Home Blog Page 1656

Qarax Khasaaro gaystay oo ka dhacay Shiinka Dheer

0

Qarax Gaari ayaa ka dhacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Gaari laga shakiyay isla markaan ay  qabteen ciidanka Ammaanka intii baaritaanka uu socdayna uu Qarxay Gaarigaasi.

Saddex Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay Qaraxa waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Todobo Ruux oo kale sida ay sheegeen Saraakiisha Hay’adaha Ammaanka.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Ragii waday Gaariga Qarxay.

Xaquuqda sawirka Oronjo(SONNA)

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Cadaado gaaray

0
Ujeedka socdaalka wasiirka dastuurka dowlada federaalka soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ay kusoo gaareen magaalada Cadaado ayaa ah in Bulshadu talo ku yeeshaan dhameystirka arimaha dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya oo wasaaradu ay ku howlantahay.
C/raxmaan xoosh jabriil wasiirka dastuurka soomaaliya iyo warfidiisa garoonka diyaaradaha Cadaado waxaa kusoo dhaweeyay wasiirka galmuudg u qaabilsan arimaha datuurka iyo mas’uuliin kale.
Cismaan Maxmed Cali socdaal wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta  galmudug oo hadalo soo dhaweyn u badan qeybta nasashada garoonka diyaarada wafdiga wasiir xoosh jabriil ugu jeediyay ayaa sheegay inay ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan wax kasta oo dan u ah qaranka soomaaliya.
Wasiirka dastuurka soomaaliya c/raxmaan xoosh jabriil oo xarunta madaxtooyada galmuudg kula kulmay ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiye ku xigeenka labaad  ee barlamanka galmudug iyo mas’uuliin ka tirsan labada gole ee maamulka  ayaa sheegay in wasaaradu ay wado qorshe dib u eegista dastuurka looga tala gelinaayo bulshada rayidka iyo madaxda maamul goboleedyada si loo helo aragtiyo  dhaxal gala.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamanka galmudug ku simana u ah madaxweynaha maxamed axmed maalin ayaa sheegay inay kaalin ka qaadanayaan qorshaha dhameystirka dastuurka soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre “Booqashada Kismaayo waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay inuu la xisaabtamo shacabkeedu”

0

Kismaayo 12, July 2017…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre yo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne aad u badan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku-xigeenadiisa iyo saraakiil sare sare.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uga soo horeeyey magaalada Kismaayo wafdi kale oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo kamid yihiin Golaha Wasiirada, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb geli doona Shirka golaha wasiirada oo maalinta bari ah ka dhici doona Kismaayo, kaas oo markii ugu horeysay lagu qabanayo meel ka baxsan Caasimadda.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Mudane Axmed madoobe ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ay ku soo dhoweynayaan Kismaayo isla markaana shacabka Jubbooyinku ay si buuxda u taageersan yihiin dadaalada ay dawladdu wado ee ku aadan hoos u daadajinta Hay’adaha dawladda, wuxuuna tilmaamay in shirka ka dhacaya kismaayo uu Xukuumadda u fududeynayo gudashada waajibaadkeeda iyadoo la dhegaysanayo shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta ballaaran ee shacabka iyo hoggaanka Jubbaland u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna tilmaamay in inta uu ku sugan yahay magaalada uu la kulmi doono qeybaha kala duwan ee bulshada.Kismaayo markii ugu horeysay.

“Booqashadani waxay muujinayaa midnimo iyo in dawladdu ay diyaar u tahay shacabkeedu inuu la xisaabtamo, waxaan Kismaayo ku qabanaynaa shirka Golaha Xukuumadda taas oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in hoos loo eego deeganada iyo dawlad gobolleedyada”ayuu yiri R/Wasaare Khayre

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddu mudnaan gaar ah ay siinayso in xukunku uu gaaro meelaha ka durugsan caasimaha, isla mar ahaantaana xiligan la joogo waqtigii wadajir loo wajihi lahaa ka shaqeynta danta guud. dawladduna ay tahay shaqaale ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha ee ka kooban dhammaan golaha Wasiirada ayaa inta ay joogaan kismaayo waxay kulamo la yeelan doonaan Wasaaradaha ay shaqo wadaagta yihiin iyo hoggaanka Jubbaland,

Rakibaada Qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya oo bilaabatay

0

Waxaa la bilaabay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya sida ay sheegeen masuuliyiinta Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada.

Maxamed C/llaahi Oomaar Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka  ayaa sheegay inay bilaabatay rakibaada qalabka lagu maamulayo hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay Qalabkaan inuu yahay mid Casri ah, kaasi oo fududaynaya in dowladda Soomaaliya ay la soo wareegto maamulka Hawadeeda.

Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay ku guulaysan doonto mudo badan ka dib in Hawada Dalka laga maamulo caasimadda Soomaaliya.

 

Xildhibaannada golaha shacabka oo loo qeybiyey miisaaniyadda dowladda

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta horgeeyay Barlamaanka miisaaniyadda dowladda ku shaqeyneyso lixda bilood ee soo socota.

Miisaaniyadda lixda bilood ee ay ku shaqeyneysay dowladda ayaa ku ekeyd bishii la soo dhaafay ee June.

Wasiirka Maaliyadda ayaa ka hor akhriyay Xildhibaannada Golaha shacabka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota, sidoo kale waxaa uu hor-geeyay xisaab xirkii miisaaniyadda ee sanadihii 2015 iyo 2016.

Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka ayaa soo akhrisanaya  muddo 48 saacadood  miisaaniyadda loo qeybiyey, iyadoo dib la isugu soo noqon doono 15-ka bisha oo ku beegan maalinta sabtida.

Baarlamaanka ayaa horay ugu celiyay Xukuumadda miisaaniyad sanaddeedkii ay soo gudbisay, waxaana horay u ansixiyeen miisaaniyad KMG oo aheyd saddex bilood ahaa.

 

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo “Waa in Labada Aqal ay ka odayeeyaan Hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka”

0

Muqdisho, 12 Luulyo 2017: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey Golaha ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxwaynu waxa uu tilmaamay howlaha adag ee horyaala Golaha Aqalka Sare sida Dib-u-eegista Dastuurka, Wadatashiga iyo u kuur gelidda xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Dowlad Goboleedyada, Dejinta Hannaan Awood-qaybsi oo ka dhexeeya Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka; hannaankaas oo ku salaysan is aaminaad iyo danta guud.

“Waxaa tihiin rajadii Soomaaliya ka saari lahayd jahwareerka siyaasadeed, waxaana la idinka fadhiyaa inaad dhidibada u aastaan dowladnimada, dalkana ka hirgelisaan dheeli-tir iyo xasillooni siyaasadeed.”

“Waa in Labada Aqal ay ka wada shaqeeyaan sida danta qaranku ku jirto oo meel iska dhignaa danaha qofeed, kooxeed ama beeleed, waana inay ka odayeeyaan hannaanka Dib-u-eegista Dastuurka.”

Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo maanta Shiraya

0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan ka dib markii dhowaan uu furmay Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka.

Xubno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Maanta xildhibaanada la horgaynayo Miisaaniyadda Dowladda taas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda.

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u ansixiyay Miisaaniyadda ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale waxaa jira Sharciyo Badan oo horyaala Baarlamaanka Soomaaliya oo la doonayo in go’aan laga gaaro sida uu horay u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa oo la kulmay Madaxweyne Shariif Xasan

0

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxamaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyaga oo uga warbixiyay hawlgalka ay u joogaan Baydhabo.

AVV Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn uga mahadceliyay Madaxweynaha sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Baydhabo kadibna warbixin ka siiyay hawsha ay u imaadeen Koonfur Galbeed.

“Aad ayaan Mudane Madaxweyne kaaga mahadcelinayaa sida aad noogu soo dhaweeyseen Baydhabo, hawsha aan u nimid waxa ay ahayd in aan madaxda iyo shacabka Koonfur Galbeed aan ka talo gelino Qorshaha Guud ee hannaanka dib-u-eegsita Dastuurka; runtii aad ayaan ugu qanacnay talooyinkii wanaagsanaa ee ay na la wadaageen bulshadii iyo madaxdii kale ee aan la kulannay” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif Xasan ayaa soo dhaweeyay hawsha ay Wasaaradda wado isaga oo u ballanqaaday in maamulkiisu ay ka shaqeyn doonaan sidii Geedi-socodka taariikhiga ah ee dib-u-eegsita Dastuurka uu guul ugu soo dhamaan lahaa.

Ugu dambeyn, safar howleedkii Wafdiga Wasiir Cabdi Xoosh ee Baydhabo ayaa guul ku soo dhamaaday, iyaga oo maalmaha soo socda u safri doona caasimadaha kale ee dawlad goboleedyada.

—–DHAMAAD—–

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku xigeenka Petrol ka iyo Macdanta oo Istanbul uga qeybgalay Shir Caalami ah

0

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka & Macdanta Mudane Maxamud Cabdulqaadir Warsame, waxaana qeyb ka ahaa Qubaro dhinaca soosaarista Batroolka ah.

Wafdiga Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Istanbul ayaa intii uu shirku socday waxa ay si gooni gooni ah shirar garab socda Shirweynaha Balroolka Dunida ay la qaateen Madax badan oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Tamarta & Kheyraadka Dabiiciga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga. Wafdiga Soomaaliya waxaa uu sidoo kale si gaar gaar ah u qaabilay Madax ka socotay wadamada Qatar, Azarbajan, America, Albania, Serbia iyo kuwo kale.
Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirto dowladaha ku bohoobay Shirweynaha Joogtada ah ee Wadamada Batrolka Soosaara iyo kuwa rajada dhaw ka qabo in ay soo saaraan.

Shirkan oo socondoona shan maalmood ah ayaa lagu wadaa in la isku dhaafsado afkaar iyo fikrado la xiriiro sidii loo horumarin lahaa hanaanka soosaarista Batroolka iyo Suuq-geyntisa iyada oo Soomaaliya si rasmi ah ay uga mid noqotay Shirweynaha Wadamada Shidaalka soosaara, iyada oo taasi ay ka dambeysay dadaal ay Madaxda Wasaaradda Batrolka iyo Macdanta Dalkeenu u galeen arrintan iyada ay kaalin mug lehna ka geysatay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Waxaa lagu wadaa in Shirweynah Batroolka Istalnul la soo gabagabeyn doono 13 ka July, iyadoo wafdiga Soomaaliya ay fursad weyn u heleen in ay si gaar gaar ah u arkaan Shirkadaha Shidaalka Soosaare ee ugu waaweyn dunida oo ay ku jiraan kuwo horey Soomaaliya u siisay ruqsad rasmi ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka “Waxaan Diyaar u nahay in aan Soomaaliya kala shaqayno cirib-tirka argagaxisada”

0

Muqdisho, 11ka Luuliyo, 2017: Xogahaya Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in Dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka taageerto qorshayaasha horumarineed ee ay higsanayso iyo in ay kala shaqayso dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku cirib tireyso argagaxisada.

Mdane Tillerson oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa u xaqiijiyay in Maraykanka uu si buuxda u taageerayo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Ahmiyadda ugu weyn ee aan leenahay waa sugidda nabadgalyada iyo xaqiijinta in hay’adaheenna ammaanka ay yihiin kuwo tayo iyo tababar fiican leh. Waxaan dardargelinaynaa dagaalka ka dhanka Alshabaab si loo afjaro khatarta argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Maraykanka oo saaxiib dhow la ah Sooomaaliya ayaa dhawaan waxa ay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ka caawisay in ay hawlgallo ka fuliyaan goobo ay ku dhuumaalaysanayeen argagixisada Alshabaab.

=Dhammaad=