R.W Kheyre oo la dar-daarmay Ergooyinka Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta.

Date:

Muqdisho, 15 June 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kaas ay ka soo qeyb galeen dad weyne isaga kala yimid gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.

‘’Dib u heshiisiinta waa inaaney halkan ku joogsan, ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka. Dawladda iyo hay’adaha kale ee waddanka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin.’’ayuu yiri Kheyre oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dawladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaam dib-u-heshiin baahsan oo gaarta guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa xaqiiqo ah in dadkeena ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri raaciyey Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay shirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay dadka ugu badan ee khilaafaadku ka dhexeeyo ay kamid yihiin siyaasiyiinta, wuxuna kula dar-daarmay in midnimada dadkeena la xoojiyo. Shirkan ayaa marka uu dhamaado waxaa laga soo saari doono qodobo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed. Gaar ahaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

—–DHAMMAAD—

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...