Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

Date:

Sanadkan, Xujeyda Soomaaliyeed waxay heli doonaan adeeg caafimaad oo ka duwan kii hore. Dowladda Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa daryeelka iyo mas’uuliyadda ka saaran muwaadiniinteeda, ayaa qaaday tallaabo lagu xoojinayo adeegyada caafimaad ee Xajka.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, gaar ahaan Xafiiska Arrimaha Xajka, ayaa sanadkan u diyaarisay Xujeyda Soomaaliyeed afar (4) gaari ambalaas ah oo si buuxda u qalabeysan, looguna talagalay in ay u adeegsadaan xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.

Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka, Dr. Khadar Daahir Suleymaan, ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo in Xujeyda Soomaaliyeed helaan daryeel caafimaad oo degdeg ah, si ay si nabadgelyo iyo xasillooni leh u gutaan acmaasha Xajka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...