Home Blog Page 1670

Waxqabadka Dawladda ee usbuucii la soo dhaafay 10

0

June – 17 JuneMogadishu, 17 June 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar

Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la

soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin;

Ciidanka XDS oo dilay Maleeshiyaad miino aasayey

15kii June 2017 ayey Ciidamada XDS dileen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

oo miino waxyeello geysatay ku aasay waddada isku xirta degmooyinka Jowhar

iyo Balcad. Ciidamo watay sadex gadiid ah kana tagay degmada Balacad oo ku

sii jeeday Jowhar ayaa miino lagu aasay dhulka ku qaraxday. Qaraxa kadib ayey

ciidamadu bilaabeen howlgal ay ku baacsanayeen maleeshiyaadka aasay

Miinadaasi halkaas oo ay ku dileen maleeshiyaadkii miinada aasay.

 

Wadatashiga Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka oo lagu qabtay Garowe

Wasaarada Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo

waday barnaamijka wadatashiga hannaanka dib-u-eegista dastuurka ayaa

usbuucan kulamo wadatashi ah ku qabatay Garowe, caasimada Puntland.

Wasiirka Dastuurka ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland,

Guddooomiyaha Baarlamaanka, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha bulshada

Puntland. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka

Soomaaliya ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee

Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada

rayidka ee deegaanada Puntland.

 

Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo la diyaariyey

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed

(Khader) ayaa 14kii June 2017 xafiiskiisa kala wareegey Wasaarada Cadaalada

Hindise Sharciyeedka La dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in

la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka

dibna ay u ansixiyaan. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi

Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada

Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa

sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu

shaqeeyo, sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq

maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

 

Dowlada Federaalka oo Hirgelineysa Dib-Heshiisiin Qaran

Ra’iisul Wasaare ku -xigeenka XFS ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane

Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa 13kii June 2017 si rasmi ah u daah furey shirka

Wadatashiga Dib-u-heshiisinta Qaran, Xog-ururinta Khilaafaadka iyo Xalkooda

kaas oo socday 4 cisho, laguna qabtey Muqdisho. Waxaana ka soo qayb galey

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hushiisiinta

Soomaaliya, Qaar kamid ah madaxda dalka, Xubno ka socdey Maamul

Gaboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta

Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkan uu horudhac u

yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkan wadatashi ey ka soo

baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey

iney dhaqan galinayaan go’aanada laga gaaro shirka.

 

Dowlada Federaalka oo Mideyneysa Hannaanka Canshuuraha Dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa 12kii

daahfuray Shirweyne ay Wasaaradu ku casuuntay Wasaaradaha Maaliyada ee

Dowlad Goboleedyada kaas oo lagu mideynayey canshuuraha iyo dakhliga dalka

iyo sidoo kale xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga. Wasiirka Maaliyadda

ayaa wasiirada iyo xubnihii kale ee shirka ka qeybgalay u sheegay in mas’uuliyad

weyn ka saaran tahay sidii dalkan isku filaansho dhaqaale u gaari lahaa. Ka

qeybgaliyaasha shirka ayuu wasiirka ku adkeeyay in ay ka shaqeeyaan sidii

dalkeenu u noqon lahaa mid amaano leh isla markaana canshuur bixiyeyaasha

ay ku kalsoonaan karaan si taa loo helona ay tahay in la sameeyo isla xisaabtan

joogto ah. Ugu dambeyntii wasiirka, ayaa sheegay in ay lagama maarmaan ay

tahay in wada shaqeyn joogto ay dhex marto wasaaraddaha maaliyadda ee

dowlad goboleedyada iyo tan dowladda federaalka isla markaana arintaas xooga

la saaro.

 

Saldhiga tababarada Al-Shabaab ee Saakow oo la burburiyey

11kii June 2017 ayaa ciidamada XDS iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka

waxey ku guuleysteen inay bur-buriyaan saldhig weyn oo kooxda argagaxisada

ee Al-Shabaab ku lahaayeen meel u dhow Degmada Saakow ee gobolka

Jubbada Dhexe. Hawlgalkan ayaa waxaa fuliyey ciidadanka sida gaarka ah u

tababaran ee Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidamada kale ee caalamiga

  1. Guushan ayaa waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabulo

weerarro cusub.

 

Dowlada Federaalka oo hirgelisey Tababarka Fahamka Xaquuqda Carruurta

Tababar wacyi galin ah oo la xiriirta Fahamka Xuquuqda Carruurta, diyaarinta

warbixinta heshiiska Caalamiga ee Axdiga Carruurta ayaa loo qabtay qaar ka mid

ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Saraakiisha hay’adaha Dowladda iyo

Bulshada Rayidka 11kii June 2017. Siminaarka oo ay soo agaasintay

Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya

ayaa waxaa diiradda lagu saaray inta uu socday wacyigelinta fahamka xuquuqda

carruurta. Ujeedka tababarka ayaa ahaa in si fiican qeybaha bulshada looga

fahamsiiyo xaquuqda carruurta, isagoo intaa ku daray inay joogteyn doonaan

tabbabarada nuucaani oo kale ah.

 

Dowlada Federaalka oo qorsheyneysa soo nooleynta Dalxiiska

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar

Cismaan (Eng. Yarisow) oo 16kii June 2017 kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee

Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai

ayaa sheegay in Dowlada Federaalku ay wado qorshihii dib u soo nooleynta

Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka,

tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka

helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax

walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu

kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa

fursad ay Soomaaliya ay ku dooneyso inay door ku yeelato Hay’ada DalxiiskaCaalamiga.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska

media@moi.gov.so©2017 Ministry of Information, Culture & Tourism | Mogadishu, SomaliaWeb Version Forward Unsubscribe

 

Ra’iisul wasaare Kheyre oo Muqdisho kula kulmay wasiirka Horumarinta UK

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ee UK Ms Priti Patel

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerida UK ee Soomaaliya iyo sidii horumarka ay ku tallaabsaday dowladda Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay doorka UK ka qaadaneyso dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Arrimaha sida gaarka ah ee diiradda lagu saaray waxaa ka mid ah kulanka maalgashiga iyo soo kabashada dhaqaalaha dalka oo dhowaan la qaban doono.

UK ayaa dhowaan marti gelisay shir caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasoo bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada London.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo ku booqday Isbitaal Madiino dad qaba Dhaawacyo kala duwan.

0

Muqdisho, 17 June 2017….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee kooxaha argagixsadu ay ka geysteen Caasimadda iyo qaar kale oo dhaawacyo daran ay ku soo gaareen gobollada dalka, wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna gaar siiyey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii wax yeelada u geystay.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.

“Ka sakow dadka dhaawacayadu ka soo gaareen weerarkii Maqaayadda Pizza House ee halkan yaala, waxaa jira kuwa qaba dhaawacyo daran oo ku jira Isbitaalka oo uu kamid yahay wiil 10 jira ah oo xabad ku dhufteen kuwa arxan daran isagoo ciyaaraya banooni magaalada Beledweyne, dhacdooyinkaas xanuunka badan waxay muujinayaan khatarta uu leeyahay hubka nuuc yadiisa kala duwan ee ku baahsan dalkeena, waana qeyb kamid ah qorshaheena an ku ciribtirayno hubka ku jira gacmaha dadka aan mudnayn”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Kheyre.

Ugu danabayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan xalaalaystay dhiigooda, ayna gacamaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin intaa ka badan oo ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.

—–DHAMMAAD—

Midoowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay oo ka hadlay xaalada ka taagan xuduudaha Jabuuti iyo Eritarya.

0

Urur Goboleedka Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay ayaa ka hadlay xaalada kusoo korortay   xiisaddii dalalka Jabuuti iyo Eritarya, kaddib markii ay Ciidamada Eritarya qabsadeen dhulka la isku heysto  ee xuduuda labada dal.

Gudoomiyaha Midowga Afrika Mousa Faki ayaa shaaciyey in uu ka welwelsanyahay xaalad cusub ee kusoo korortay xuduudaha labadda dal ee Jabuuti iyo Eritarya Sidoo kale Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay ayaa soo cusboonasha khilaafka u dhaxeeyo Jabuuti iyo Eritarya ku sheegay in uu soo nooleeyey khilaafka u dhaxeeyo Wadamada Khaliijka.

Labada Dowlad ayaa waxaa horay ugu kala dhaxjiray ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socday dalka Qadar ayagoo isaga baxay halkaas kadib markii ay dowladda Eritarya Xiirka u jartay Dowladda Qadar halka ay Dowladda Jabuutina hoos u dhigtay xiriirkii Diblomaasi ee kala dhaxeeyey  dowladda Qadar.

Qaraar kasoo baxay Qaramadda midoobay ayaa waxaa horay labadda dal loogu amray in ay ciidamadooda kala baxaan dhulka la isku heysto ayadoo geysan ciidamadda nabad ilaalinta ah ee ka socday dalka Qadar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre”Haddii dalkeena uu xasilo Dadkeena waxa uu la tartami doonaa aduunyadda kale”

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xooga saareyso Xasilinta Dalka Soomaaliya.

Mudane Kheyre ayaa xusay in waxa uu ugu weyn ee wadanka ka maqan uu yahay amaanka waana sababta ay xukuumadda xooga u saartay sidii lagu soo celin lahaa amni buuxo oo la isku haleyn karo.

Ra’isul Wasaare kheyre ayaa Sheegay in aysan noloshu dhadhan lahayn amaan la’aan xitaa haddii aad lacag badan sameyso qiimo ma yeelaneyso haddii aadan heysan meel nabad ah oo si degan aad ugu isticmaasho.

Ra’iisul Wasaarahe Kheyre ayaa ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in ay si toos ah uga qeyb qaataan sidii lagu heli lahaa Soomaaliya ka wanaagsan Soomaaliyada Hadda , waxa uun si gooni ah dhalinyarrada Soomaaliyeed ugu booriyey in ay dhaxda u xirtaan si wadankaan loo hormarin lahaa.

Madaxweye Farmaajo “Shacabka hala shaqeeyeen ciidamada, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisadu”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta salaadda Jimcaha kula tukaday boqolaal shacab ah Masjidka Isbaheysiga Islaamka, isagoo shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan

Madaxweynaha markii salaadda Jimcaha la tukaday kaddib oo la hadlay dadkii masjidka ku sugnaa ayaa ka hadlay dhacdadii xanuunka badneyd ee dhawaan ay argagixisada Al-Shabaab ay ku laayeen dad rayid ah, waxaana uu Madaxweynaha uu xusay in taasi looga hortagi karo in si wada jir ah la isaga kaashado howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ciidamada ku shaqada leh xasilinta amniga caasimadda aysan kaligood waxba qaban karin, haddii aysan helin taageerada Shacabka, kana codsaday inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga.

“Sidaad ogtihiin doraad dad masaakiin ah oo meel ka qaxweynaya oo waqti Ramadaan ku jira, ayaa dad sheeganaya dad magac diin ku socday, waxa ay laayeen wax Allaale wixii carruur ah ee meesha joogay oo goob ku afurayay, kuwaasi oo isugu jiray carruur, gabdho iyo dad da’ah, maxay galabsadeen, dadkaasi waxaa lagu laayay magac Muslim., Diintee qabta in la laayo dad maato ah oo naf la xalaaleysto” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan rabnaa inaad dowladiina gacan siiyaan oo aad ka hortagtaan qofkasta oo ku soo dhexdhuumanaya ee doonaya inay bulshadooda dhibaateeyaan, waxaan rabnaa in qofka Soomaaliga uu aamino in uu dhulkan uu isagu leeyahay, oo aan difaacano dhulkeena, Badaheena iyo Cirka intuba” ayuu  Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay xoogga saareyso sidii shacabkeeda ay ugu adeegi lahayd si daacadnimo ah, balse shacabka looga baahanyahay inay door ka qaataan xaqiijinta amniga oo ay ciidamada la shaqeeyaan, maadaama ay habeen iyo maalin u taaganyihiin difaaca Qaranimadooda.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo khudbadiisa ay ka hadlaysay dhinacyo badan ayaa tilmaamay

“Ciidan shisheeye dalkiina ma xoreynayaan ee idinka ayaa la idinka rabaa inaad dalkiina cadowga ka xoreysaan, dadka na caawinaya ee aad arkeysaan Awooweyaashaad ayaad u soo shaqeeyay, marka anagu aan ka shaqeysanayo sidii dadka naga dambeeya aan magac wanaagsan ugu sameyn lahayn. ayuu Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa ku soo gabo gabeeyay.

Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdi uu hogaaminayo oo kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland.

0

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdigiisa ee ku sugan magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu horeeyn, Wasiir Xoosh ayaa Madaxweyne Gaas uga mahadceliyay soo dhaweeynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo.

“Waxa aan kaaga mahadcelinayaa soo dhaweeynta wanaagsan ee aad noo sameeyseen, waana mid nagu dhiiragelineysa inaan ku soo noqono magaaladan” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, AVV Xoosh iyo Madaxweynaha Puntland ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Dawlad Goboleedka Puntland.

“Waan ognahay doorkii wanaagsanaa ee ay Puntland ka soo qaadatay Geedi-socodkii ansixinta Dastuurka qabyada ah ee la ansixiyay 1 Aug 2012, hadana waxaan idinka rajeyneynaa kaalintii shalay mid ka sii fiican in aad ka qaadataan Ololaha dib u eegista Dastuurka taasoo ku suurtageli karta in aynu xoojino wadashaqeynta inaga dhaxeysa” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Xoosh.

Ugu dambeyn,Madaxweynaha Puntland ayaa wafdiga uga mahdaceliyay booqashadooda, sidoo kale wuxuu ku ammaanay Wasiir Xoosh iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda sida dardarta leh ee ay kuwadaan hawlaha Wasaaradda, waxa uuna ballanqaaday in Puntland ay qayb lixaad leh ka qaadan doonto hannaanka dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Wasiirka Warfaafinta oo Madrid kula kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ku sugan magaalada Madrid ee dalka Spain ayaa maanta kulan la qaatay Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (World Tourism Organization) oo fadhigoodu yahay Madrid.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu horreyntii warbixin kooban ka siiyey Xoghayaha Guud xaalada dalka iyo horumarka lagu tallaabsaday dhanka amniga, siyaasada iyo qorsheyaasha dowladda ee ku aadan sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa doorashooyin hal cod iyo hal qof ah 4ta sano ee soo socota. Sidoo kale Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dib u soo nooleynta dalxiiska oo muhiim u ah Soomaaliya loona baahanyahay in loo sii diyaargaroowo bacdamaa uu dalku horumar dhanwalba ah uu ku tallaabsanayo.

Mr Taleb D. Refai, Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) ee Qaramada Midoobey ayaa Wasiir Eng Yarisow uga mahadceliyey booqashadiisa, soona dhoweeyey dadaalka iyo qorshaha dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya. Mr Refai ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan goob istraatejiyad ah ku taal oo ku wanaagsan dalxiiska, haddana ay tahay waqtigii Soomaaliya laga saacidi lahaa dib u soo nooleynta dalxiiska. Mr Refai ayaa caddeeyey in Hay’ada Dalxiiska Adduunka ay diyaar u tahay in wax walba ay la qabtaan Soomaaliya, ha noqoto sidii caalamka loogu bandhigi lahaa qorsheyaasha iyo istraatejiyada Soomaaliya iyo sidii shirkadaha caalamiga ah loogu ololeyn lahaa inay Soomaaliya dalxiiskeeda maalgashi ku sameystaan.

La Taliyaha Arrimaha Dalxiiska ee Soomaaliya Yasir Baffo oo la socday Wasiir Eng. Yarisow ayaa Hay’ada Dalxiiska Adduunka (WTO) u bandhigay warbixin maqal iyo muuqaal ah ee dalxiiska, soona bandhigay goobaha dalxiiska ku habboon. WTO ayaa aad uga heshay warbixinta oo ay soo jeeditay, sheegtayna caalamka in loo bandhigo si ay u ogaadaan in Soomaaliya ay tahay meel ku habboon dalxiiska.

Ugu danbeyntii Wasiir Eng. Yarisow ayaa u mahadceliyey Mr Refai iyo Hay’ada WTO sida ay u soo dhoweeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay Soomaaliya ka saacidaan dib u soo nooleynta dalxiiska. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Soomaalida ay yihiin dad ku wanaagsan dhanka safarka iyo dalxiiska oo ay jiraan in ka badan 2 milyan oo Soomaali ah oo caalamka qurbojoog ku ah, isla markaasna ay Soomaaliya leedahay shirkado diyaaradeed, iyo in Turkish Airlines ay maalin walba aado Muqdisho, sidoo kale FlyDubai iyo Ethiopian Airlines ay Hargeisa aadaan. Isla markaasna ay jiraan shirkado diyaaradeed oo caalami ah oo doonaya inay duulimaadyo ka bilaabaan Soomaaliya.

DHAMAAD

Degmada C/casiis oo u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan cilmiyeedka

0

Habeenkii 21-aad tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee uu maamulka gobolka Benaadir taabagelinayo, waxaa ku tartamay degmooyinka Baydhaba oo ka tirsan gobolka Baay iyo C/casiis oo ka tirsan gobolka Benaadir.

Tartamayaasha labada degmo qeybta hore ee tartanka waxaa la weydiiyey afar su’aal degmada walba, iyadoo qeybta nasashada lagu abaalmariyey Daawadeyaal iyo Dhageysteyaal ka jawaabay su’aallo ay garan waayeen degmooyinkii tartamay habeen ka hor, sidoo kale isbarasho kooban oo labada degmo u dhaxeysa ayaa lagu soo gudbiyey qeybtaasi.

Natiijada Baydhaba

Degmada Baydhaba ee gobolka Baay, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal midna kama jawaabin, waxa ay si ka faa’ideysi ah uga jawaabbeen laba su’aal oo C/casiis soo hareer martay, sidaas ayeey ku heleen afar dhibcood ( 4 dhibcood).

Natiijada C/casiis

Degmada C/casiis ee gobolka Benaadir, waxaa la weydiiyey toddoba su’aal waxa ay ka jawaabbeen hal su’aal lix waa ay iska qaldeen, si ka faa’ideysi ah ayeey saddex su’aal oo Baydhaba soo hareer martay uga jawaabbeen waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood (8 dhibcood), degmada C/casiis ee gobolka Benaadir ayaana u gudubtay wareegga saddexaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

habeen dambe waxaa tartami doona degmooyin Shangaani iyo Warta-nabadda oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya oo Qorsheyneysa Soo Nooleynta Dalxiiska Dalka

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo La-Taliyaha Dalxiiska Yasir Baffo ayaa gaaray magaalada Madrid ee dalka Spain oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa kulamo la qaadan doona Xoghayaha Guud ee Hay’ada Dalxiiska Caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Spain. Ujeedada booqashada Wasiirka ayaa ah dardargelinta Qorshaha dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka Spain iyo Soomaaliya.

Wasiir Yarisow ayaa yiri “Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska waxey wadaa qorshihii dib u soo nooleynta Dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka, tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa fursad aan dooneyno in Soomaaliya ay door ku yeelato Hay’ada Dalxiiska Caalamiga bacdamaa dalkeenu uu leeyahay fursad qaali ah oo ku habboon dalxiiska.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa inta uu joogo Madrid, Spain waxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka socota dalka Spain si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo.
DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so