šŠš®š„ššš§š¤šš š®š«š®š¤šš šš”šššŖššššš­š¢š¢š«š­šš šœš®šš®rš«ššššš hššš°šžšžš§š¤šš š¢š²šØ šš”ššlš„ššššš§š¤šš šØšØ mš®šŖšš¢ššš”šØ š¤šš furmay

Date:

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr Maryama Mohamed Hussein, ayaa Daahfurka kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed ā€SOGAā€.

kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa xubno ka tirsan Xildhibaannada labada aqal, wakiillada xarumaha caafimaadka guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururka dhaqaatiirta Soomaliyeed, uruka Umulisooyinka Soomaliyeed, Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, Bahda Jaamacadda Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiru-dowlaha ahna Ku Simaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku amaantay xubnaha uruka wax qabadkooda kuna boorrisay in ay dedaalkooda halkaa kasii wadaan.

Dr. Maryama ayaa ugu dambayn ballan qaadday in ay diyaar u tahay gacan siinta iyo is-garab taagga urukan u taagan wax ka qabashada qataraha buktada haweena iyo carruurta Soomaliyeed waxayna sheegtay in wasaaraddu ay garab istaag diyaar ula tahay mar walba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...