Home Blog Page 191

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday difaaca deegaanka Geel-gub

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonayo xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan difaacyada kala duwan waxana uu maanta kormeeray deegaanka Geel-gub.

Sarakiisha ayaa warbixin ku siiyay Madaxweynaha in dhammaan ciidamada kala duwan ay ku jiraan heegan buuxo. Madaxweynaha ayaa sameynayo isku-xir guud oo dagaalka xilli la mideeyay gulufka lagu dabar-goynayo Khawaarijta.

โ€œCuleyska argagixisada ay ku heyso Hirshabeelle ayaan soo af-jareynaa, waxaan ku baaqayaa awood mid ah inaan ku wajahno dagaalka oo laga fogaado midnimo laโ€™aan.โ€ Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Khawaarijta, ayaa dagaallamayaashii ugu badnaa waxaa looga dilay Hirshabeelle welina waxaa ku socdo beegsi xooggan.

๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐˜†๐—ฏ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถr๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฎ๐—ณ๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—–๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฏ๐˜๐—ฎ

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa ka qaybgalay Shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Shirka waxaa Wasiirka Caafimaadka ku wehlinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Guled Abdijalil iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka.

Shirka oo ay ka qayb galeen Wasiirrada Caafimaadka Carabta iyo wufuudda diblomaasiyadeed ayaa lagu ansixiyey goโ€™aammo muhiim ah oo ku saabsan, taageerada Caafimaad ee dalalka ay ka jiraan xaalado biniโ€™aadantinimo iyo Caafimaad, xoojinta iskaashiga gobolka, taageeridda Golaha Carabta ee takhasusaadka Caafimaadka, dhiirrigelinta dalalka ku tallaabsaday warshadaynta dawooyinka iyo booqashooyinka Caafimaadka iyo la dagaallanka faafista cudurrada dilaaga ah.

Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan wuxuu muujinayaa doorka firfircoon ee Soomaaliya ku leedahay wada-shaqaynta gobolka iyo horumarinta nidaamka Caafimaad ee dalka.

Shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka qorshaynta isbeddelka Qaranka oo ka furmay Muqdisho

0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa muqdisho ka furay shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka qorshaynta isbeddelka Qaranka (NTP 2025โ€“2029) oo socon doona muddo afar maalmood ah.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Wasaaradaha dowladda dhexe, maamul goboleedyada, hayโ€™adaha Qaramada midoobay, deeq-bixiyeyaal, ganacsato iyo ururrada bulshada rayidka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa tiirka isbeddelka maamulka dowladnimo, iyadoo si qoto dheer looga dooday dib-u-eegista dastuurka, garsoorka, xuquuqda Aadanaha, doorashooyinka, isdiiwaangelinta, dib-u-heshiisiinta iyo Xasillinta.

Madashan ayaa ah mid lagu mideynayo mudnaanta Qaran, lagu qiimeynayo horumarka la gaaray, laguna xoojinayo hirgelinta qorshayaal waara oo loo dhan yahay.

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo qaabilay safiirka Yeman ee Soomaaliya

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya danjire Fadli Cli Axmed oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, xaaladda qaxootiga iyo jaaliyadda Yemen oo ay Soomaaliya keeneen daruufaha ka jira dalkooda.

Soomaaliya iyo Yemen waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah oo ku suntan dhinacyada dhaqanka, bulshada iyo ganacsiga kaas oo saldhig adag u ah kor u qaadidda iskaashi ku dhisan danaha wadaagga ah ee labada shacab ee walaalaha ah.

 

 

 

Golaha Shacabka BFS oo Akhrinta koowaad marsiiyay Sharciyo muhiim ah

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka koobanyahay, waxaana maadaamaa akhrinta koowaad uu marayay islamarkaana aanu wax dood ah ka furneyn, waxa ay Xildhibaanadda Golaha ay wasiirka weydiiyeen suโ€™aalo ku saabsan mabaadiiโ€™da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Dhinaca kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.

Hindise sharciyeedkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda iyo kartida Soomaaliya ee ku aaddan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, iyadoo la eegayo baahida sii kordheysa ee is-dhaafsiga garsoor, xog, iyo la dagaallanka dambiyada caalamiga ah.

Wasiir Xasan Macallin ayaa Xildhibaannada si faahfaahsan ugu sharraxay muhiimadda sharcigan, isagoo xusay in uu fududeyn doono in Soomaaliya ay si hufan ula shaqeyso waddamada kale iyo hayโ€™adaha sharciga caalamiga ah.

โ€œSharcigan wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xoojinta caddaaladda, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo xaqiijinta wada shaqeyn dhaxal gal ah oo dhex marta Soomaaliya iyo beesha caalamka,โ€ ayuu yiri Wasiir Xasan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood kaleh sharciyaan,iyagoo oo muujiyay ahmiyadda uu dalka u leeyahay,waxaana xildhibaannada ay marsiin doonaan akhrinta labaad iyo dood furan si loo dhammeystiro ansixintiisa.

Hindise sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib-u-habeynta garsoorka iyo dhismaha dowladnimo hufan oo caddaalad ku dhisan.

Taliyaha NISA iyo Masโ€™uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

0

Agaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, si Ciidamada Qaranka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ay ugu dhiirigeliyaan dagaalka Khawaarijta.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa inta u dhaxeysa deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan-Yabaal lagu dilay in ka badan 70 Khawaarij ah oo horjoogayaal ay ku jiraan.

Ciidamada Qaranka iyo xaq u dirirka deegaanka ayaa maanta kaabiga ku haya degmada Aadan-yabaal ee gobolka Sh/Dhexe, halkaas oo Khawaarijtii lagu jabiyay dagaalka ay isaga carartay, waxaana weli aaggaas ka socda howlgallada sifeynta ah.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa โ€œDoorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.โ€

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay nidaamka doorasho dadban oo muddo badan ka jiray Soomaaliya.

Raโ€™iisul Wasaaruhu waxa uu caddeeyay in dowladda ay ka goโ€™an tahay in la hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah oo hufan, caddaalad ah, una adeegta rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Isagoo arrintaas ka hadlayay ayuu yiri

โ€œDoorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.โ€ayuu yiri Raโ€™iisul wasaraha.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hadalkaan ka sheegay kulan xalay uu la qaatay Hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed,kaa oo daranaa xoojinayo doorka ay ku leeyihiin difaaca Qaranka iyo Doorashooyinka.

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—ซ๐—ฎ๐—บ๐˜€๐—ฎ: โ€œ๐—ค๐—ผ๐—ณ ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ ๐—ถ๐—ป๐˜‚๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ๐—ด๐—ฎ ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฎ๐—ฎ๐˜๐—ผ ๐—ฑ๐—ถ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎโ€

0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in difaaca dalka uu yahay waajib diini ah oo dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gutaan.

โ€œDhallinyarada Soomaaliyeed waxaan idin kugu yeeray oo caawa halkaan aad u joogtaan in aan idiin soo gaarsiiyo farriin ah difaaca dalka, taas oo ah

waajib ay tahay in aan loo kala harin, dhammaanteenna aan u wada istaagnoโ€. Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ay xaqiijisay guulo waaweyn oo la taaban karo, isla markaana ay ka goโ€™an tahay in ay dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiso ciribtirka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in doorashada dadweynaha ee dalka laga hirgelinayo ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed loogu soo celinayo awooddoodii ka maqneyd in ka badan 56 sano, isla markaana ay tahay waddadii dhallinyaradu ku xaddidi lahayd nooca dalkoodu u ekaanayo.

โ€” Dhammaad โ€”

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Daccรฒ Coppi iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ka socday Safaaradda Talyaaniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caddaaladda, dib-u-habaynta garsoorka, iyo dhameystirka dastuurka. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Talyaaniga taageerada ay siiso Soomaaliya, halka wafdigu ay ku bogaadiyeen dadaallada dowladda ee ku aaddan tayeynta cadaaladda iyo dastuurka iyagoo ballanqaaday sii wadista taageerada.

Wasaaradda Cadaaladdu waxay sii xoojineysaa dadaallada ku aaddan tayeynta nidaamka Cadaaladda iyo dhameystirka iyadoo la kaashaneysa bahda cadaaladda iyo saaxiibada caalamiga ah.