Home Blog Page 1667

Qaban qaabada xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May oo ka socota Muqdisho

0

Qabanqaabada Munaasabaddo lagu xusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15ka-May oo sidoo kale ku beegan sanad guurradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas aaskii Ururkii SYL ayaa ka soconaya meelo badan oo dalka ka mid ah,  ayadoo munaasabadahaasina ay kuwa ugu badan  ka dhici doonaan Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Maalmahanba ku howlanayd diyaarinta Munaasabadda 15-ka May,waxaana Waddooyinka  Magaalada Muqdusho iyo Taalada S.Y.L   lagu arkayaa Boorar waa weyn oo ka turjumayo xuska Maalinta 15-ka May oo  sanadkan si weyn loogu diyaar garooway.

Sidoo kale Ururada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka jira Dalka ayaa wada qaban qaabo xooggan oo lagu weyneynayo Xuska maalinta 15-ka May oo ku beegan Maanta.

Madaxda  Sar sare ee Dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb-qaataan dabaadegga maalintan, Islamarkaana Hadalo ka jeediyaan  Munaasabadda Xuska 15-ka May .

Sanad kasta Maanta  oo kale  ayaa loo dabaaldagaa xuska  15-May  oo ah maalin dhalinayarada.

Wasiirka Warfaafinta oo tababar Hagaha Saxaafadda ah u furay suxufiyiinta Soomaaliyeed

0

Wasiiir Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Eng. Yarisow” iyo Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aaadanaha Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Warfaafinta ka furay siminaar lagu horumarinayo saxaafadda Soomaaliya.

Tababarkan ay Wasaaradda Warfaafintu soo qabanqaabisay, oo soconaya muddo laba cisho ah, waxaa ka qaybgalaya suxufiyiin kala duwan oo matalaya Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka, Warbaahinta dowlad-goboleedyada iyo tan sida gaarka loo leeyahay.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in tababarkan uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah, oo ay ka qaybgalaan wakiillo ka socda dhamaan suxufiyiinta dalka Soomaaliya.

Mowduucyada lagu baranayo tababarkan, waa kuwo muhiim u ah sare u qaadidda heerka aqoonta suxufiyiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan Hagaha Saxaafadda (Editorial Guidelines) oo ah mowduuc wax ku ool ah oo keenaya in saxaafaddu qaadato door mas’uuliyadeed oo bulshada loogu adeegayo.

Waxaan u mahadcelinayaa tababarayaasha Cabdiraxmaan Koronto oo ah la Taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta iyo Xuseen Jaabiri, oo labaduba khibrad u leh tababarka suxufiyiinta.” ayuu yiri Eng Yarisow.

“Waxaan ugu baaqayaa suxufiyiinta ka qaybgalaysa tababarkan in ay ka faa’iidaystaan, isla markaana ay u sii gudbiyaan suxufiyiinta kale ee aan nasiibka u yeelan” ayuu raaciyay Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha, Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf, ayaa xustay sida ay lagama maarmaanka u tahay in warbaahintu ay diiradda saarto xuquuqda aadanaha siiba caruurta.

“Warbaahinta dalku, waa in ay ilaalisaa xuquuqda caruurta, oo aysan baahin xog la xiriirta caruurta ama codkooda hadii aysan ogolaansho ka helin waalidka ama cidda mas’uulka ka ah ilmaha aan qaangaarka ahayn.”Ayay tiri Wasiir Deeqo Yaasiin.

Munaasabadda furitaanka tababarka, waxaa kaloo ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaalla) iyo Agaasimaha Tababarada & Shaqaalaha oo dhammaantood tilmaamay ahmiyadda tababarka iyo faa’iidada uu u leeyahay warbaahinta.

Saxafiyiinta, ayaa sheegay in ay ka fa’iidaysan doonaan fursadda la siiyay, isla markaana ay u gudbin doonaan saxafiyiinta kale ee walaalahood ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan, ayaa ugu dambayntii sheegay in tababarada noocan ah la sii wadi doono, loona qaban doono dhamaan saxafiyiinta, maadaama Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalku matasho dhamaan qeybaha kala duwan ee Warbaahinta dalka, aysanna waxba u reeban doonin sidii sare loogu qaadi lahaa aqoontooda.

WASIIR YARIISOW “SHAQAALAHA DOWLADDA OO BERRI LA FASAXAY”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amray in maalinta berrito ah la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliyeed, si loogu weyneeyo maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta & Hanuuninta Dadweynaha, Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo ku hadlayey afka dowladda ayaa yiri “kaddib kulan ay wada qaateen caawa, madaxweynaha, ku simaha Ra’iisul wasaaraha, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha  iyo wasiirka Warfaafinta lagu go’aamiyey oo uu madaxweynaha fasax siiyey shaqaalaha dowladda, si loo weyneeyo maalinta xuska 15-ka May oo ah maalin Qaran, u jeedadana waa in la dhiirageliyaa dhalllinyarada Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxaan ku wargelineynaa shaqaalaha dowladda oo dhan in ay fasax ka yihiin dhammaan hey’adaha dowladda”.

Wasiirka Warfaafinta, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si weyn loo xuso 13-kii SYL ee gobonnimada Qaranka Soomaaliyeed u soo  dagaallamay, dowladda mar walba ahmiyad gaar ah ayeey siineysaa dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu intaa raaciyey oo uu  ugu hambalyeeyey guud ahaan dhallinyarada maalinta 15-ka May.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Furay Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka

0

Shirka Madasha Wasiirada Arrimaha Dastuurka ee dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo socon doona 3 maalin ayaa maanta ka furmay Muqdisho, shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ay horkaceyso.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si rasmi ah u furay shirka waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka, iyo Wasiirada Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Avv Cabdi Xoosh oo shirka ku soo dhaweeyay martida ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in Dastuurka lagu dhameeystiro waqti go’an iyada oo la sameeynayo wadatashiyo ballaaran.

“Maanta waxaa sharaf weyn inoo ah in Wasaaradda ay soo diyaariso shirkan, inaga waxaa inaga go’an in Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka uu noqdo mid Waqtiyaaysan oo 2 sano ku soo dhamaada islamarkaana noqdo mid daahfuran oo wadatashiyo badan laga sameeyay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furay shirka ayaa ku amaanay Wasiiirka iyo shaqaalaha Wasaaradda sida ay u dardargelinayaan hawlaha Wasaaradda.

|Waxaan aan bogaadinayaa Wasiir Cabdi Xoosh, Wasiir Ku-Xigeenka, iyo dhamaan shaqaalaha Wasaaradda oo laba-kacleyn ku sameeynaya hawlaha Wasaaradda oo Qarankeenna muhiim u ah, sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed waxa aan ugu baaqayaa in ay maal-geliyaan Geedi-socodkan si Dastuurka uu u noqdo mid aan anagu leenahay; shirka waa inoo furanyahay waxaana rajeynayaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan go’aamo mira-dhala” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Ugu dambeyn, shirkan 3da maalin socon doona ayaa wuxuu muhiim u yahay sidii wadatashiyada ay Wasaaraddu sameeyneyso loo gaarsiin lahaa Maamul Goboleedyada dalka, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed xoojiya wadashaqeeynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Wasaaradaha Maamul Goboleedyada.

Guddoomiye Jawaari oo daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista Dastuurka Dalka

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa daah furay shir looga hadlayo hanaanka dib u eegista dastuurka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayna ka qeyb galeen Wasiirada Dastuurka ee Maamul goboleedyada dalka ayaa socon doono muddo saddex cisho ah, kaasi oo looga hadli doono hanaanka dib u eegista qabyo qoraalka dastuurka ee dalka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya,  Wasiirka Dastuurka, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo kulanka lagu casuumay.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv.Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay in muddo labo sano ah lagu soo gabo gabeyn doono hanaqaadka dib u eegista dastuurka dalka, ayna la wadaagi doonaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka qaadan doonto doorka uga aadan hanaanka dib loogu eegayo dastuurka dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo daah furay shirkan loo qabtay Wasiirada Dastuurka ee dowlad goboleedyada ayaa sheegay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay bulshada, maadaama looga hadlayo geedi socodka dib u eegista dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan waday kulamo wadatashiyo ah oo lala qaadanayo qeybaha bulshada, si looga talo geliyo hanaanka loo marayo dib u eegista qabyo qoraalka Dastuurka.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo dalka Qatar uga qeyb galay shirweynaha Caalamiga ah ee looga hadlayo iskaashiga dhinacyada xasilinta dhaqaalaha iyo siyaasadda ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud dalka, gaar ahaan daruufaha jira, horumarka dalka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in caalamka uu u soo jeesto sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Qaxootiga.

“Adduunka intiisa badan waxaa heysto daruufo badan, balse Soomaaliya si gaar ah waxaan ka codsaneynaa adduunka inaysan indhahooda ka qaadin Soomaaliya, taasi oo daruufo badan soo daashaday oo ay hadda tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo, inaga kan dowlad ahaan waxaa naga go’an inaan sameyno isbadal dhab ah, oo aan wadanka uga saarno daruufaha heysato” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa ku daray “Inagu waxaan diyaar u nahay wada shaqeyntiina, waxaana u baahanahay taageeridiina, si loogu guuleysto isbadal mira dhal ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo inta badan khudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka ayaa sheegay in caalamka looga fadhiyo inay ilgaar ah ku fiiriyaan daruufaha heysato qaxootiga Soomaaliyeed oo ah kuwa badan caalamka

“Qaxootiga Soomaalida waxaa heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, waxaana lagama maar maan ah in caalamku ay ilgaar ah ku eegaan, dowladda cusub ee hadda jirta waxaa ka go’an inay soo dhaweyso qaxootiga Soomaaliyeed e dib ugu soo laabanyaa dalkooda Hooyo iyo ka daryeelka dadka kus oo barakacay gudaha dalka ee ay saameeyeen abaaraha, si aan taasi uga mira dhalino waxaan caalamka uga baahanay inay gacan nagu siiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Dalka waxa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi dhex mara labada dowladood.

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka Turkiga ee Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali kan Aksooy, iyaga oo ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka fulisay dalka iyo kuwa iminka ay qorsheynayaan inay fuliyaan, iyadoo kulankaasi uu goob joog ka ahaa siihaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaalla.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku soo qaaday sida labada dal ay isaga kaashan karaan horumarka kaabayaasha dhaqaalaha, waxka qabashada abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo tayeynta Waaxda Warbaahinta Qaranka.

Safiir ku-xigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali kan Aksooy oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu ku yimid Wasaaradda Warfaafinta iyo la kulanka Mas’uuliyiinta Wasaaradda, isagoo intaa ku daray in dhamaadka bisha June ay tabbabar u soo xiri doonaan dufcaddii ugu horeysay oo hal bataliyan ah oo ay Soomaaliya u tababareen.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweyne ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiaxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Turkiga doorka  doorkooda ku aadan horumarinta Soomaaliya, isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii loo balan qaaday.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyagoo oo gacan ka geystay ka qeyb qaadashada gurmad abaaraha iyo horumarinta dhinacyo ay ka midyihiin kaabayaasha dhaqaalaah iyo dib u dhiska dalka.

Ciidanka Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay Burcad dhac kasoo geystay deegaano katirsan Puntland

0

Ciidanka Booliiska ee Galmudug ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo ayaa saaka ku guuleeystay kadib howlgalo ay ka
sameeyeen deegaanada gobalka Mudug  in ay gacanta kusoo dhigaan gaari Landcruser ah oo ay laheyd wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi gaarigaas  oo laga soo dhacay sadax maaalmood ka hor deegaano ka tirsan kuwa dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland isla markaana loola soo baxsaday dhanka deegaanada Galmudug

Taliyaha qeybta Booliiska gobalka Mudug ee Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaana warbaahinta qaranka u sharaxay howlgalka ay ciidamadu kusoo qabteen gaarigaan iyo ciddii  soo dhacday oo uu xusay in ay ku xiran yihiin saldhiga ciidanka Booliiska dagmada Gaalkacyo ee Galmudug

“Gaarigaan waxaa si sharci dara ah uga soo dhacay wasiirada darawalkii gaariga u waday waxaana uu damcay in uu gato isagoo ula soo baxsaday dhanka Galmudug laakiin nasiib wanaag waxay noqatay wasiirada gaarigeedii oo nabad qaba in aan furihiisii gacanta ka saarno meeshay doontana ay u wadan karto tuugiina xabsiguu ku jiraa” ayuu yiri

Wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka dowlad gobaleedka Puntland Farxiyo yuusuf xirsi ayaa iyana dhankeeda uga mahad celisay ciidanka booliiska Galmudug sida ay markasta ugu heelan yihiinn ka hortagista falalka noocaan oo kala ah iyo in lagu wareejiyo gaarigeedii oo badqaba waxaana dhanka kale wasiiradu ay soo dhaweeysay wada shaqeynta ciidamada Booliiska gobalka Mudug ee Galmudug, iyadoona ugu baaqday in ay sii xoojiyaan howsha lagaga hortagayo cid kasta oo isku dayda in falal amaanka wax u dhimi karta ay ka sameyso deegaanada gobalka Mudug

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo sheegay in adeegga Garsoorka la gaarsiin doono guud ahaan dalka

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Avv. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii garsoorka loogu baahin lahaa guud ahaan dalka, ayna xoojin doonaan sidii loo tayen lahaa adeega garsoorka ee dalka, si bulshada ay u hesho cadaalad.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay kulan looga hadlayay horumarinta adeega garsoorka ayaa tilmaamay inay xoogga saarayaan sidii Garsoorka loogu baahin lahaa guud ahaan dalka.

“Garsoorka iyo Cadaaladda waxaa ka shaqeeyaa hay’ado, qaar waa kaabayaal, qaarna waxa ay u yihiin laf dhabar, Cadaaladdu wey balaarantahay, cadaaladdu waxa ay taabaneysa waxkasta oo nolosha muhiim u ah, sida maamulka, waxbarashada, hadaba sida Garsoorka looga rabo in uu howshiisa cadaalad ka shaqeeyo, si taas la mid ah qofkasta looga baahanyahay inay Cadaaladda ka shaqeeyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Avv. Ibraahim Suleymaan Daahir ayaa hadalkiisa ku daray “Hay’adaha kaabo Garsoorka waxaa ka mid ah, Xeer Ilaalinta, Xafiiska Garyaqaanka Guud iyo Ururka Qareenada, marka waxaa noo qorsheysan inaan xoojino horumarinta adeegga Garsoorka iyo Cadaaladda, si bulshada u helaan adeeg Garsoor oo Cadaalad ku dhisan”

Warbixin: Taariikhda Halgankii SYL (Sawirro) Qeybtii 1-aad

0

Taariikhda xisbigii SYL lama soo koobi karo, aniguse waxaan si kooban uga hadlayaa unuggii xisbiga, anigoo ka mid ah dhallinyaradii nasiibka u yeelatay, eebbena waafajiyey inay asaasaan xisbigaas. Waxaan uga dan leeyahay qoraalkan in aan dadweynaha Soomaaliyeed xusuusiyo halgankii qawmiyadeed iyo taariikhdii sharafta laheyd ee la soo maray si looga faa’iideysto.

Asaaskii xisbigii Legada (SYL) oo Soomaaliya u horseeday gobanimada iyo madaxbanaanida. SYL waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Markaan soo xusuuusto xilligii uu hanaqaaday xisbigii SYL marna waa farxaa, marna waa naxaa. Waa farxaa oo waxaan soo xusuustaa wanaaggii, wadaninimadii, midnimadii, isqadarintii iyo kalsoonidii Soomaalidu isu qabtay waagaas, kuna guuleeysatay. Marna waa naxaa, oo waxaan arkaa xaaladda manta Soomaali ku sugan tahay oo ah: dawlad la’aan, daryeel la’aan, dagaal joogto ah, dulli qaxootinimo iyo dugaagnimo.

Waqtigii la unkay xisbiga wuxuu ahaa waqti lagu jiro dagaalkii labaad ee adduunweeynaha, carriga Soomaaliyana waxaa waagaas ka taliynayey dawladda Ingiriiska oo jabisey Fashiistadii Talyaaniga. Xukunkii Faashiga ahaa ee talyaanigu wuxuu Soomaalida ku hayey cunaqabatayn iyo cabburin xad-dhaaf ah oo leh dhinca kasta, ha ahaato xag dhaqaale, xag bulsho iyo xag siyaasadeedba. xukunkaas markuu dhacayna waxuu shacabka Soomaaliyeed dareemay nafis, waxaana soo gashay yidadiilo iyo waa cusub.

Waxaa waagaas dalalka Aasiya iyo Afrika ka jirtay neecoow gobanimadoon ah oo fanfiniinkeedu soo gaaray Soomaaliya,Waxaa waagaasi Magaalada Xamar ku noolaa niman Talyaani ah oo ka tirsan Xisbiga Hantiwadaagga Talyaaniga. Nimankaas oo isqarin jirey ayaa dibedda u soo baxay ka dib markii Fashiistadii dhacday oo bilaabay inay cambareeyaan taliskii faashiga ahaa. Waxay kaloo sameeysteen naadi ay ku kulmaan.

Yaasiin Cismaan oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka SYL ayaa waxa uu bilaabay inuu fikradda gobanima-doonka la qeybsado bulshada, wuxuu si gaar ah u abbaaray dadkuu islahaa waa maskax furan yihiin, waxaana dadkaasi ka mid ahaa: Karaaniyaasha dawladda, ganacsatada, culumaa’uddiinka iwm.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu Yaasiin shir ugu qabtay gurigiisa, waxaan ahaayeen 7 ama 8 dhalinyaro ah, wuxuuna soo jeediyay talada ah in la bilaabo dhaqdhaqaaqa xornimada-doonka Soomaaliyeed,Markaasi ayuu bilowday dhaqdhaqaaqa, Nin waliba wuxuu la xiriiray qofkuu yiqiin, unna ku kalsoonaa, muddo bilo ah gudahood ayay is uruursadeen 13 dhallinyaro ah oo diyaar u ah inay dhisaan xisbiga, islmarkaana u babacdhigaan halganka gobanimadoonka.

Dhismihii Xisbiga, 13 dhalinyaro ah oo nasiib u yeeshay inay noqdaan asaasayaashii Xisbiga SYL, ayay magacyadoodu kala yihiin:-

1. Yaasiin Xaaji Cismaan
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin 9. Khaliif Huudow Macallin
3. Maxamad Cismaan Baarbe. 10.Cismaan Geedi Raage
4. Maxamad Faarax Hilowle 11. Dheere Xaaji Dheere
5. Sayidiin Xirsi Nuur 12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
6. Maxamad Cali Nuur 13.Cali Xasan Maxamad “Verdura
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen

Shirkii gu horreeyay waxay ku yeesheen qol, ay ka kireeysteen waddada “via Roma” ee Muqdisho. Shirar iyo tabaabusho ka bacdi, waxaa la soo gaaray xilligii si rasmi ah loo furi lahaa, loona diiwaangelin lahaa Xisbiga. Habeenkii taariikhdu ahayd 15ka Maajo 1943, ayaa Yaasiin Xaaji Cismaan soo hordhigay barnaamijkii Xibiga oo ka kooban 13 qodob.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa:-

· In loo halgamo, lana xaqiijiyo gobanimada iyo madaxbanaanida ummadda
Soomaaliyeed.
· In shanta Soomaaliyeed la mideeyo, hal maamulna la isugu keeno.
· In xoog la saaro tacliinta, siiba in lagu dadaalo waxbarashada dhallinyarada, iyadoo la aaminsanaa inaan horumar iyo madaxbanaani la gaari Karin tacliin la’aanteed.
· In af Soomaaliga la qoro oo weliba la qaato farta Cismaaniyada, iyadoo fartaas loo arkayey inay tahay mid waddani ah.
· In shacabka lagu baraarujiyo halganka gobanimadoonka iyo madaxbanaanida.
· In la tirtiro caadooyinka iyo dhaqamada foosha xun ooy ka mid yihiin qabyaaladda, quursiga, iskala takoorka iwm.

Kadib waxay doorteen Hoggaanka Ururka, waxaana Guddoomiye loo doortay
Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye
Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen halka Yaasiin Xaaji Cismaan loo doortay Xoghaye Guud. Waxaa kaloo la go’aansaday inaan durbadiiba la soo bandhigin ulajeedada siyaasadeed ee Xisbiga ilaa iyo intuu ka hanaqaadayo. Sidaas daradeed, waxaa Xisbiga loo bixiyey magaca ah “Somali Youth Club” ama Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxaa sidaas loo yeelay in Maamulka Ingiriiska loo tuso Xisbiga inuu yahay naadi dhallinyaro oo u go’an arrimaha bulshada iyo dhaqanka si looga gaashaanto carqalad iyo tacaddi ka imaan kara xaggiisa.

Subaxdii 15 Maajo 1943, waxay tageen xafiiskii Dhiinsiga Ingiriiska, iyagoo wadata codsigii (petition) lagu dalbayey ruqsada Naadiga, kadib waa loo ogolaaday,Muddo yar ka dib, Xisbigu wuu xoogeeystay. Waxaa ku soo biiray taageerayaal aad u farabadan oo mutadawiciin ah. Waxaa cirka maray magaciisa iyo maqalkiisa. Gobollada iyo degmooyinka waxaa ka yimid farriimo taageero ah iyo codsi ay ku cudsanayaan in Xisbiga loo furo. Waxaa moodaa in shacabka Soomaaliyeed sugayey dhawaaqa oo keliya, waxaana laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil. Islamarahaantaas, waxaa si lixaad leh u batay taageerayaashiisii ooy ku dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm. Horumarka Xisbigu ku tillaabsaday sanooyinkaas wuxuu ahaa mid la yaab leh oo mucjiso ah oo aan taariikhdiisa halkaan lagu soo koobi karin.

Bishii Maajo 1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbeddel lagu sameeyo magaca Xisbiga, lana muujiyo awoodiisa, sababahaan soo socda awgood:-Xisbiga oo xidideeystey oo shacabka dhexdiisa ka kasbaday kalsooni aan la loodin Karin, damaca gumeeystayaasha. Ingiriiska oo ka dhawaajiyey inuu rabo in Soomaaliya oo idil loo dhiibo iyo Talyaaniga oo u xusulduubayey in la soo celiyo maamulkiisii, iyo Axsaab Soomaali ah oo ku saleeysan hab qabiil, gacansaarna la leh quwadaha shisheeyaha oo Xisbiga laga horkeenay.

Galab ayaa Xisbigu qabtay shir lagu cusamay Soomaali iyo Ajnabiba, waxaana halkaas khudbad ka jeediyey, isagoo ku hadlaya magaca Xisbiga, Yaasiin Xaaji Cismaan oo ku dhawaaqay in Xisbiga loo bixiyey Somali Youth League (SYL), uuna yahay Xisbi siyaasi ah, oo dagaal ba’an kula jira gumeeysiga, balse Ayaamo ka dib, amar Ilaahay, waxaa aad u xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan, xanuunkaasi oo ahaa Duumo (malaria). Yaasiin wuu dardaarmay, ka dib markuu dareemay in jirradiisu tahay mid halis ah, wuxuu ka dardaarmay in jagada Xoghayaha Guud loo dhiibo Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo madax ka aha faraca Xisbiga ee Beledweyne, ayna wada shaqeeyn jireen, wuuna aqbalay taladiisii, Maalmo ka dib, Yaasiin wuu geriyooday Allaha u naxariistee.

La soco qeybta 2-aad

Waxaa isku soo duway C/llahi Ruush