiknoolijiyada casriga ah si loo fududeeyo habka casri ah ee adeeg bixinta oo la jaanqaadayo adduunyada kale.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka kobaad ee dalka oo kormeeray Wasaaradda Beeraha XFS

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama, ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradaha Beeraha, Waraabka iyo Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo booqday Xarumaha Wasaaradaha, ayaa kulan la qaatay Wasiirrada iyo howl wadeennada kala duwan, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan howlaha socda iyo dardargalinta adeegyada ay bulshada u hayaan, waxaa kale oo kormeer ku sameeyay shaybaarro casri ah oo loo diyaariyey beeralleyda Soomaaliyeed si loo dhiirrigaliyo wax-soo saarka dalka, loona horumariyo nidaamyada waraabka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Wasiirka Wasaaradda,ayaa qireen howsha baaxada leh oo sheybaarkaan uu dalka u haayo waxa ayna ballan qaadeen sidii loo horumarin lahaa sheybaarka si adeegyo intaan ka badan loogu qabto

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka taageerada joogtada ah ee uu u fidiyo wasaaradda iyo beeraleyda Soomaaliyeed

Guddoomiye ku-xigeenka SODMA oo boggaadiyay Shirweynaha Cilmibaarista  

0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Musiiboyinka-SoDMA, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa bogaadiyay Shirweynaha Cilmibaarista Soomaaliyeed ee sannadkiisa 11aad.

Shirweynahan ayaa noqday madal muhiim ah oo loogu talagalay in la isku xiro aqoonyahannada, cilmi-baarayaasha, iyo dowladda si loo dhiirrigeliyo cilmi-baarista iyo horumarka Soomaaliya.

Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa xusay in shirweynahan uu fursad u yahay in la isweydaarsado aqoon iyo aragtiyo cusub oo ku saabsan maareynta musiiboyinka iyo sidii loo xoojin lahaa nidaamka gargaarka iyo ka hortagga musiiboyinka.

Wuxuu ku dhiirrigeliyay ka qaybgalayaasha inay sii wadaan cilmi-baarista iyo horumarinta xalal waara oo wax ka qabta caqabadaha ka jira dalka, gaar ahaan xaaladaha musiiboyinka dabiiciga ah ee saameeya bulshada Soomaaliyeed.

Shirweynahan waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo fikrado cusub oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha, maamulka iyo bulshada, iyadoo si gaar ah loo soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha ka jira dhinacyada maareynta musiiboyinka, iyadoo la rajeynayo in laga dhigo mid ka qayb qaata nabad-gelyada iyo horumarka dalka.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska oo xarigga ka jaray Xabsi Haweenka loogu talagalay 

0

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa ku wehliyey Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Soomaaliyeed G/sare Mahdi Cumar Muumin Guddoomiyaha Degmada Xajajab iyo Masuuliyiin ka kala socdey Dhamaan Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Banaadir

“Xabsigan cusub wuxuu muujinayaa sida Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ugu heellan yahay inay xaqiijiyaan adeeg hufan oo xushmad leh, gaar ahaan marka ay timaado daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Soomaaliyeed,” ayuu yiri taliye ku xigeenka.

Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xidho lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.