Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya oo ka tacsiyadeysay geerida Wasiirka Dhallinyarada ee Jubbaland

Date:

Wasiirka Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay geerida Wasiirka Dhallinyarda  ee Jubbaland Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax,  oo maanta ku dhaawacmay qaraxii lala eegtay saldhigga Degmada Waaberi, kaasi oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray qaraxaasi

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ehelada, asaxaabta iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeysa geerida Marxuum Sheekh Maxamed Yuusuf Aw Libaax, oo caawa ku dhintay Isbitaalka Racep Yayip Erdogan ee degmada Hodan, waxaana ay Alle uga bariday in uu ka waraabiyo Janadii fordowso ahayd.

Qaraxa maanta ka dhacay Saldhigga degmada Waaberi ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo ay ku dhiteen ku dhawaad 10 ruux halka ay u dhaawacmeen tiro kale.

 

Qaraxa ayaa saameeyay dhismayaasha ka ag dhow Saldhiga ee ku yaallay Wadada Maka Al-Mukarama.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...