Madaxweyne Farmaajo “Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii ay xalay kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ay ku qaadeen Pizza House.

Madaxweynaha oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa yiri “Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.”

“Waa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba 10kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay.”

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin!

“Waxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan. 20kii malamood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah. Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hay’ada ammaanka. Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa. Dabar go’a Al shabaab wuxuu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...