Qado Sharaftii Kismaayo loogu sameeyey Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha Wasiirada ee ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iso wafdiga la socda ayaa qadada kadib, halkaas ku maalay geel, waxana ay tani kamid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...