Home Blog Page 1665

Maamulka Cusub ee loo magacaabay Waxda Cashuuraha Garoonka Aadan Cadde oo sheegay in

0

Kormerkaan oo ay maanta ku tageen Waaxda Canshuraha Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuunita Dadweynaha Eng C/raxman Cumar Cusmaaan , Wasiir ku xigenka Wasarada Maaliyada Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Wasiiru dowlaha Wasarada Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibrahim ayaa aheyd u kur galida howlaha shaqo oo ay halkaas ka bilaween maamulka cusub ee dhawaan loo magcabaay Waxda Canshuuraha ee Garoonka.
Maamulka Cusub ee dhawaan loo magcabaay Waaxda Canshuraha ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ay qabteen ayagoo sheegay iney si wanagsan shaqada u wadaan ayne soo sareen faa’iido ka badan tii hore boqolkiba soddan muddo labo malmood gudahooda  ah.
Wasiir ku xigeenka Waasarada Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibraahim ayaa ku dhiira galiyey dhamaan maamulka iyo shaqalaha iney dar dar geliyaan shaqada ay u hayaan bulashada wax qabad wanaagsane laa imadaan iskane ilaaliyaan wax walibo oo shaqadooda ku keeneyso dhibaato.
Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Xukumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay iney jireyso isla xisaabtan ku aadan howlaha shaqo kuwi ka horeyeyna lala xisaab tami doono isagoo sheegay ineysan jiri doonin waxa isdaba marin danbe.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta kormeeray Dekedda Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta booqday dekedda Magaalada Muqdisho. waxayna kulan looga hadlayey dar-dargelinta howlaha shaqo la qaateen maamulka dekedda.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa kala hadlay maamulka howlaha ka socda dekadda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna waydiiyay wax yaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman dekedda Muqdisho. Isagoo la falan qeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhaw ee la rabo in wax looga badelo qaab dhismeedka dekedda,waxuuna bogaadiyey sida ay howluhu u soconayaan.

Dhanka kale, wuxuu maamulka Maaliyadda gaar ahaan qeybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda dekadda iyo meelaha ay ku baxaan,isagoo madaxda ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuqa oo uu sheegay Ra’iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dawladnimada.

“Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno”ayuu yiri R.W Xasan Cali kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda dekedda, isagoo ka dalbaday maamulka iyo shaqaalaha inay sii wadaan howsha ay qaranka u hayaan.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

0

Gaari ayaa goor dhow ku Qarxay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, sida Afhayeenka Gobalka Banaadir uu u xaqiijiyay Wakaaladda SONNA.

Gaariga ayaa la sheegay in Ciidammada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ka hor inta uusan Qarxin, waxaana la sheegay inta uu baaritaanka socday inuu Qarxay Gaariga.

Ilaa iyo Saddex Askari oo ah ku Qaraxyada baara ayaa la sheegayaa inay ku geeriyoodeen Qaraxaan.

Wasiirka Warfaafinta oo 20 Saxafiyiin ah tababar u soo xiray

0

Tababarkaan oo ay bixinaysay wasaaradda warfaafinta ayaa loo qabtay in ku Dhow 20 saxafi oo ka kala yimid warbaahinta Qaranka tan madaxa banaan iyo Warbaahinta dowlad Gobolleedyada iyagoo la baray sida ugu haboon ee looga faa’iideysan karo soo saaridda wararka iyo barnaamijyo tayo leh.

Wariye Cabdiraxmaan Koronto oo ka mid ahaa macallimiintii bixinayay tababarka ayaa sheegay in wariyayaasha la baray sida ugu wanaagsan ee looga faa’iideysan karo shaqada ay u hayaan bulshada isla markaana looga faa’iideeyay barashada samaynta wararka iyo barnaamijyada tayada leh ee ka baxa idaacadaha iyo Talafeshinnada

Agaasimaha waaxda Shaqaalaha iyo tababarrada  wasaaradda warfaafinta Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa kula dar-daarmay  wariyayaasha in ay  bulshada Uga ka faa’iideeyaan wixii la baray Isla markaana ay gaarsiiyaan xaruhihii ay ka Yimaadeen.

Wasiirka warfaafinta iyo Hanuuninta Dad Weynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa ugu dambayn saxafiyiintaan u soo Xiray tababarkan la Xiriira tayaynta wararka iyo barnaamijyada ka baxa Warbaahinta.

Dadka Kunool Degmada Ceel Barde Oo Codsaday Gurmad Deg Deg ah

0

Odayaasha  iyo waxgaradka ku dhaqan Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool ayaa  ugu baaqay dawlada  Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha  Samafal  inay  Gurmad  Soo Gaarsiiyaan  Degmadaasi  xilli ay isa soo Tarayaan Saamaynta ka dhalatay   Roobabkii ka da’ay Gobolkaasi.

Cabdiraxmaan saalax oo ka mid ah Odayasha Degmada Ceel Barde ayaa sheegay in degmadu ay ka jiraan xaalado Adag oo dhanka nolosha ah Sida Caafimaadka iyo Biyaha.

“Roobabkaasi way de’een laakiin degmada Ceel Barde markaan fiirino hadda Ceelbiyoodyadii kala duwanaa malaha kumana filna inta ay hadda degmadu haysato xaga biyaha maxasiloona kumana filna, Cudurradii shubanka iyo jirooyin kale oo aan la aqoon ayaa dadka ku habsaday” Ayuu Yiri Cabdiraxmaan oo ka mid ah Odayaasha Degmada.

Roobabkii dhawaan ka da’ay degmada Ceelbarde ayaan biyo dhigin warihii biyaha lagu kaydin jiran si ay uga faa’iidaystaan  dadka iyo Duunyada oo la daala dhacaya Abaaraha dalka kajira taas ayaana keentay in dadkaasi ay Dowladda ka codsadaan Gurmad deg deg ah.

Akhriso: War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee DF iyo Maamul Goboleedyada

0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka.

Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa’udiinka.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.

Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.

War-murtiyeedka:

KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:

1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.

2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.

3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).

4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.

5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.

6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.

7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.

8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.

9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.

10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka.

—–DHAMAAD—–

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland oo Kulan Layeeshay Qunsulka Dalka Masar U Qaabilsan Soomaaliya

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad goboleedka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey  Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.

Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawlad goboleedka Puntland, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil kale.

Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha Puntland iyo weftiga ka Socdey safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa waxa ay uga wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan Wasaaradaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa xusay in wafdiga ka socday Masar ay socdaalkooda la xiriirto laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.

Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda, gaar ahaan isha dhaqaalaha Puntland ee magaaladda Boosaaso.

Wasiirka Dhallinyarada “Waxaan soo bandhigi doonnaa qorshe cad oo dhallinyarada ka tarjumaya”

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay Xuska Munaasabadda 15ka May ayaa sheegtay in bisha June ee soo socota  ay Wasaaraddu  keeni doonto Qorshe cad oo siyaasadeed oo dhallinyarada Soomaaliyeed ka turjmaya iyo dadka Soomaaliyeed ee baahiyaha gaarka ah qaba sida kuwa Naafada ah, taasi oo ah mid ka maqan Dastuurkeenna, arrintaasina waa in looga faaa’ideystaa dib u eegista Dastuurka ee hadda gacanta lagu hayo si loo cadeeyo doorka muhiimka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed

“Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa ay ku duuleysaa Baraamijkii Ra’iisul wasaaraha ee uu Baarlmaanka horgeeyey, Xukkuumadda hal ku dhiggeedu yahay Nabad iyo Nolol, waxa ay dooneysaa in dhallinyarada Soomaaliyeed si buuxda looga faaa’ieysto, waxaa ku howlanahay sidii aan u dhaqangelin lahayn barnamijyada loogu talogalay in loo abuuro dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale ku shaqeyneynaa aragtida madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya”,

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriiye ayaa u mahadcelisay dhammaan guddiyadii mudada dheer ka soo shaqaynayay xuska munaasabadda 74-guurada ka soo wareegtay aas aaska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed 15 may sanadkii 1943-dii.

Warbixin: Taariikhda Halgankii SYL (Sawirro) Qeybtii 2-aad

0

Cabdullaahi Ciise, Allaha u naxariistee, meeshii ayuu hawshii ka sii waday,wuxuu ugu adeegay Xisbiga iyo Shacbigaba si naftihurenimo ah, daacad ah, Soomaalinimo, wuxuuna guulo ka soo hoyey gudahaba iyo dibeddaba. Cabdullaahi wuxuu noqday Raiisulwasaarihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed sanadkii 1956.

Dhacdadii 11-kii Jannaayo 1948 (Hanoolaato)
Dhammaadkii 1947, ayaa waxaa la sheegay inuu Magaalada Xamar imaanayo Guddi ka socda Afarta Quwadood (Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Ruushka) “Four Power Commission”. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo-raadis iyo inuu u kuurgalo rabitaanka iyo himilada siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed, blase intaan guddigu imaan, Leegadu waxay qabatay shriweeyne ay ka soo qaybgaleen Guddiyada Leegada ee gobollada Soomaaliyeed oo idil, si looga wadatashado, meelna la isula dhigo mawqifka Leegada ee ku aadan Guddigaas.

Wadatashi iyo dood dheer ka dib, Leegadu waxay go’aansatay in la codsado in Soomaliya ay wadajir u maamulaan Afarta Quwadood. Go’aankaasi wuxuu ku saleeysnaa laba aragti oo ah:

Guddugii wuxuu yimid Xamar 6dii Jannaayo 1948. Waxaa la qorsheeyey in urur waliba uu dhoolatus ku maro Guddiga hortiisa oo ah halka Hotel Curuuba hadda ka dhisan yahay, wagaasna ahayd xarunta Guddoomiya Ingiriiska, waxaa buuq, sawaxan iyo dhoolatus isku daray axsaab iyo kooxo Soomaaliyeed oo Talyaanigu maalgeliyey oo meel kasta la maray calamo Talyaani ah, iyagoo ku dhawaaqaya Talyaani, Talyaani.

Leegadu waxay codsatay in maalin gaar ah la siiyo oo ay cududooda muujiyaan, Waxaan ka warhelnay in la rabo in la carqaladeeyo bannaanbaxa iyo dhoollatuska Leegada. Leegadu markay darastay xaaladda, waxay go’aansatay, in haddii la carqaladeeyo, ay weerar ku qaado oo abbaarto Talyaaniga oo ah kan soo diraya kooxaha Soomaaliyeed.

Subaxdii 11 Jannnayo 1948, Naadiga waxaan ku reebnay 5 dhalin yaro horseed ah iyo qaar dumar ah. Intayadii kale waxaan abaabuleeynay bannaabaxa. Annagoo ku jirna hawshaas, waxaa na soo gaartay qaylodhaamo in la soo weeraray Naadiga ooy soo weerareen kooxo Soomaali ah oo Talyaanigu soo diray. Ka dib, way isqeybiyeen, qaar waxaa loo diray Naadiga inay difaacaan, intii kale waxay weerar ku qaadeen Talyaaniga, Halkaas waxaa lagu dilay 54 Talyaani ah , waxaana lagu dhaawacay 55 kale. dhanka Dhallinyarada waxaa la dilay Xaawo Cismaan (Xaawo Taako), Waxaa Leegada gacan siiyey askarta Somaaliyeed ee Ingiriiska u shaqeeynayey oo hoos Leego ka ahaa, Naadigu wuxuu ku yiil ka soo horjeedka meesha laga dhisay taallada Xaawo taako.

Dhacdadii Dhagaxtuur
Bishii Sebtembar 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jirey oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Mudane Cabdullahi Ciise si uu cabbiro Mawqifka Leegada oo ahaa in Afarta Quwadood ay wadajir u maamulaan Soomaaliya, Madaxbannanina ku gaarsiiyaan muddo 10 sano ah, iyo inaan marnaba dalka lagu soo celin Talyaani, Waxaa xusid mudan in kharashkii ku baxay safarkiisa ay ku tabaruceen gabdhaha Leegada oo gaday dahabkoodii.

Bishii Oktoobar horrankeedii waxaa la helay farriimo muujinaya in Soomaaliya loo dhiibi doono Talyaaniga, 5tii Oktoobar 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga, ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur, iyadoo Ingiriiska soo diray askartiisii oo amar ku bixiyey in 15 daqiiqo gudahood dadka mudaaharaadaya ku kala dareeraan. Haseyeeshee, lagama yeelin, balse waxaa loogu jawaabay dhagax lagu tuuray askarta oo lagu asqeeysiiyey, Waana sababta goobtaasi loogu baxshay Dhagaxtuur, Askartii waxay dadkii ku fureen xabbado. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Ingiriisku intaasi kuma ekaan ee wuxuu musaafuris ku xukumay qaar ka mid ah madaxda Leegada oo Ceelbuur loo musaafuriye Daahir , Mohamud Maalinguur, Cali Xirsi, Ottavio iyo Xaaji Diiriye Xirsi.

21kii Nofembar 1949 ayaa Golaha Guud ee Qaramad Midoobay soo saaray go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan. Bishii Abriil 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Maamulkaas oo la magacbaxay “Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia” (AFIS). Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Filibiin iyo Kolumbiya oo Wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

Ka dib markuu soo noqday, Talyaaniga waxaa galay damac ah inuu muddada dheereeysto, wuxuu isku dayay inuu kala qeybiyo Soomaalida, kala gado, qabyaaladda xoojiyo, Leega laaluusho, abuuro axsaab uu ku adeegto. Intaasoo dhan wuxuu u sameeynayey wuxuu rabay inuu dheereeysto muddada, isagoo u tusaya in Soomaalidu sidaas rabto. Qorshahas waxaa si aan gabbasho lahayn u hor istaagay Leegada oo beeneeyey.

Waxaa dhacday in Talyaanigu xirxiray qaar ka mid ah madaxda Leegada ee Kismaayo sanadkii 1952. Leegadu waxay sameeysey mudaharaad. Rabshadihii waxaa lagu dilay nin Talyaani ah. Leegadu waa sii waday halgankeedii ilaa ay ku guuleeysatay doroshooyinkii dawladaha Hoose ee 1954. Markaas ayaa Talyaanigu quustay oo beddelay siyaasaddiisii, dantuna ku kalliftay inuu soo dhaweeyo Leegada, Waxaa farxad iyo raynrayn aheyd markii 12ka Oktoobar 1954 la taagay calanka Soomaaliyeed, Calankaasi farshaxankiisa iyo hindisihiisa waxaa lahaa Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Madaxda Leegada.

Guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase nasiibdarro ah inaan loo han-weeynayn xorriyaddii iyo dowladnimadi dhibkaasi loo soo maray.

Waxaa isku soo duway C/llahi Ruush

Guddoomiye Taabit ” Dhallinyaro is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay ,Dhallinyarooy Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro”

0

Guddoomiyaha goballka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay 15-ka May oo xalay lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii Xamar looga xureen lahaa xasilooni darrada.

“Dhallinyaro Is dhaarsatay ayaa xorriyadda keentay,  Dhallinyarooy  Xamar ka Xoreeya Xasillooni darro,  Nadaafadda Xamar waa Nuurka Qalbigeena Mustaqbalka dalka iyo dadka waxa uu gacanta ugu jiraa dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan dhiiragelinayaa olalaha Nabad iyo Nolol ee ah hal ku dhigga maanta waxaan hubaa in dhallinyarada Soomaliyeed ay keeni doonaan isbadello dalka uu u ayo” ayuu yiri Guddoomiye Taabit

Guddoomiyaha Gobalka ayaa  hambalyo u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu xusay in la dayactiray Iskuulka 15-ka May, dhowaanna si rasmi ah ugu adeegga doona dhallinyarada Soomaaaliyeed, waxaa uu raaligelin ka bixiyey Biyo lagu furay Dad isugu yimid garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir.

Ugu dambeyn Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in uu xoogga saari doono sidii loo abuuri lahaa fursado ka turjumaya dhallinyarada sida midnimada, wax qabsashada iyo u adeeggidda dalkooda, waxuuna intaa raaciyay in halgalkii gobonnimada ay door muuqda ka qaateen Gabdhaha Soomaaliyeed.