Degmada Dhahar oo u gudubtay Final-ka tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lix iyo labaatanaad oo ah wareegga afar dhamaadka ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Shibis VS Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Sanaag, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Shibis VS Dhahar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su’aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh.

Shibis

Tartameyaasha Degmada Shibis ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ma jirin hal su’aal oo ay ka jawaabeen, balse waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shibis ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood.

Dhahar

Tartamayaasha Degmada Dhahar gobolka Sanaag waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen hal su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Shibis, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Dhahar waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Dhahar ee Gobolka Sanaag ayaa caawa u soo gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka (Final), iyagoo la tartami doonto Warta Nabadda.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo waxaa ku tartamaya kaalinta saddexaad tartamaayasha degmooyinka Kaaraan iyo Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadannimada

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo la kulmay saraakiisha Guutada 17-aad ee XDS

Taliyaha Qeybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid...

Danjiraha Soomaaliya ee Burkina Faso oo Xoojinaya Iskaashiga Ganacsiga iyo Maalgashiga

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Burkina Faso, Danjire...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO oo Xoojinaya Iskaashiga Horumarinta Caafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...