Safaaradda Jabuuti oo gabdhaha agoonta Boondheere u qeybisay dhar ay ku ciidaan

Date:

Safaaradda Jaabuuti ayaa maanta dhar ay ku ciidaan u qeybisay gabdhaha agoonta ah ee ku jira xarunta agoonta gabdhaha Boondheere ee Muqdisho

Qunsulka safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee  Muqdisho ayaa xarunta xannaanada agoonta Gabdhaha Boondheere  gaarsiiyay dhar ay ku ciidaan gabdhahaasi, si ay farxadda ula qeybsadaan caruurta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Boodheere ee gobolka Banaadir Seynab Yuusuf Wehliye ayaa sheegtay in dowladda Jabuuti walaalnimada ka sokow ay tahay maciin garab u ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo mahad ballaaran u jeedisay shacabka iyo madaxda dowladda Jabuuti.

Qunsulka  safaardda Jabuuti ee Soomaliya ahna ku simaha xilka safiirka mudane  Sahal Cabdi Yuusuf oo deeqda dharka ah u qeybiyay gabdhaha agoonta ah ayaa tilmaamay in dharkan ay safaaraddu ugu talagashay in ay ku ciidaan boqollaalka gabdhaha ah ee ku jira xaruntaasi.

Waa sanadkii labaad oo safaaradda Jabuuti ay gabdhahaasi agoonta ah u qeybineyso dhar ay ku ciidaan, iyadoo dowladda Jabuuti dib u dhis ballaaran ku sameysay xaruntaasi.

Gabdhaha agoonta ah ayaa xaruntaasi ka hela waxbarasho,  xannaano iyo daryeel dheeraad ah, maamulaha xaruntaasi marwo Nuurto Maxamed Caddoow oo iyadu aas aastay xaruntaasi soona gaarsiisay heerka ay maanta joogto

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...