Guddoonka Golaha Shacabka oo Bogaadiyey Hawlgallada Xasilinta Amniga Caasimadda

Date:

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyey hawlgallada ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku xasilanayaan amniga Caasimadda.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kormeer u kuurgelid ah ku tagay xarunta dembi baarista Ciidammada Booliiska ee CID ayadoo kormeerkana ay ku wehlinayeen Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Golaha Shacabka waxaana halkaasi ay warbixinno kaga dhageysteen Taliyaha Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed iyo ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Kulammada iyo kormeerka kadib hadal uu Warbaahinta siiyey Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad Cabdalla Cawad waxa uu ugu horeyn tacsi ugu diray shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii argigixiso ee lagu qaaday maqaayadaha Posh iyo Pizza House ee magaalada Muqdisho waxaana uu caadimaad u rajeeyey dadkii falkaasi ku dhaawacmay isaga oo inta dhimatayna Alle uga baryey in naxariistiisa jano uu siiyo.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxa uu bogaadiyey hawlgallada ay magaalada Muqdisho ka wadeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed kuwaasi oo lagu xasilinayo Caasimadda dalka waxaana uu ballan qaaday ka Gole Shacab ahaan iney garab taagan yihiin Ciidammada Qaranka si ay waajibaadkooda u gutaan,

Ugu dambeyntii Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay iney soo nooleyso nidaamka xaq siinta ciidammada ee u naafoobay difaaca Qaranka iyo daryeelidda carruurta agoonta taasi oo ku cad sharci no 8 ee soo baxay 30kii Maarso 1965.

Hoos Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Ku Simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta la dhaariyay

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa kulan la qaatay golaha xukuumadii hore ee maamulkaas.

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhambaal tacsi ah gaarsiiyey Amiirka Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Shir looga hadlayay Tayada iyo Horumarinta Biyaha sifeysan oo Xarunta Gobolka Banaadir lagu qabtay

Mas'uuliyiinta Sheybaarka Gobolka Banaadir Ayaa Kulanka Ku soo bandhigay...