Home Blog Page 1654

Madaxweynaha Puntland oo tabbabar u soo xiray saraakiil ciidan

0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xiray magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, Dowladda Federaaka Soomaaliya iyo maamuladda kale ee Dalka

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xiray 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey.

Dr Cabdiweli oo la hadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan sidii ay dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda uu maanta kujiro, uguna horseedi  lahaayeen horumar.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay faa’iidada ay leeyihiin tababarada noocani oo kale ahi ayaa sheegay  inay wax badan ka tari doonaan is dhexgalka ummaada Soomaaliyeed, is aaminaada shacabka Soomaliyeed  iyo wax wadda lahaanshaha  Qaranka Soomaalityeed.

”Waan ku farax sanahay runtii tababaradda noocanoo kale ahi inay Puntland ka dhacaan, Ummadda Soomaaliyeed ee isku danta ah, ee isku u jeeddada ahi inay isu yimaadaan, tababarka marba meel lagu qabto, lays dhexgalo, wixii macluumaadda iyo aqoona lays weydaarsado waa wax wanaagsan, dabcan isu imaatanka noocanoo kale ahi wax badan buu ka bedelayaa dawlad-nimadda Soomaaliya iyo horumarkeeda” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyey ciidankan dhamaystay tababarka, waxaana uu Alle uwaydiiyey in tababar kani anfaco ciidankaasi, isla markaana ay uga faa”iideeyaan bulshadda Soomaaliyeed meelkastay joogaanba.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale umahadnaqay tababarayaasha ka socdey UNODC iyo dalka Sweden kuwaasi oo ka qayb qaatay tababarka ciidanka, isla markaana waxa uu ku amaanay tababarayaasha sida wananaagsan ee ay mudada kooban ula dedaaleen ciidamadani muhiim ka ah inay wax badan ka bedelaan aqoontooda iyo xirfadoodaba.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kubooriyey ciidamada ka kalayimid maamulada dalka iyo Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay fariinta wanaagsan ee ay ku arkeen Puntland gaarsiiyaan meeshii ay ka yimadeen, isla markaana u cadeeyaan in laga kaaftoomi karo tababarada loo aado dalka debediisa, waxaana uu guddoonsiiyey  saraakiishaasi shahaado cadaynaysa inay dhaynteen tababarka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeeray Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kalana hadlay arimo muhiim ah

0

Muqdisho, 17, July 2017 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta galinkii dambe kormeer ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya waxuuna kula kulmay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir ku xigeenka Wasaarada iyo qaar kamid ah agaasimayaasha oo ku howlnaa diyaarinta hindiso sharciyeedyo dhowr ah kuwaasoo oo ay ka mid ahaayeen Hindise Sharciyeedka Xaduudaha, Axsaabta, Jinsiyadaha, Doorashooyinka iyo sharciga Dowlada Hoose oo qaar kamid ah loo gudbiyay xukuumada Soomaaliya si ay u meel mariyaan ka dibna loo gudbiyo Baarlamaanka dalka si loo ansixiyaan sharciyadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka waraystay madaxda wasaaradda waxyaaabihii u qabsoomay mudadii ay shaqada wadeen iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah si loo helo madax ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullahi Weheliye ayaa sheegay inay ku mushquul sanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen nooca doorasho ee dalka ka dhici karta iyo qaabka ugu haboon ee loo qaban karo. Wuxuuna cadeeyay inay bilaabayaan Goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Soomaaliya si loo helo bulsho u diyaarsan in loo qabto doorashooyin.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in loogu diyaar garoobo hanaan doorasho ayaa yiri “Waa in la sameeyaa dood ku salaysan Khibrad,aqoon iyo caqli si qof walba oo Soomaaliyeed looga faa’idaysto aqoontiisa iyo aragtidiisa.

“Waxaana lagama maarmaan ah in dowadladdu ay soo dhawaysato shacabkeeda si dadka Soomaaliyeed fursad loogu siiyo inay ka aragti dhiibtaan sida loo qabanayo doorashooyinka” ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxuuna sidoo kale kula dardaarmay inay ukala hormariyaan shaqooinka sida ay ukala muhiimsan yihiin .

DHAMMAAD

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdi uu hogaaminayo oo kormeeray xabsiga dhexe

0

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Ingiriiska ayaa waxa ay kormeer ku tageen xarunta Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyadoo ujeedka socdaalkooda uu la xiriiray qiimeyn ay ku sameynayeen sida ay socdaan howlo lagu dayactirayo xarunta Taliska ciidanka Asluubta iyo dhismaha Xabsi weyn oo laga dhex dhisayo isla xarunta oo iminka maraya heer gabo gabo ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa tilmaamay in guul ay tahay xilligan ay meel gabo gabo ah ay marayaan dadaalada dib loogu hirgelinayo xarumaha ciidanka Asluubta iyo xabsi weyn oo hirgalintiisa ay door ku leedahay dowladda Ingiriiska.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto sidii loo hirgelin lahaa xarumaha taliska Ciianka Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo hadafku yahay in lahelo garsoor hufan oo shaqeeya.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dhaqan celin iyo wax baridba u sameeya maxaabiista ayaa xilligan ku howlan dib u dhiska iyo howlgelinta xarumaha taliska ee ku yaala Muqdisho iyo gobolada dalka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta: “Dila oo aasa Al-Shabaab-ka mayalka adag”

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa iclaamiyey hawl-gal balaaran oo dhanka amniga ah kaasi oo lagu cirib tirayo Al-Shabaab, wuxuuna amray in kooxdaasi mayalka adag la dilo dabeedna la aaso.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqistiisa timid kaddib isagoo ka hadlayey mas’uul dawladiisa ah inta la afduubtay, la dhaawacay oo kooxda argagixisa Shabaab ay u falkaasi u gaysteen.

Ciidanka dawladda Kenya ayaa soo badbaadiyey Ms. Marriam kadib markii ay afduubteen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ka qaatay gaariga ay wadatay, waxa ayna dileen mid ka mid ilaaladeeda gaarka ah, darawalkeeda iyo nin kale oo ay ilmo adeer yihiin.

Labo oo kale ayaa weerarkaasi lagu dilay.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu wehliyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa sheegay in Shabaabka qaska ka wada gudaha dalka Kenya la soo qab-qaban doono.

Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, Kan Xeebta, waxaana dhacdooyinkii uga xumaa ee uga dambeeyey ay ka dhaceen deegaanka Lamu.

Nation ayaa qortay warkan

Turjumey: Maxamed Cisman “Black Cobra”

Madaxweynaha Puntland oo daah furay bandhig bugaagta lagu soo bandhigayay

0

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 magaalada Garoowe ku Daahfuray bandhigii 3-aad ee buugaagta, sidoo kalena waxa uu madashaasi kusoo bandhigay boogiisa lagu magcaabo  ”A Challenging Transition In Soomaali”, kaasi oo ka waramaya wax qabadka la taaban karo ee uu Dr Cabdiweli wadankiisa ka hirgeliyey xiliyadii  kala gedisnaa ee uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

Furitaanka Bandhigga 3-aad ee buugaagta ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinayey Mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, 63 qoraa oo Soomaaliyeed, marti-sharaf lagu marti qaaday bandhiggani oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo debediisaba, aqoon yahano, arday, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka munaasibadani ayaa sheegay in dawladdu qayb lixaad leh ka qaadatahay, isla markaana waxa uu balan qaaday in uu dhax dhigi doona, hirgelina doono dhismayaal wax badan ka taridoona soo noolaynta Afka Hooyo iyo dhaqankeena.

“Dabcan anagu bandhigan  asaaskiisa wax baan ka ogeyn, waxaan dhisi doona Akademiyada horumarinta dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed, Waa afar qeybood oo ah meel taariikhda lagu ururiyo, Maktabad gaar ah oo taariikhdeena lagu kaydiyo,  oo aan ku keydsano buugaagta ka hadlaysa taariikhda iyo horumarinta  suugaanteena iyo tan u danbeysa oo ah Tiyaatar Qaran oo ah meel dadka suugaanleyda ah isugu yimaadaan, kusoo bandhigaan aqoontooda iyo talenti-gooda.” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa dhalinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntlandba ku booriyey in dadka taarikhda haya, wax badana ka og dhaqanka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah laga faa’iidaysto.

”Waxa jira dad waaweyn oo waxbadan og, oo taariikh haya waxaa loo baahanyahay in dhallinyaradu dadkaasi kala haraan waxbadan oo aqoon iyo taariikh ah. hada waa soconaynaa Insha Allah waana ku laabaneyna meeshii aan ka nimid insha Allah.” ayu yiri Dr Cabdiweli Gaas.

Dhinaca Kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhalinta ku dhiiriyey inay iibsadaan buugaagta say uga faa’iidaystaan cilmiga ku duugan iyo afgaarta kala gedisan ee ku qoran.

Ugu Danbayntii,  Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo bandhigay buugiisa lagu magcaabo ”A Challenging Transition In Soomaali” kaasi oo ka xog waramaya wax qabadkii kala duwanaa ee uu Dr Cabdiweli ka qabtay Soomaaliya intii uu ku jirey saaxadda siyaasadda.

 

 

  

Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobalka Gedo oo wada Howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab

0

Saraakiisha dowladda ee Gobalka Gedo ayaa sheegay inay wadaan howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshida Al-Shabaab uu khasaaro badan ka soo gaaray duqayn shalay ka dhacday deegaan hoos taga magaalada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Sidoo kale waxay sheegayaan saraakiisha ciidanka ee ku sugan Gobalka Gedo in howlgaladaan ujeedada laga leeyahay ay tahay in Al-Shabaab looga xoreeyo deegaano badan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxay dhibaateeyaan Shacabka ku nool deegaanada ay qasabka ku maamulaan ee ku yaala Gobalka Gedo iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka.

Adeegii Internet-ka oo soo laabtay

0

Waxaa goor dhow dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic kaas oo mudo ku dhow hal bil ka maqnaa magaalooyinka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Ka dib mudo 22 cisho oo adeegaan uu maqnaa ayaa Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya waxay hadda shaacisay in Internet-ka lagu guuleystay in dib loo soo celiyo ka dib markii la xaliyay ciladii jirtay.

 

Mudada uu go’naa Internet-ka ayaa wuxuu saamayn badan ku yeeshay adeegyada Bulshada sida Xawaladaha iyo adeegyada kale ee Waxbarashada.

Markab laga leeyahay Wadanka Masar ayaa la sheegay inuu jaray Cable-ka Internet-ka ee dhex mara Badda.

Wasiir Xoosh “Safar hawleedkii aan ku tagnay Cadaado waxa uu ku soo dhamaaday guul”

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka warbixiyay safarkii wafdi uu hogaaminayay ay ku tageen magaalada Cadaado ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xoosh ayaa sheegay in ay kulan ay la yeesheen Ku-Simaha Madaxweynaha Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug.

“Shirarkii aan ku galnay Cadaado waxaa ugu horeeyay mid aynu la yeelanay Ku-simaha Madaxweynaha Galmudg iyo Xubno katirsan labada Gole ee Galmudug, waxa ay ina la wadaageen talooyinkoodii ku aadanaa Qorshaha Guud ee aan diyaarineyno si Geedi-Socodka dib-u-eegista Dastuurka uu ugu soo dhamaado guul” ayuu yiri AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ka hadlay kulan kale oo muhiim ahaa oo ay Wasaaradda u qabatay Ururada Bulshada Rayidka ee Galmudug.

“Waxaa kaloo jiray shir muhiim inoo ahaa oo aanu la yeelanay Bulshada Rayidka ee Galmudug, iyaga oo talooyin wax ku ool ahaa ka bixiyay Qorshaha Guud; waxa uu inoo ahaa kulan kale oo inagu dhiirageliyay in aanu shacabkeena marwalba talooyinkooda ku shaqeeyno tasoo ka dhigan in safarkeenii uu ku soo dhamaaday guul” ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.

Wafdiga ka socday Wasaaradda ayaa sidoo kale booqday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug, iyaga oo kulan la qaatay Wasiirka Galmudug Mudane Cismaan Maxamed Cali iyo qaar kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka ee Galmudug, waxa ayna labada dhinac ku ballameen in wadashaqayn joogta ah la yeesho.

Gunaanad, Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho iyaga oo maalmaha soo socda u ambabixi doona caasimadaha kale ee dawlad goboledyada dalka si loo gaarsiiyo kulamada wadatashiga.

—–DHAMAAD—–

The Night That Sealed Our Brotherhood For Eternity

0

On 15 July 2016, what had started as a lovely summer night, evolved almost into a horrifying nightmare for the Turkish democracy. Members of a sleeper cell, lurking within the state institutions, attempted to stage a coup in a striking show of treachery.

The perpetrators belonged to the sinister Fetullah Gulen Terrorist Organization (FETO), a terror cult, which assaulted Turkish people and its democratic institutions with total and absolute disregard for civilian lives on the night of 15 July.

The citizens of Turkey responded with vitality in defiance of this nefarious coup attempt. Their daring and bold resistance frustrated the plotter’s treacherous designs and saved Turkish democracy.

By the time President Recep Tayyip Erdoğan returned to the Istanbul Atatürk airport, hundreds of thousands of ordinary citizens had poured out into the streets, confronting terrorists in guise of military uniforms who were armed with heavy artillery, tanks and assault rifles, in exactly the same way as enshrined wonderfully in the Turkish National Anthem, ‘‘Render your chest as armor and your body as trench! Stop this disgraceful rush!’’

The courage and deeds of the Turkish nation at that night did justice to these words, also eternalized in the Turkish National Anthem, proving that they may be ‘‘armored with walls of steel, but I have borders guarded by the mighty chest of a believer.’’

While the world was witnessing the heroic defense of democracy by the Turkish people, scores of Somalis also hit the streets of the country’s capital, Mogadishu to denounce coup attempt in Turkey. The protesters marched through the city and gathered near the Turkish embassy, where they declared their support for the Turkish nation, in unique show of solidarity.

The mosques of Somalia were also brimming up with believers, hands raised in du’a, praying God for divine assistance in order for their Turkish brothers and sisters to overcome the disgraceful assault on their democracy.

We especially owe a debt of gratitude to Somalia, for the resolute stance against FETÖ. Eliminating FETO presence completely in the immediate aftermath of the malicious coup attempt was a clear sign of our brotherhood and unshakable solidarity in the fight against terrorism.

Looking ahead, we take our strength from this extraordinary feat by the Turkish nation and encouraged by the heartfelt sympathy and resolute solidarity extended to us by the Somali people.

Somalia is now at crossroads and needs political stability, security and development more than ever. However, as the events unfolded on the night of 15 July last year demonstrated notably, no challenge is too great when confronted by the insurmountable will of the people.

I would to emphasize that Turkey believes in the bright future of Somalia. We will also accompany you through this perilous journey ahead, just as you stood by us on that extraordinary night.

Finally, on behalf of my nation, I would like to express my gratitude once again for Somali nation that deserves much more than the thanks we can extend them.

Olgan Bekar

Turkish Ambassador to Somalia

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya oo ka warbixyey Ciladbixinta Adeega internet-ka.

0

Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta ayaa ka warbixisay cilad bixinta Internet-ka ayadoo oo shaaca ka qaaday in howshaas gabo gabo mareyso isla markaana si dhaqso ah lagu soo afjari doono.

Wasiirka Wasaarada Boostada iyo is gaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in saacadaha soo socdo si buuxdo dib loogu heli doono adeegii internetka.

Wasiirka ayaa sheegay in howlaha cilad bixinta adeegaas ay meel wanaagsan mareyso ila markaana ay rajeynayaan in lasoo gabagabeeyo saacadaha soo socdo haddii uu Rabi idmo.

Maqnaashaha internetka ayaa Sababtay Qasaaro xoogan oo ka soo gaartay Ganacsatada Soomaaliyeed waxayna Dowladd Soomaaliya sheegtay in si buuxdo loo qiimeyn doono qasaarihii ka dhashay Maqnashaha internetka.