Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Madaxa Islamic Relief Somalia 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Islamic Relief Somalia, Mudane Aliow, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood iyo qorshaha daadejinta howlaha samafalka ee Islamic Relief.

Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow ay u wada shaqeeyaan si wax looga qabto dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimiladu. Islamic Relief Somalia ayaa horey uga digtay xaaladda cunno yari ee ka jirta gobollada sida Baay, halkaas oo abaaraha, daadadka, iyo rabshadaha socda ay sii kordhinayaan faqriga iyo barakaca, taasoo abuuraysa gaajo iyo xasilooni darro.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha samafalka si loo yareeyo saameynta musiibooyinka, loona gaaro bulsho adkaysi leh. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ee lagu horumarinayo iskaashiga hay’adaha samafalka si loo yareeyo saameynta musiibooyinka, loona gaaro bulsho adkaysi leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...