Home Blog Page 189

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Algeria

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Algeria, Wasiir Abdelkrim Bouzred, oo sidoo kale ah guddoomiyaha shirarka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka.

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, maadaama Algeria ay ka mid ahayd dalalkii ka qeyb qaatay hannaankii deyn cafinta Soomaaliya.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa dhiggiisa Algeria siiyay warbixin buuxda oo ku saabsan dadaallada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha horumarineed ee lagu maalgelinayo mashaariic waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha NISA oo dardargelinaya howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee Gobolka Hiiraan

Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka, iyo maamulka gobolka Hiiraan. Kulankaas oo ay sidoo kale ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha amniga.

Intii uu ku sugnaa gobolka Hiiraan, Agaasimaha NISA ayaa booqday furimaha dagaalka, isagoo bogaadiyay guulaha ay ciidamada ka gaareen la dagaallanka kooxaha nabad-diidka. Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay saraakiisha inay sii xoojiyaan howlgallada ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaannada kale.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle, Cabdi Daahir Guure; Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan, Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaa); ku-simaha Taliyaha Qeybta 27-aad, Cabdullaahi Barre Cilmi; Taliyaha Qeybta Booliiska Hiiraan, Isaaq Cali Cabdulle; iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye. Sidoo kale, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka bulshada ayaa ka qeyb galay kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay shaqooyinka golaha horutebinta u leh inta ka harsan kalfadhiga lixaad, waxaana intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiyada laga dhageystay warbixinno ku saabsan shuruucda hortaala iyo habraacyada u harsan.

Ugu dambeyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ajendeyn iyo jadwaleynba ku sameeyay ajendayaasha kulamada golaha ee todobaadka soo socda, waxaana guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada ah in la dardargeliyo shaqada golaha shacabka.

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta oo saacadihii lasoo dhaafay lagu laayay howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 40 Khawaarij ah, ayna noloshana ay ku qabteen xubno ay ku jiraan horjoogayaal, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay iyo godadkii ay galeen oo lagu burburiyey.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa noo sheegay in howlgalladu ay weli socdaan oo ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta, isla markaana ay ka saareen deegaano muhiim ah oo hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada Danab ee xoogga dalka.

In ka badan 120 Khawaarij ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay howlgallada dalka ka socda, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka Khawaarijta.

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay wafdi ka socday hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Somaaliyeed Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA kula kulmay wafdi ka socday hay’adda UNDP oo uu hoggaaminayo Titus Kuuyuor .

Labada hay’adood ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada hay’addood, iyo ka wada shaqeeynta xog aruurinta arrimaha gargaarka.

Guddoomiyaha ayaa aad ugu mahadceliyay hay’adda UNDP dadaalka aan hagarta laheyn oo ay dalka ka waddo.Ugu danbeeyn dhinacyada ayaa ku ballamay in kulan Farsamo la isku soo laabto si loo dhammeeystiro wax yaalaha ka dhiman wada shaqeeynta hay’adaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo Turkiga u tegay booqasho khibrad-wadaag warfaafineed ah

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala),ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga.Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha Warbaahinta ee Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Warfaafinta iyo Lataliyayaal sare oo dhinaca xiriirka Warbaahinta ah.

Wafdiga ayaa booqday Xarumaha Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga (TRT), Wakaaladda Wararka ee Anadol Agency iyo Havelsan oo ka mid ah xarumaha soo saara, isla markaana horumariya qalabka Militariga, Difaaca iyo Tiknoolajiyadda.

Wasiir Cabdiraxmaan Al-Cadaala iyo xubnaha kale ee wafdiga ayaa booqday Istuudiyayaasha iyo xarumaha kaydka Telefishinka iyo Raadiyaha Turkiga, iyadoo loo soo bandhigay qaabka ay u shaqeeyaan hay’adahan, kuwaas oo ka mid ah warbaahinnada ugu waaweyn caalamka.

Xarunta Havelsan ee Difaaca oo ay wafdigu booqdeen waxaa loogu soo bandhigay horumarka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda iyo kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta difaaca dhulka, cirka iyo badda iyo sida Turkigu horumarka xowliga ah u sameynayo, maadaama uu yahay dalka ka mid ah saaxiibada ugu dhow ee Soomaaliya u taageera sida ugu dhow.

Xarunta Wakaaladda Wararka ee Anadol ayay sidoo kale wafdiga tageen, halkaas oo ay ugu bilaabatay aqoon isweydaarsi iyo khibrad wadaag soconaya laba maalmood oo diiradda saaraya sida loo diyaariyo, loona Maareeyo xiriiirka Warbaahinta ee xiliyada Doorashooyinka, Maareynta Xasaradaha iyo ka hortagga been abuurka iyo marin habaabinta.

Booqashada shaqo ee wafdigan heerka sare ah oo daarran khibrad wadaag xiriirka warbaahinta iyo dadweynaha ee labada dowladood ah, waxaa marti galiyay Agaasinka xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Turkiga, waxayna masuuliyiintaan booqan doonaan xarumo kale oo ay ku jirto xarunta Agaasinka.

Safiirka Soomaaliya ee Rwanda oo Waraaqaha Aqoonsiga Guddoonsiiyay Madaxweynaha Rwanda

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa maanta si rasmi ah u guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee uu ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Rwanda, Mudane Ilyaas Cali Xasan.

Munaasabaddan ayaa ah mid ka tarjumaysa xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Rwanda, iyadoo labada dal ay hadda bilaabayaan xiriir cusub oo ku saleysan iskaashi dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo ganacsiga.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa sidoo kale metela Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania iyo ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xoojinaysa doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ee gobolka.

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyey Isbitaalka Madiina

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyay Cisbitaalka Ciidanka Booliiska ee Madina. Dhismayaashan cusub waxaa ka mid ah Shaybaar casri ah, keyd daawo iyo nidaamka tamarta qoraxda (solar system) oo lagu xoojiyay adeegyada caafimaad ee xarunta.

Taliyaha ayaa sheegay in dhismayaashan la hirgeliyay kadib markii uu si dhow u qiimeeyay baahiyaha jira, isagoo amray in la fuliyo si loo daboolo adeegyada caafimaad ee loo baahan yahay. Tani waxay qeyb ka tahay dadaalka iskutashiga ah ee Booliiska Soomaaliyeed si loo horumariyo kaabeyaasha adeegyada caafimaad ee ciidamada.

Wasiir Khadiija oo kormeer ku tagtay xarunta Barbaarinta Carruurta Booliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Marwo Khadiija Maxamed Almakhzoumi, ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta Barbaarinta Carruurta ee Booliiska Soomaaliyeed. Booqashadan ayaa ujeedkeedu ahaa in Wasiir Khadiija ay si toos ah ugu kuur-gasho xaaladda nololeed, heerka waxbarasho iyo rajada mustaqbal ee carruurta halkaas ku sugan.

Wasiir Khadiija ayaa intii ay xarunta ku sugnayd la kulantay carruurta, iyadoo si dhow u dhegeysatay codkooda, warbixinna ka dhageysatay maamulka xarunta ku saabsan baahiyaha iyo caqabadaha horyaalla. Waxay carruurta u ballanqaadday in wasaaraddu ay sii xoojin doonto taageerada la xiriirta waxbarashada, daryeelka caafimaad iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah si loo xaqiijiyo mustaqbalkooda.

Wasiir Khadiija ayaa sidoo kale xustay muhiimadda ay leedahay in la helo taageero joogto ah oo lagu kobcinayo fayo-qabka carruurta Soomaaliyeed ee ku sugan xarumaha daryeelka.

Gaashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Aaska waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Senatarro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Mudane Cali Shacbaan ayaa sheegay in marxuum Xujaale uu ahaa geesi Soomaaliyeed oo naf-hurnimo ku muujiyay difaaca qaranka, kuna caan baxay hoggaan wanaagsan, daacadnimo iyo ka go’naansho ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii uu socday aaska, Guddoomiye Shacbaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelladii iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay samir iyo iimaan, marxuumkana Alle uga baryay Jannatul Firdowsa.