Madaxweynaha JFS ayaa Guddi Khubaro ah u saaray soo qiimeeynta Xaaladaha iyo tiro koobka Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Halkaan hoose ka Akhriso

Madaxweynaha JFS ayaa Guddi Khubaro ah u saaray soo qiimeeynta Xaaladaha iyo tiro koobka Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Halkaan hoose ka Akhriso

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlaneyd olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto sii deynta dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye, taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibadda Ee Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu yiri “Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan
dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha. Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn”
Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro ku xiran dalalka Ethiopia, Sychelles iyo India.
Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay mowduucan dhowaan markii aan booqannay Addis Ababa.
Seychelles Wasiiru Dowlaheeda Arrimaha Dibadda ayaan ku kulannay mid ka mid ah shan shir doceed oo aan gooni gooni ula yeeshay Wasiirro Arrimo Dibadeed isla halkii maalin ee shirka London uu socday.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Sychelles arrinta ugu weyn ee uu ila soo qaaday waxay ahayd nabadgelyada badda nooo dhexeysa iyo wadashaqeynteenna mustaqbalka. Ka dib markii aan uga warramay isbeddelka dalka ka dhacay, Aniguna arrinta ugu weyn ee aan ku soo qaaday waxay ahayd Maxaabbiis Soomaali ah oo ku xiran Seychelles.
India waxaa ay Safaaradda Soomaaliyeed ee New Delhi iyo Xeer Ilaalinta Qaranku ay qabteen Qareen u dooda mid kasta oo ka mid ah Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku jira xabsi ku yaalla Mumbai. Safaaradda Soomaaliya waxaa kale oo ay u asteysay mid ka mid ah Diblomaasiyiinteedu in uu tago Mumbai 1400 km u jirta New Delhi mar kasta oo Maxkamad la soo taagayo mid ka mid ah boqol iyo dheeraadka Maxaabbiista Soomaaliyeed ah.
Waxay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu si joogta ah u heshaa Warbixinno kala gooni ah oo Qareenka Hindiga ah iyo Diblomaasiga Soomaaliga ahi ay u soo diraan hadba dacwaddu meesha ay mareyso ayaga oo isla markaana talo bixinaya tallaabada nala gudboon.
Maanta (Talaada) oo u dambeysay waxaan mowduucan fadhi ka yeelannay Wasiirka Garsoorka iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda taasoo ahayd markii labaad isla toddobaadkan, ka horna waxaan wadajir ula kulmay Agaasimaha Aasiya iyo Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Waxaa arrinta Maxaabbiista ku xiran India isla maanta ka wadahadlay Agaasimaha Aasiya iyo Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi.
Berrina waxaa jira dhowr kulan oo Muqdisho iyo New Delhi loo ballansan yahay mowduucan.
Waxaa diyaar ah oo labada dal ee Soomaaliya iyo India ay isku af garteen inkasta oo aan weli la saxiixan heshiis mabda’ ahaan Maxaabbiista la isu celinayo.
Laba ka mid ah Dowladaha Saddexda ah ee aan xusay Ethiopia, Seychelles iyo India waxaan isla meel dhignay in maxaabbiista Soomaaliyeed ee dalalkooda ku xiran lagu soo wareejiyo gacanta Dowladda Soomaaliya. Dalka kale waxaa noo billowday xiriir aan ku rajo weyn nahay in aan ka miro dhalin doonno mar dhow.
Runtii howsha socota oo ku wajahan in Maxaabbiista dibadda ku xiran oo dhan ay gacanteenna soo galaan, ma ahan howlo saxaafadda lagu soo wada bandhigi karo maaddaama aanay soo geba-geboobin.
Hore waxaan ula kulmay wakiil ka socda Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas oo aan weydiistay in ay nala wadaagaan Maxbuus kasta oo Soomaaliyeed ee ay ka warhayaan in uu ku jiro xabsi shisheeye.
Shalay oo u dambeysay waxaan farriin ka helay saddexda Dowladood middood, farriintaas oo ah mid yididdiilo hor leh I gelisay. Howshani hadba heerka ay mareyso ee in la sheego aanay wax u dhimi karin furdaaminta iyo marka ay geba-gebo tahay waan la wadaagi doonnaa dadweynaha Soomaaliyeed.
Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf uga mahadcelinayaa in uu fagaaraha caleema-saarka ee Cadaado uu ku ballanqaaday in uu bixin doono kharashka dayaaradda haddii dhallinyarada Soomaaliyeed ee India ku xiran loo soo celinayo Soomaaliya.
Waxaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hammin kara ugu baaqayaa in ay ka feejignaadaan ka qeybqaadashada burcad badeed ama fal dambiyeed kale oo ay xabsi ku mudan karaan nooc kasta oo uu yahay. Taas macnaheedu ma ahan in aan ku tilmaamayo in dhallinyarada ku xiran Ethiopia, Seychelles iyo India ay yihiin dembiilayaal maaddaama arrintaasi ay u taallo Maxkamadaha.
Dowladda Soomaaliya waxa ay hadda ku dabajirtaa Soomaali ku xiran dalalka Uganda, Sudan, Libya iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin dalal ku yaalla Afrikada Koofureed.
Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid Cabdi waxaa ay sanadkii 2016 ka bishii September ku dhaawacantay shil gaari xilli ay ku gudo jirto howlaheeda shaqo.
Xidigle Faisa Cabdirashid ayaa maanta isbitaalka Martiini ku booqatay Naafada Xoogga Dalka, iyadoo guddoonsiisay lacago ay afur ka dhigtaan, waxaana ay weydiisatay inay u duceeyaan maadaama ay la xanuunsaneyso dhaawacii ka soo gaaray shilka gaari.
Faisa Cabdirashiid ayaa shacabka ka codsatay inay caawiyaan walaalood Naafada xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Naafada Xoogga Dalka Cabdi Mahad Cali ayaa ugu mahadceliyay booqashada ay maanta Faisa ku tegtay Isbitaalka Martini, isagoo xusay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada lacageed ee ay soo gaarsiisay maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Tallaabadan ay Faisa sameysay ayaa ah mid u baahan in lagu dhiiri geliyo, maadaama ay gurmad u fisay Naafada Xoogga dalka ee ku nool isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho
Ciidammada Ammaanka ayaa kontoroolka laga galo Magaalada Boosaaso ku qabtay Gaari UD ah oo siday Qaraxyo, Isgaarsiin casri ah, Qalab kale oo ay ka midyihiin Taargooyinka Gawaarida iyo labo Nin oo waday Gaariga.
Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu waday qudaar farabadan balse waxaa lagu soo dhaxqariyay Qaraxyo fara badan iyo Agab isgaarsiin oo loo ismaalo walxaha qarxa.
Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay in haatan ay wadaan Baaritaano ku aadan Gaarigaan halka uu ka yimid iyo meesha loo waday Qaraxyadaan.
Habeenkii afaraad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinka ee ay degmooyinka gobollada dalka ku baratamayaan, waxaa ku hardamay degmooyinka Gaalkacyo oo Mudug ka tirsan iyo Boondheere oo ka tirsan Benaadir ka tirsan.
Tartanka xiiso gaar ah ayuu lahaa, waxaa sida caadiga aheyn degma kasta la weydiiyey Toddobo su’aallood oo isugu jira Diini, Seynis, Xistaab, aqoon guud iyo taariikhda dalka, qeybtii koobaad ayaa lagu hakiyey kaddib markii labada degmo la weydiiyey min afar su’aal.
Ka hor qeybta labaad ee tartanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinnadii ka hadlayey Taariikhda Gaalkacyo iyo Boondheere, taas oo wax badan u tarta isdhexgalka tartamayaasha degmooyinka gobollada dalka.
Natiijada degmada Boodheere
Tartamayaasha degmada Boondheere oo la weydiiyey toddobo su’aal waxa ay si sax ah uga jawaabbeen laba su’aal, wax ka faa’ideysi ah ma aysan helin waxa ay uruursadeen afar dhibcoon
Natiijada degmada Gaalkacyo
Sidoo kale tartamayaasha degmada Gaalkacyo, waxaa la weydiiyey toddobadii su’aal ee tartanka, waxa ay ka jawaabeen laba su’aal, wax ka faa’ideysi ah ma helin, waxa ayna iska qaldeen shan su’aal, si la mid ah waxa ay heleen afar dhibcoon.
Guddiga tartanka , ayaa u mahadceliyey labada degmo sida habsamida leh ee ay tartanka uga qeyb-qaateen, balse labada degmo oo la weydiiyey dhammaan su’aalihii tartanka, ayaa is mari waayey, waxaana lagu daray su’aallo dheeri ah, sida sharuucda tartanka ka mid ah.
Labada degmo waxaa dib loo weydiiyey min hal su’aal oo dheeri ah, Boondheere oo ugu horreyn la weydiiyey kama aysan jawaabin su’aasheedii, Gaalkacyo oo si ka faa’ideysi ah loogu gudbiyey ayaa ka faa’ideysatay, sidoo kale Gaalkacyo su’aasheydiina si sax ah ayeey uga jawaabtay, waxa ayna uruursadeen siddeed dhibcood.
Guddiga ayaa shaaciyey in degmada Gaalkacyo ay u gudbtay wareegga Labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka.
Habeen Dambe waxaa tartami doona Dhahar oo ka tirsan gobolka Sagaal iyo Dhuusamareeb oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle waxaa loogu magac daray Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya kadib markii la qaatay xoriyadda 1960 kii, waa garoon caalami ah waxa uuna ku yaalaa Magaalada Muqdisho koofurteeda waxaana astaan u ah(IATA, MGQ,ICAO,HCMM), waxaana ka soo degi jiray Shariikado Diyaaradeed oo heer Caalami ah, oo ay ka mid ahaayeen Luftansa oo Jarmal ah,Airflot oo Ruushka ah,Alla Italia, Kenya Airways,Al-Yemda oo Yeman ah, Egyptian Airlines oo Masar ah, Saudi Air oo ah iyo Somaali Airlines oo ay laheyd Soomaalida iyo kuwa kale.
Mas’uuliyiinta Dowladda ayaa dadaal u galay sidii uu garonku u noqon lahaa mid la mid ah Garomada caalamka, gaar ahaan kuwa geeska Afrika, waxaana mas’uuliyadda garoonka lagu wareejiyay Shriicado gaar ah, waxaana ugu dambeeyay oo hadda heysa Shariikad laga leeyahay dalka Turkiga, halka markii hore ay maamuleysay Shariikad Konfur Afrikaan ah.
Muddo 20 sano kadib duulimaadyo caalami ah oo ay sameeyaan diyaarado laga leeyahay dal ka mid ah dalalka reer Yurub ayaa waxaa ay si rasmi ah uga bilaabmeen Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabad Xarigga looga jarayey duulimaadyada Turkish Airways ayna ka qeybgaleen Madaxweynahii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Turkiga, taasoo lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaa kaloo jirta Dulimaadyo ay sameyso Shariikadda Diyaaradaha ee Jabuuti Airline.
Haddaba si looga dhigo Garoonka mid heer caalami ah waa in loo yeelaa dhammaan waxyaabaha looga baahan yahay, waxaase hore u jirtay in Diyaaraduhu ay soo degi jireen maalntii oo kaliya, waxaase dadaal dheer kadib lagu guuleystay in duulimaadku uu ahaado maalin iyo habeen intaba, kadib markii lagu xiray Garoonka Leyrarka ifiya dhabbaha ay ku cararaan diyaaradaha, waxaana ka qeybgalay xafladaasi lagu bilaabayay galinta Leyrarka Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna daaray laanbadii ugu horreysay ee la dhigo Garoonkaasi, waxaana xusid mudan in hore gudaha Garoonka looga hirgaliyay meel Rakaabku ku nastaan oo laga wada heli karo waxyaabaha ay Dadku uga baahan yihiin.
Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba u soo degaan una duulaan sidoo kalena ay qeyb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo Caasumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqeysay howsahaasi ay qabteen, wuxuuna caddeeyay inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.
“Waxaa loo qabay baahi weyn in la helo leerarka ifttimaya waddada ay diyaaraduhu ku ordaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa Gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkaasi maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxa uu u soo jeediyay Madaxda garoonka inay dowlada u soo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.
Haddaba waa guul u soo hoyatay Ummdda Soomaaliyeed, bacdamaa ay howsha Garoonka ay noqoneyso 24 saacadood ama Habeen iyo Maalin, halka markii markii hore ay Duulimaadyadu jireen Maalintii oo kaliya, waxaase kaloo loo baahan yahay in la sii horumariyo, si aan u gaarno Asaageyn oo aan ka harsaneyn muddo 21 sano ah.
Qallinka: C/laahi Ruush
Tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka ee degmooyinka gobollada dalka oo uu taabagelinayo maamulka gobolka Benaadir, isla markaana dhexmaray degmooyinka Shangaani iyo Waabari, ayaa soo gabogaboobey.
Labada degmo waxa ay ka wada tirsan yihiin gobolka Benaadir.
Labada degmo markii la weydiiyey min afar su’aan ayaa la galay qadar nasasho ah, waxaana looga faa’ideystay daqiiqadahaas in lagu soo bandhigo warbixinno ka hadlaya Taariikhda labada degmo ay ku caan baxayn, iyadoo wariyeyaasha SNTV & RM ay soo gudiyeen muuqaallo iyo warbixanno aad u xiiso badnaa, si ay u xoogeysato isbarashada iyo isdhexgalka degmooyinka Waabari iyo Shangaani.
Sidoo kale majaajiliisteyaasha C/qaadir Abahaa iyo Jaajuumoow, ayaa u ruwaayadeynayey daawadeyaasha iyo dhageysteyaasha Radio Muqdisho inta tartanka uu socdey, gabogabada tartanka guddiga ayaa soo gudbiyey sida uu ku dhammaadey tartanka.
Natiijada degmada Shangaani
Axmed Cali Kaahiye oo guddiga tartanka ka tirsan ayaa sidaan u shaaciyey natiijada Shangaani, “Tartankii caawa oo aad u xiisa badnaa, degmada Shangaani waxaa la weydiiyey Toddobo su’aal oo toos ah, waxa ay ka jawaabeen hal Su’aal, laba ka mid ah su’aallaha si ka faa’ideysi ah ayeey u heleen, lix su’aalna ma aysan haleenin, sidaas darteed afar dhibcood ayeey uruursadeen.
Natiijada degmada Waabari
Sidoo kale degmada Waabari waxaa la weydiiyey Toddobo su’aal oo iyana toos ahaa, hal su’aal ayeey ka jawaabbeen Lix ka mid ah waa ay hareer mareyn, wax ka faa’ideysi ahna ma aysan helin degmada Waabari, laba dhibcood ayeey sidaa ku heleen, wareegga labaad nasiib umma yeelan.
Guddiga ayaa sheegay in degmada Shangaani ay u gudubtay wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee bisha Ramadaan, habeen dambe waxaa tartami doona degmooyinka Boondheere oo ka tirsan gobolka Benaadir iyo Gaalkacyo oo ka tirsan gobolka Mudug.
Habeen dambe Boondheere Vs Gaalkacyo
INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Marxuum Axmed Abroone Amiin. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Marxuum Axmed Abroone Amiin oo horey u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.”
“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Marxuum Axmed Abroone Amiin uu ahaa shaqsi wadani ah, daacad ah oo danta guud marwalba ka horumarin jiray danihiisa gaarka ah.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa magaalada London ee xarunta Dalka UK kulan kula qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii qurba joogta Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalkooda Hooyo, iyagoo Wasiirka ka dhageystay warbixin ku aadan waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda Batroolka.
Wasiirka Batroolka Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa uga waramay Jaaliyadda Soomaaliyeed sida ay muhiimka ugu tahay dowladda inay shacabkeeda uga warbixiso xaalad walba ee uu dalku marayo.
Waxaa uu sidoo kale Wasiirka ka warbixiyay kheyraadka dalka ku jira ee ay Wasaaradda Batroolka hadda gacanta kula jirto sidii looga faa’iideysan lahaa, isagoo ugu dambeyntii xusay Wasiirku in Wasaaradda ay diyaarisay sharciyadii loo mari lahaa hanaanka looga faa’iideysan karo kheyraadka dalka.
Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Galmudug ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo halkaasi ka hadlay ayaa yiri “Markii aan rabnay inaan heshiisiino Galmudug iyo Ahlusuna, intii aanan bilaabin labada dhinac inaan heshiisiino ayaa Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamanka Galmudug dhaheen intaan labada dhinac la heshisiin marka hore anaga hanala heshiiisiiyo, markaan heshiisiiinay ayaa wakhtiga nagu yaraaday, in aan u gudubno hadana dib u heshiisiinta Ahlu suna iyo Galmudug, marka Madaxda halkan fadhida ha iska ilaaliyaan khilaafka dhexdooda ah, ayuu yiri madaxwayne Farmaajo
“Khilaafka waxaa keena waa dan shakhsiyadeed, waxaan rajeynaya inaan khilaaf ka dhicin Xaaf iyo Baarlamankiisa kadibna aanu keeno Ahlusunna”. ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed, Madaxwaynayaasha K/Galbeed shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubba-land Axmed Maxamed Islaam, Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwayne ku xigeenka Hishabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlawe) waxayna halkaasi ka jeediyeen hadallo isugu jira soo dhaweyn iyo dhiirri gelin ay u jeedinayeen Madaxwaynaha Galmudug ee maanta la Caleema saaray iyo dhammaan Maamulkaasi.