Ma kuu muuqdaan waddooyin loo isticmaalay bullaacado iyo qashin-qub?

Date:

Dadnimo wanaagsan waxaa la helaa ama ay imaan kartaa marka  qof , qoys ama umad ay garato in la dhowro deegaanka ,lagana hortago wax kasta oo dhibaato u keeni kara goobaha laga fuliyo adegyada bulshada sida waddooyinka,suuqyada iyo wixii kale oo la mid ah.

Nadaafada waa aasaaska nolosha ,waana iimaanka barkii,taasoo macnaheedu yahay in dadku  ay waxmaqlaan kuna xisaabtamaan in mar kasta oo qashin uu deris la yahay in uu u dhow yahay cudurku.

Wadooyin kamid ah kuwa  magaalada Muqdisho waxaa muddooyinkaan  ku soo badanaya qashinka faraha badan iyo biyaha wasaqda ah ee ka hara waxyaabaha daruuriyaadka ah ee lagu  isticmaalo xaafadaha ay ka kooban tahay degmooyika gobolka,kaas oo ay ku soo dhaqaajiyaan ama ay cadeysteen dad waxmagarad ah.

Waxaa jira waddooyin dhowr ah  oo ay la dageen qashin iyo kuwa la caadeystay in lagu daadiyo biyaha wasaqda ah,gaar ahaan wadooyinkii ugu dambeeyay ee lagu dayactiray boqolaal kun oo doolar oo ay inta badan soo uruuriyeen dadweynaha .

Wadada gasha madaxtooyad iyo tan kale ee isku xirta  Ceelgaab iyo Afisiyooni oo dhowaan ay ku baxday howlo dib u habeyn ah oo lacagteeda ay dhiibeen Imaaraadka Carabta,maamulka gobolka iyo degmooyika waaberi iyo Xamar jajab ayaa la daalaa dhacaya dhibaatooyin kaga yimid dadweynaha ku nool dhismaha dugsigii Allaahida iyo xaafadaha buuraha ah ee Xamar Jajab,kuwaas oo caado ka dhigtay in ay ku soo shubaan biyaha wasaqda ah, kuwa musqulaha iyo qashinka.

Labada gallin ee maalin kasta waxaa kuu muuqanaya biyo wasaq ah oo ku qulqulaya inta u dhaxeysa buundada koowaad iyo isgoyska Ceelgaab oo isugu taga isgoyska bacadlaha iyo agagaarka shaneemo Afrika, kuwaas oo sababa ur qurmuun iyo niicyo kamod ah dullinka dad ku noolka ah oo ka dhasha halkaasi.

Aaway howshii loo idmaday ciidamada ilaalada  deegaanka dowladda hoose ee Muqdisho,yaase  looga fadhiyaa in ay ku dhaqaaqaan wax ka qabashada arimahaasi oo ay ka dhalan karaan  cudurro ay kamid yihiin daacuun calool,Maleeriyada ama kaneecada iyo kuwo kale oo ka sii qatar badan.

Howsha ugu weyn ee uu xil ka saaran yahay maamulka dowladda hoose,gaar ahaan ciidamada ilaalada deegaanka waa xakameynta iyo qabashada dadka biyaha wasaqda ah iyo qashinkaba ku daadiya waddooyinka  magaalada iyo la socodka wax kasta oo keeni kara nadaafad darri ku soo kordha gobolka,waxaana qasab ah in ay jiraan goobo loogu talagalay in la dhigo qashinka iyo diyaarintii gawaari ka qaadda haraaga wasaqda.

Maamul wanaagsan ayaa xil iska saara sidii mudnaanta loo siin lahaa fayo qabka deegaaanka ,iyadoo mar kasta xoogga la saarayo haamankii iyo booyadihii loogu talagaly in lagu shubo qashinka yaalla inta badasn xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waa  in la sameeyo wacyigelin joogto oo dadka loogu sheegayo lacagaha ku baxay sameynta wadooyinka iyo sida fudud ee ay qashinka iyo biyaha ugu shubayaan waddooyinkaasi oo ku laaban kara burb urkii hore.

Olole nadaafadee waa qasab in la sameeyo isbuuc kasta ,isla markaana loo hogaansamo amarada dowlladda hoose,iyadoo cid kasta oo lagu helo in ay wadada ku shubeyso qashin iyo biyo wasaq ah ay waajib tahay in la duldhogo ganaax culus.

Ka hortaggu waxa uu ka wanaagsan yahay daaweynta,sidaa daadeed in waddo laami ah oo lagu dhisay lacago fara badan oo doolar ah in aad ku shubto biyo wasaq ah oo ay burburto waxaa ka wanaagsan in aad ka ilaaliso wax kasta oo dhaawacaya wadadaasi.

Maamulka gobolka ayaa laga sugayaa in uu dib u eegis ku sameeyo arimahaasi, isla markaana  ka hortago burburka soo gaaraya waddoooyinka lagu sameeyay dib u habeynta ,iyadoo ay lama huraan tahay in la ilaaliyo faafidda cudurada qatarta ah ee ka dhasha biyaha wasaqda ah ee lagu daadiyo wadada.

 

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...