Home Blog Page 1671

Amarkii Madaxweyne Farmaajo Kadib Jidgooyadii Sharci Darada Ee Yaalay Afgooye Oo La Qaaday

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu Haggaaminayay ayaa Shalay oo Isniin aheyd Socdaal Shaqo oo dhinaca dhulka ah ku tagay Degmada Afooye oo Qiyaastii 30Km dhinaca Galbeed kaga aadan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markuu Afgooye Gaaray Kulan Gaar ah la qaatay Maamulka iyo Qeybaha Bulshada ee deegaankaasi, isagoo ka dhageystay warbixino la xiriiray Ammaanka, Hormarka deegaanka iyo cabashooyin ay qabeen bulshada.

Ganacsatada iyo Qaar kamid ah Waxgaradka Degmada ayaa Madaxweynaha u gudbiyay Cabshooyin ku aadan Canshuurta iyo Jidgooyada Sharci darrada ah ee yaalla inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,

Qeybaha Bulshada ayaa Madaxweynaha u sheegay in maalin kasta dilal ay ka dhacaan waddooyinka iyo suuqyada Magaalada Afgooye, iyadoo hadane aysan jirin daryeel bulsho oo wax loogu qabanayo ganacsatada iyo gaadiidka marka laga reebo in lacag laga uruursado hadan aysan gaarin qasnadda Dowladda.

Intaas Kadib Madaxweynaha oo Hadalka qaatay ayaa Amar ku bixiyay in la joojiyo Qaadista Canshuurta gudaha dagmada Afgooye laga billaabo shalayna aan wax Jidgooyo ah lagu arki Karin wada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko isaga oo isbaaro taagan naga mid ma aha. Haddii aad aragtaan qof lacag idinka aruursanaya waan la wada dagaallameynaa ee noo soo sheega. Ma jiri doono qof dhar ciidan wata oo isbaaro dad ku dhici kara. Ciidamadeenna annaga ayaa xuquuqdooda iyo mushaarkooda inaan bixinno diyaar u ah.” Ayuu Yiri Madaxweyne Farmaajo.

Hadaba Maxaa Ka Hirgalay Amarkii Madaxweynaha?

Suuqyada kala duwan ee Ganacsiga dagmada Afgooye waxaa maanta si buuxda uga dhaqangalay Amarkii Madaxweynaha, Waxaana hakad lagaliyay Canshuurtii laga qaadi jiray goobaha Ganacsiga iyo Seyladda lagu Iibiyo Xoolaha.

Muumin Sh Nuur Waxa uu ka midyahay Waxgaradka Degmada Afgooye, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA oo qadka talefoonka kula xiriirtay waxa uu u sheegay in maanta haba yaraatee aysan jirin wax Canshuur ah oo laga qaadayo Suuqyada Magaalada, islamarkaana maamulka dagmada uu fuliyay Amarkii uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

“Ganacsatada iyo dadweynaha magaalada Afgooye tallaabada ay dowladda Qaaday aad bay u soo dhaweynayaan, gaadiidka dadweynaha ee ku safra jidka u dhexeeya Xamar iyo Afgooye maanta laga qaadin wax Jidgooyo ah, sidoo kale suuqyada ganacsiga waxaa la hakiyay canshuurtii aan ka cabanay” ayuu yiri Muumin.

Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle Yuusuf  oo isna la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA wuxuu sheegay in maanta la fuliyay Amarka Shalay uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana maanta ay kormeereen Waddooyinka iyo suuqyada dagmada Afgooye si loo hubiyo Fulinta Amarkaasi.

“SONNA aad ayaan idinkugu Mahad Celineynaa howsha aad Dalka u heysaan, maanta waxaan kormeernay Wadooyinka ay hore jidgooyada u taalay iyo sidoo kale suuqyada Ganacsiga Dagmada Afgooye, si wanaagsan ayay arrintaasi u hirgashay, maanta ma jiro Isbaaro taalla wadada, sidoo kalana Canshuurtii dadweynaha ay ka cabanayeen waa la joogjiyay. Sidaasi Waxaa Yiri Mudane Cabdufartaax.

Fulinta talaabadaan ayaa muujineysa soo celinta kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda, waxayna meesha ka saareyso Jidgooyada Sharci darada ah iyo Canshuurta aan ku dhicin qasnadda dowladda.

Waxaana dhihi kartaan “Amarkii Madaxweynaha Ee Qaadista Jidgooyada Wuu Fulay”

 

W/D:- Ismael Mukhtaar Omar “Orange”

Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Furay Shirweynaha Ansixinta Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Dalka+Sawirro

0

Muqdisho,(SONNA):-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

__DHAMMAAD_

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay talooyinkooda ugu gudbinayeen Wasaaradda, dhalinyarada ayaa waqti fiican u helay in ay su’aallo weydiiyaan Wasiirka iyo masuuliyiinta ugu sareeysa Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo la hadlayay dhalinyarada ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay soo dhaweeynayso in dhalinyaradu ay ka qaybgalaan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.

“Dhalinyarada waa tirada ugu badan dadkeena, sidaa darteed waxa inaga go’an in aan idinku dhiiragelino sidii aad ka qaybgal saameeyn leh ugu yeelan la heeydeen ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wasiirka ayaa ka ballanqaaday dhalinyarada in kulamo dhowr ah la yeelan doonaan dhalinyarada si ra’yi uruurin ballaaran loo sameeyo.

Dhanka kale, Avv Cabdi Xoosh ayaa ka codsaday dhalinyarada in si mutadawacnimo ah u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay sugeyso hawl ballaaran oo muhiim u ah in dalkeenna uu gaaro doorasho qof iyo cod ah afarta sanno ee soo socota.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in kulamada ceynkan oo kale ah la gaarsiin doono Maamul Goboleedyada dalka iyo wadamada ay ku noolyihiin Soomaalida qurba joogta ah.

—–DHAMAAD—–

Ra’iisul Wasaaraha JFS Oo Furay Shirweynaha Ansixinta Qaab Dhismeedka Manhajka Waxbarashada Dalka

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay shirwaynaha Qaran ee Ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada dalka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarha oo la hadlay dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in la iska kaashado sidii looga shaqayn lahaa hormarinta waxbarashada dalka, maadaama bulsho kasta ay ku horamrto sida ay dhalaankeeda wax u barto, waxuuna tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhisanyihiin Dhaqanka, Diinta iyo Soomaalinimada, taasina ay fududaynayso sidii loo heli lahaa bulsho isku aragti iyo hadaf ah.

“Waxaan soo jeedinayaa in Manhajkeenu uu noqdo mid mideeya dhamaan waxbarsahada dalka, waana in lagu soo daro maadooyin ka hadlaya Wadaniyada iyo kheyraadka dalkeenu leeyahay si jiilka naga dambeeya ay u jeclaadaan wadanka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha ayaa booqday wasaarada Gaadiidka Badda iyo wasaarada Duulista iyo Hawada, waxuuna mid mid u galay xafiisyada ay wasaaradahu ku shaqeeyaan isagoona shaqaalaha waydiinayay sida ay u helaan xaquuqdooda iyo qaabka ay shaqadu u socoto.

waxuuna si gaara ula shiray wasiirka wasaarada Dekadaha waxayna isla soo qaadeen sidii loo hormrin laha gaadiidka iyo dekedaha gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan dakeda Muqdisho oo ay shacab badan kala soo baxaan nolol maalmoodkooda.

Ugu dambayn Xasan Cali Khayre ayaa gaaray xarunta gobolka Banaadir waxuuna kula kulmay gudoomiyaha gobolka iyo dhamaan shaqaalaha ka howlagala xarunta,waxuuna indho indheeyay qaabka loo shaqaynayo iyo baahiyaha ka jira xarunta.

__DHAMMAAD_

  

WARGELIN:- Diiwaan Gelinta Tartan Cilmiyeedka Ramadan Ee Warbaahinta Qaranka Oo Bilaabatay

0

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Wuxuu ku Wargalinayaa Maamulada Degmooyinka Gobalka Benadir iyo Dowlad Gobaleedyada ka dhisan Dalka in Radio Muqdisho iyo SNTV ay sanadkii 7 si wadajir ah u qaban doonaan Tartan Cilmeeydka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo hadda foodda nagu soo heyso.

Hadaba Guddigu Wuxuu Ogeysiinayaa Dhammaan Degmooyinka daneynaya ka qeybgalka tartanka in ay Araajida Codsiyadooda Ka Qeybgalka Tartan Cilmiyeedka ay Keensadaan Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska.

Shuruudaha Ka Qeygalka Tartanka.

  • Tartanka Waxaa Ka Qeybgalaya 17 Degmo Ee Gobalka Banaadir iyo Caasimadaha Magaallo Madaxyada Goballada Soomaaliya.
  • In tartameyaasha Dagmada ay Warqad Ogolaansho ka wataan Maamulka Dagmada ama Dowlad Gobaleedka ay matalayaan.
  • In Tartamiyaashu ay Codsigoodu ku Caddeeyaan Saddax Qof oo La heli karo Madada tartanku Socdo si loogala Xaajoodo wixii Quseeya ee ku saabsan Anshaxa iyo Habsami u Socodka Tartanka.
  • Waqtiga Qabashada Codsiyada Ka Qeybgalka Tartanka Waxa ay ku Egtahay 23 May 2017 .

Hadaba Wixii Faah faahin Intaas Dheer Kala Soo Xiriir Talefoonada Nabaradoodu Kala Yihiin:-

0617- 01 22 22, 0615- 33 77 80 Ama Fariin qoraaleed (SMS) 433.

The director of Radio Mogadishu and Parliament Relations

ADDRESS:

Warta Nabadda District,Near Villa Somalia Mogadishu, Somalia

Tel 00252-615510038

Email: abdijeite@hotmail.com

Michael Keating oo ka hadlay Shirka London

0

Muqdisho(SONNA):–Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxa uu sheegay in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinaca Amniga ee ka dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

 

Michael Keating oo ka hadlay Shirka London

0

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Keating oo wareysi siiyey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in inkastoo ka jawaabista abaarta ay tahay ahmiyad weyn xilligan, hadana shirka looga hadli doono maalin-galin lagu sameeyo dhaqaalaha Soomaaliya si aysan mar dambe u dhicin abaar weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay shirka looga hadlayo qaab dhismeedka mustaqbal ee ciidamada amniga dalka yeelanayo.

Michael Keating waxa uu sheegay in shirka sidoo kale looga hadlayo heshiisyada dhaxmaray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, sida awood qaybsiga, canshuuraha, qaybsiga daqliga iyo kheyraadka dalka uu leeyahay iyo sidoo kale sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in heshiiska iyo qaab dhismeedka hay’adaha amniga ay muhiimad gaar ah leeyihiin, si loo helo ciidamo boolis, meleteri iyo sirdoon dalka oo dhan ah, qof walbana uu aamin karo. Waxa uu xusay in qaab dhismeedka amniga uu hoosta ka xariiqayo xiriirka dhinaca Amniga ee ka dhaxeeya Dowladda federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada.

Ergayga gaarka ah, ayaa wareysiga uu siiyey barnamaijka Tubta NABADDA, waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda federaalka ah uu yahay hoggaamiyaha qaranka Soomaaliya balse uu ku faraxsan yahay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyada lagu martiqaaday shirka London, taasina ay tahay arrin aad u muhiim ah.

Michael Keatinga, ayaa hoosta ka xariiqay in shirka magaalada London sidoo kale looga hadli doono qaabka loo wajahayo baahida ah dib u eegis lagu sameeyo dastuurka dalka, si si dhab ah loogu qeexo waxa uu noqonayo xiriirka ka dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha oo kaalmo gaarsiiyay qoysas ku nool deegaanno hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cabdullaahi Maxamuud, ahna xubin ka tirsan guddiga Qaran ee gurmadka Abaaraha iyo xubno kale ayaa maanta kormeer howleed waxa ay ku tegeen deegaanno ay ka midyihiin Jameeco Misri, Kulmis yareey, Maqdis iyo Xawaadleey oo 7km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi gaareen waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo mas’uuliyiinn kale, waxaana ay wafdiga u kuurgalayeen xaaladaha ay ku suganyihiin shacabka ku nool tuulooyinka ay socdaalka ku tegeen, iyagoo halkaasi gaarsiiyey deeq raashin ah oo Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ugu talagalay bulshada deegaannadasi ku nool.

Qoysaska ku nool deegaannada ay maanta kormeerka ku tegeen Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ahaa kuwa ay saameyeen abaarta ka jirta Gobollada Dalka iyo dagaal beeleedyo, waxaana shacabka deegaannadaasi ay ka mahadceliyeen kaalmada la soo gaarsiiyay.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada la soo gaarsiiyay qoysaska ku dhibaateysan tuulooyinka ay maanta wafdiga kormeerka ku tegeen, isagoo xusay in kan maamul ahaan ay ku guuleysteen xalinta beelaha ku dagaalamay deegaannada gobolka Shabeelaha Dhexe.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka ay tahay u kuurgelidda xaaladaha qoysaska ku nool deegaanada hoostaga Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Faarax Wehliye ayaa tilmaamay in door muuqda ay Wasaaraddu ka qaadan doonto sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa walaaha halkaasi ku dagaalamay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay joogteyn doonaan sidii gurmad loogu fidin lahaa qoysaska ay abaartu saameynta ku yeelatay.

Wariyaha Wakaaladda SONNA Cabduqaadir Maxamed Cadde oo qeyb ka ahaa wafdiga maanta socdaalka ku tegay tuulooyinka hoostaga gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo waramay in socdaalkooda uu ku soo idlaaday guul.

Faah-faahin Safarka Madaxweynaha ee Landon (SAWIRRO)

0

Muqdisho(SONNA):–Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho isagoo ku sii jeeda Dalka Britain, haakaas oo uu Madaxweynuhu ku shir gudoomin doono shir Caalami oo laaga hadlayo Arimaha Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha waxaa ku wehliyey R/wasaare ku-xigeenka Dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Madaxweynaasha Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in shirkaas ay Dowladdu la hortagi doonto Qorshoyaal ku saleysan Baahida Soomaaliya Xiligan ay qabto.

Ajandayaasha Shirka looga London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amaniga ,Kobcinta dhaqaalaha,Siyaasada ,Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-Sanao ee soo socota.

Shirka  ayaa dhici doona maalmaha Arbacada iyo Khamissta oo ku beegan 10-ka ilaa 11-ka bishan, waxaana haatan London ka socda shirar la xiriira qabanqaabada shirka.

War-Murtiyeedka Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada(Sawirro)

0

Muqdisho(SONNA):—-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo qabanqaabisay Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 6da illaa 8da May 2017ka.

Shirweynahan oo uu furay Wasiirka Koowaad, Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaa ka soo qeyb galay illaa 60 xubnood oo ka kala socda Xafiisyada Madaxtooyada iyo Wasiirka 1aad, Guddiga Baarlamaanka ee Isgaarsiinta, hay’adaha federaaliga ah sida Garyaqaanka Guud, Bankiga Dhexe, wasiirrada isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada ee Puntland, Koofur Galbeed, Jubaland, Galmudug & Hirshabeele, shirkadaha isgaarsiinta iyo adeegga internet-ka, iyo ururrada ay ku mideysan yihiin jaamacadaha.

Shirweynahan oo uu soo xiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ujeeddooyinkiisa waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriirka Wasaaradda iyo dhinacyada ay khuseyso, isla markaana looga wada shaqayn lahaa wadaagista xogta iyo qorshayaasha

TALOOYINKA SHIRWEYNAHA
Ergadii ka soo qeybgashay shirweynaha qaran ee wada-tashiga isgaarsiinta iyo teknolojiyada waxay soo jeediyeen talaabooyinka hoos ku xusan:

QODOBO GUUD

1. In Wasaaraddu joogteyso kulamada noocan oo kale ah oo lagu kala warqaadanayo, lagu waadagayo qorshayaasha, isla markaana lagu dhisayo kalsoonida dhinacyada, iyada oo Shirweynaha kan xiga lagu qaban doono dowlad-goboleedka Jubbaland.

2. In la xoojiyo xiriirka ay Wasaaraddu la leedahay wasaaradaha qaabilsan isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, iyadoo Wasaaraddu adeegyadeeda u sii marsiinayso wasaaradahan,

3. In qorshaha wasaaradda ee seddexda sano ee soo socota laga tixgeliyo qiimeynta baahiyaha dhinaca tiknolojiyadda iyo isgaarsiinta dowlad goboleedyadda.

4. In la xoojiyo wadashaqeynta wasaaradda iyo shirkaddaha isgaarsiinta, internetka iyo bahda waxbarashada, si loo horumariyo adeegyada ay bixiyaan.

5. In adeega astaanta qaranka ee internetka Dot.SO la gaarsiiyo dhamaan hay’adaha dowladda ee federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda iyada howshaasna ay gacanta ku hayso wasaaradda.

6. Wasiiradda isgaarsiinta ee dowlad goboleedyadda waxa ay soo jeediyeen in mashruuca taakuleynta isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda (ICT) lagu saleeyo baahida iyo mudnaanta deegaanadooda ka jirta si uu u yeesho saameyn waxgal ah.

ISGAARSIINTA & INTERNET

7. In baahi weyn loo qabo in la meel-mariyo xeerka isgaarsiinta ee qaranka oo aasaas u noqon doonta maareynta hirarka, shatiyada, iyo xiriirka ka dhexeeya dawladda iyo dhinacyada uu khuseeya xeerkan, fulintiisana loo dhaadhiciyo ilaa heer dowlad goboleed.

8. In Wasaaraddu ka shaqeyso sidii ay shirkaduhu u heli lahaayeen hal albaab oo ay u maraan dawladda, gaar ahaan dhinacyada rukhsadaha, canshuuraha, iwm.

9. Shirkaduhu waxay codsadeen in Dawladdu kala shaqeyso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon ganacsigooda, iyadoo laga caawinayo sidii loo yareyn lahaa caqabadaha haysta shirkadaha ee xiriirka la leh arrimaha amniga.

TEKNOLOJIYADA IYO WAXBARASHADA

10. In Wasaaraddu hormuud ka noqoto sidii teknolojiyada casriga ah loogu adeegsan lahaa adeegyada kala duwan ee dowladda sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, maaliyadda, iwm.

11. In la dhiirrigeliyo dhismaha machadyo farsamo oo dhinaca teknolojiyada, lana dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada ee la xiriira arrimaha teknolojiyada si loo kobciyo shaqo-abuurka.

12. In kor loo qaado aqoonta cilmiga tiknolojiyadda ee shaqaalaha dowladda iyada oo dib loo howl gelinayo Machadka qaran ee isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda.

13. In Wasaaraddu kala shaqeyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare sidii manhajka waxbarashada Soomaaliya loogu dari lahaa maaddo la xiriirta teknolojiyada oo ka soo billaabaneysa heer hoose.

14. In dawladdu ay caawiso ururrada cilmibaarista iyo dalladaha waxbarashadda xarumo u qaabeysan sida maktabadaha oo ay ardeydu ka heli karaan adeegyada la xiriira teknolojiyada iyo adeeg Internet jaban.

15. In jaamacadaha Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo inay ka faa’iideystaan adeegga astaanta qaranka ee internetka ee u gaarka ah waxbarashada (.edu.so).

Gabagabadii Shirweynuhu wuxuu si weyn ugu mahad celinayaa dhammaan ka-qeybgalayaasha, si gaar ah wuxuu shirweynuhu ugu mahadcelinayaa Madaxda iyo aqoonyahannada sida fir fircoon uga qeyb galay shirka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, wuxuu u mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo), Guddoomiya Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo taageero buuxda u muujiyay hawlaha ay waddo Wasaaradda.

Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha,
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada