Home Blog Page 1666

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Doha Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey

0

Muqdisho, May 15, 2017—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xiriirka labada wadan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka suuban ee ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoona soo dhoweeyey sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

“Xiriirka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xoogan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xooganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Mudane Xasan Cali Kheyre Kheyre ayaa kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende uga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumarada ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalkeenna.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Madaxweyne Farmaajo “ololaha dalkaagaa wax u qabso anigaa bilaabaya ee aan u istaagno”

0

Faaduma Cabdi Cali oo ku hadeysa   magaca dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku bilowdey “ Salaam dhammaan madaxda Qaranka, dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ummadda Soomaaaliyeed, wey adag tahay in dhallinyarada magacooda lagu hadlo, laakiin waxaan ku soo koobayaa xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ee mustaqbalka ama  afarta sanno ee soo socota dowladda waxaan u soo jeedineynaa qorshaha maareynta dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sameyso,  kaas oo awood siinaya dhallinyarada, madaxda Qaranku waa in ay xasuustaan waajibaadka ka saaran xuquuqdeenna, waxaad hooggaamiyeyaal u tihiin dhallinyarada qaaradda Africa ugu geesisan, dadkeenna badankood waa dhallinyaro waana hantida Qarankeennu leeyahay maanta, kor  qaadidda xirfado shaqo in loo abuuro dhallinyarada waa muhiim Sidoo kale waa in laga fakaaraa mustaqbalkooda maanta iyo midka berri maxaa yeelay dhallinyarada waxa ay kow ka yihiin ciidammada Qaranka, sidaas darteed waa in laga faa’ideystaa arrintaas oo la soo dadajiyaa Qorshaha Maareynta dhallinyarada, si dowladnimada u baahdo, annagana waxaan ahaan doonaaa safiirro u adeegga ummaddooda” ayeey tiri Faaduma Cabdi Cali.

Guddoomiyaha gobollka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed   waxa uu hambalyo u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu xusay in la dayactiray Iskuulka 15-ka May, dhowaanna si rasmi ah ugu adeeggi doona dhallinyarada Soomaaaliyeed, waxaa uu raaligelin ka bixiyey Biyo lagu furay dad isugu yimid garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, sidoo kale waxa uu intaa raaciyey in uu xoogga saari doono sidii loo abuuri lahaa fursado ka turjumaya dhallinyarada sida midnimada, wax qabsashada iyo u adeeggidda dalkooda,  duqa Muqdisho ayaa sheegay in halgalkii gobonnimada ay door muuqda ka qaateen Gabdhaha Soomaaliyeed.

“Dhallinyaro Is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay  Dhallinyarooy  Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro,  Nadaafadda Xamar waa Nuurka Qalbigeena Mustaqbalka dalka iyo dadka waxa uu gacanta ugu jiraa dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan dhiiragelinayaa olalaha Nabad iyo Nolol ee ah hal ku dhigga maanta waxaan hubaa in dhallinyarada Soomaliyeed ay keeni doonaan isbadello dalka uu u ayo” ayuu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa Duqa Muqdisho.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa  u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqeeyey xuska munaasabadda 74-aad ee maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha uu Barlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, bisha June waxaan keeni doonnaa Qorshe cad oo siyaasadeed kaas oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya, waxaana ku biirin doonaa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba, Destuurkeenna waxaa ka maqan xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, arrintaasina waa in looga faa’ideystaa dib u eegis Destuurka sidoo kala waa  in lagu daraa cutubka Ciyaaraha Soomaaliyeed, ayeey tiri wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya.

Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mudane Eng Mahdi, ayaa ku bilaabay hadalkiisa ALLAHU AKBAR, waxa uu hambalyo u jeediyey guud ahaan dhallinyarada Soomaaaliyeed,  isagoo xusay taariikhdii ay dalka ku reebeen dhallinyaradii SYL, isla markaana dhallinyarada maanta looga baahan yahay  in ay furaan baal kale oo Dahab ah, si taariikhdeenna ay uga mid noqoto, lana joogo xilligii isbaddelka iyo guulaha dhallinyarada Soomaaliyeed, waana boggaadinayaa ayuu raaciyey ku simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa  dadkii munaasabadda yimid kaa codsadey in ay u duceeyaan dhallinyaradii SYL ee Halgalkii gobonnimada bilowdey, Taariikhdeenna kaama  go’i doonta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dhibaatada Qabyaaladda leedahay, waxa uu ummadda Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay ka fogaadaan Qabyaaladda. Waayo Qarankeenna ma dhito ee waa ay  dumisaa.

“Fadhiga ha laga kaco, dowladda diyaar ayeey u tahay in ay awood siiso dhallnyarada Soomaaliyeed,  dowladda iyo shacabka ma doonayo in  dhexdeena la gelo, si midnimadeena muuqata aan u xoojinn idinkana sii wada taageerada dowladdiina aad u heysaan, caasimadda Soomaaliya  afarta sanno gudaheed waxaa naga go’an inaa ka soo saarno magaalada Africa uu quruxda badan uguna nadaafadda badan, sidoo kalena aan ka shaqeynno hirgelinta adeegyadiii bulshada, shacabka Soomaaliyeed xoogga haa saaraan sidii aan uga guuleysan lahayn kooxahaan nabadda diiddaan, dhowaanna dalka oo dhan ayaaan ka saareynaa” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha Soomaaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurtaa, laakiin waxa uu xusay in magaca canshuur la badeli doono haddii uu Barlamaanka ogollaado oo aan u bixinno Qaaraan Qaran.

“Saddexda bilood ee aan joogno waxaan qabannay, inaan  bixinay mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha Rayidka ee dowladda, waxaan bilowney inaan soo celinay Karaamadii ummaddeenna oo dalalka adduunka dhan ay noo muujiyeen in ay diyaar u yihiin u istaagidda wax wada qabsi buuxa, shacabka Soomaaliyeed dowladdaan waa middii shacabka, ugu dambeyn waxaan soo jeedinayaa magaalada markaa aragtaan meel walbaa wasakh ayaa taalla, waxaan bilaaabeynaaa ololaha dalkaaga wax u qabso, bishii laba saac kaliyah arrintaan aan ka shaqeynno anigaana bilaaabaya INSHA ALLAH, waxaan kaloo soo jeedinaayaa in maalinta 15-ka May loo asteeyo Maalin Qaran oo fasax ah” ayuu ku dhammeeyey madaxweynaha hadalkiisa.

Aqalka dowladda Hoose ee Xamar oo lagu xusayo 15-ka May iyo Madaxda Qaranka

0

Munaasabad ballaaran oo lagu weyneynayo maalinta dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed iyo xuska ururkii gobonnimo doonkii Soomaliyeed ee SYL, taas oo ay ka qeyb-galaan  madaxweynaha Jaamhuuriyadda iyo madax kale, ayaa ka socota xarunta aqalka dowladda ee Hoose ee Xamar.

Munaasadda xuska 74-guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ururkii dhallinyarada ee SYL sannadkii 1943, oo ahaa dhallinyaradii Soomaaliyeed ee bilowdey halgalkii gobonnimo doonka Soomaaliyeed oo markii dambe dalka looga xoreeyey heeryadii gumeysteyaashii dalka ku sugnaa, ayaa la weyneynayaa, waxaana joogta masuuliyiin uu ugu  sareeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaaliya, Mudane  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya iyo madax kale.

Munaasabadda waxaa joogta fannaaniinta Hobolada Danan ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraa Soomaaliya oo soo bandhigaya heeso ka hadlaya muhiimadda xuska 15-ka May oo ah maalin Qaran, iyadoo ay sidoo kale joogaaan dhallinyaro Soomaaaliyeed oo meelo kala duwan ka timaaadey.

SAWIRRADA MADAXDA QARANKA AQALKA DOWLADDA HOOSE XUSKA 15-KA MAY

0

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DAAWO SAWIRRADA XUSKA 15-KA MAY EE AQALKA DOWLADDA HOOSE KA SOCOATA

0

Munaasabaddaan ayaa ka socota aqalka dowladda Hoose ee Xamar, waxaana lagu weyneynayaa maalinta xusk 15-ka May iyo aas-aaaskii ururkii gobonnimo doorka Soomaaliyeed ee SYL.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a comment

Aqalka dowladda Hoose ee Xamar oo lagu xusayo 15-ka May

0

Aqalka dowladda Hooe ee Xamar waxaa ka bilaabatay munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 74-guuradii xuska  Maalinta dhallanyarada Qaranka iyo aas-aaskii ururkii gobonnimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Munaasabaddaan waxaa jooga dhallinyaro Soomaaaliyeed oo meelo kala duwan kaa timid, iyadoo lagu wado in ay goor dhow yimaadaan madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo madaxweynaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaaahi Farmaaajo.

Fannaaniin Soomaaaliyeed ayaa ku soo bandhigeysa munaasbadda heeso ka hadlaya ahmiyadda dalka u leeyihiin Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo gobonnimadii dalka xorriyadda uu ku gaaray doorkii ay ku laahaayeen.

Taariikhda ururkii dhallinyarada SYL, ayaa lagu soo bandhigayaa, waxaana joogta dhallinyaro Soomaaliyeed oo sheegay in ay diyaar u yihiin ku shaqeynta mirhii ay dhigeen dhallinyaradii SYL ee dalka Soomaaliya u horseedey gobonnimadii aan gaarnay 1960-kii.

Ha noolaato Soomaaliya Hal ku dhiggii shalay

Nabad iyo Nolol. Hal ku dhigga maanta

 

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo Shacabka uga digtay Virus cusub

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digeysa khatarta virus-ka ku sii fidaya adduunka. Waxaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu saameynta badnaa, iyadoo uu gaaray illaa 150 dal. Meelaha ugu dhow ee laga soo sheegay waa dalka Kenya oo daris nala ah.

Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si laguugu furo.

Waxaa aad suurtogal ah in Soomaali badan ay ku dhacaan dabinkan. Haddaba ka digtoonow viruskan

 

Madaxweynaha oo Ubax dhigay taallada #SYL

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ubax dhigay taallada #SYL oo u taagay dhallinyaradii gobannimo doonka ahaa ee dalkeenna xornimada u horseeday, tallaabo qeyb ka ah dabbaaldegyaa xuska 74 guuradii ka soo wareegtay aas aaskii SYL.

Madaxweynaha ayaa salaan ka qaatay ciidammo kala duwan oo goobta ku sugnaa.

Maanta waxaa dalka oo dhan laga xusay  maalinta 15ka may oo loo aqoonsady maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hay’adaha Amniga oo Gacanta ku dhigay dadkii watay Gaariga Qarxay

0

Muqdisho 15 May 2017 – Hay’adaha Amniga ayaa gacanta ku dhigay dadkii watay gaari ku qarxay Muqdisho maanta, iyadoo ay socoto baaris ku aadan dadkaas la qabtay.

Gaari walxa qarxa saaray ayaa hay’adaha amniga oo beryahan ku raadjoogey ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho iyagoo isu diyaarinayey inay shacabka waxyeelo u geystaan.

Hay’adaha amniga ayaa hubisey in gaariga laga shakiyey laga fogeeyo shacabka si uusan waxyeelo u geysan. Hay’adaha Miino-Baarista oo u soo socda goobta ayaa gaarigu qarxay. Mana jiro cid ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa yiri “Madaxda Qaranka iyo Dowladda Federaalku waxey ammaaneen doorka hay’adaha amniga ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed oo aan wax qasaare ah geysan. Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dadkii watay gaarigaas oo u socday inay shacabka dhibaateeyaan. Hay’adaha amniga ayaa gaarigaas ku raadjoogey ka dib markii shacabku ay soo gudbiyeen macluumaad muhiim u ahaa hay’adaha amniga. Macluumaadkaas ay shacabka soo gudbiyeen ayaa suurtogeliyey in dadkaas la qabto, isla markaasna la bad-baadiyey shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga si aan u wada sugano amniga iyo nabada aan u wada baahanahay.

Qarax aan khasaare geysan oo ka dhacay Muqdisho

0

Qarax gaari oo aan khasaare geysan ayaa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxu waxa uu ka dhacay meel ku dhow guriga hooyooyinka ee gobolka Banaadir.

Intii aanu gaarigani qarxin waxaa ka war helay ciidammada ammaanka oo ku raad joogay kuwaas oo dadka uga digay  in ay u dhowaadaan.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yarisow oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in qaraxan aan cidina dhaawac iyo dhimasho ka soo gaarin.

“Gaarigan waxaa ka war helay hay’adaha ammaanka oo ku raad joogay, intii ay jidka ku soo jireen  qolyaha miinooyinka qaabilsan si ay u furfuraan, ayuu qarxay mana jirto cid dhaawac ama dhimasho ka soo gaartay” ayuu yiri Waziir Yariisow

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidammada ammaanku  ay aad u adkeeyeen ammaanka goobta uu ka dhacay qaraxan fashilmay.

Guud ahaan ammaanka caasimadda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo loo dabaaldegayo maalinta 15-ka May oo ah ah 74 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhallinyaradii xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL