Golaha Shacabka BJFS oo maanta dood adag ka yeeshay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga lixaad kulankiisa 15-aad oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa uu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Barkacayaasha, waxaana Xildhibaanadda ay qodobada hindise sharciyeedkan su’aalo ka weydiiyeen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur oo Xildhibaanadda uga jawaabayay su’aalaha ay weydiinayeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha shacabka inuu hindise sharciyeedka kusoo daro dooda iyo aragtiyada Xildhibaanadda islamarkaana uu akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...