Shibis oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

Date:

Habeenka 19-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyin Shibis oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Garoowe oo ah caasimadda gobolka Nugaal.

Tartamayaasha labada degmo waxaa la weydiiyey afar su’aal degma walba, iyadoo kaddib lagu soo gudbiyey inta aanan qeybta labaad la gelin warbixinnadii ka hadlayey taariikhda labadaas degmo ay dalka ku leeyihiin.

Natiijada Garoowe

Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen laba shan waa ay qaldeen wax ka faaideysi ahna ma helin, Garoowe waxa ay heshay afar Dhibcood (4 dhibcood).

Natiijada Shibis

Degmada Shibis ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal iyaguna waxa ay si sax ah uga jawaabbeen saddex su’aal afar waa ay iska qaldeen halka su’aal ka faa’ideysi ahna ay ka jawaabbeen waxa ay uruursadeen Siddeed dhibcood ( 8 dhibcood) degmada Shibis ee gobolka Benaadir ayaa u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Habeen dambe waxaa tartan adag uu dhexmari doonaa degmooyinka C/casiis oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay.

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...