Madaxweynaha Puntland oo xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda haweenka

Date:

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee maamulkaasi oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dawlad goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar ka mida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe.

Madaxweynaha  Puntland oo ka hadlay munaasibadda daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee maamulka Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay kii  ugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ay ugu horeeyaan hawl wadeennadda Wasaaraddu.

‘’ Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh,  laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’  ayuu yidhi Dr. C/weli

‘’Taasi Maxay cadaynaysaa? Waxay cadaynaysaa hogaanka haweenka, inay ka daacad san yihiin, ka wax tarsan yihiin, ka musuq maasuq yar yihiin Raga, ‘’raali ahaada Ragaw’’, halbaanse idiin sheegayaa dumarka laftigoodu awooda Illaahay siiyey inay aqoon sadaan baalaga rabaa, Ragu waxay yiraahdaan waxaanu nahay madaxii qoyska, laakiin waxaysan fahansanayn dumarku inay yihiin luquntii qoyska’’ ayuu yiri Dr Gaas

Sidoo kale Dr C/weli ayaa caddeeyey in aanay jirin, jirina doonin hal wasaarad oo maanta ku jirta guri kiro ah oo gaar loo leeyahay, isla markaana aanay jirin Wasaarad aan helin adeeggeeda oo dhamays-tiran.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee  Puntland Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin ayaa dhankeeda sheegtay in wasaaraddani ay tahay tii ugu horreysey ee laga hirgeliyo Puntland, waxaana ay tibaaxday in dhismahani ka kooban yahay qaybo kala duwan oo  wax tar u leh haweenka iyo dhallaanka  Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahadnaqay hay’addaha ka qayb qaatay dhismahani Wasaaradda, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in hadii lasyku tashado wax walba la qabsan karo laguna guulaysan karo horumarinta wadankeena, isla mar’ahaantaana waxa uu ku guddoomey Hay’adda fulineysey mashruuca dhismaha Wasaaradda Sadex gaari oo labo tahay kuwa qashin ka lagu qaado iyo hal xaajiyad oo Wasaaradda Arrimaha gudaha lagu wareejiyey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale