Dowladda oo sheegtay in la bilaabayo sameynta Internet-ka Fibre Optic

Date:

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta oo jimco ah la bilaabayo sameynta Internet-kii Fibre Optic ee todobaadyo ka hor ka go’ay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddib markii Markabkii sameyn lahaa uu soo gaaray Dekeda Muqdisho.

Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in saaka 8-da subaxnimo la bilaabi doono qiimeynta halkii uu ka go’ay Internet-ka ee Badda gunteeda.

Waxaa uu sheegay in markabka sameyn lahaa oo maalmo ka hor ka soo dhaqaaqay dalka Cummaan uu maalmaha soo socda sameyn doono Internet-ka

“Markabkii sameyn lahaa Dekeda ayuu ku xiran yahay, saakay ayuu aadayaa, halkii uu ka go’ay xargihii Internet-ka, waxaana uu bilaabi doonaa qiimeyn, kaddib ayuu guda galayaa sameyntii Internet-ka”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in wixii hada ka dambeeya ay dowladda Soomaaliya ka taxadari doonto in xaaladan oo kale aanay dhicin, isla markaana ay bilaabi doonaan qorshayaal lagu ballaarinayo adeegyada Internet-ka ee dalka.

Shirkadda Dalkom oo keentay adeeggan Internet-ka ee Fibre Optic oo la soo marsiiyay badda gunteeda hoose ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay rajeyneyso inuu dib u soo laabto Internet-ka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...