Shirka Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyey Sharciyada Isgaarsiita iyo La Dagaallanka Musuqmaasuqa

Date:

Muqdisho, 22 June 2017 —-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Khayre. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii argagaxisada ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii maanta wadada Makka Al-Mukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda. Golaha ayaa Dowlada Sucuudiga uga mahadceliyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa’iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bacdamaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.

Wasaaradda Garsoorka ayaa golaha Wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.

Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada. Ra’iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hindise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dalkana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...